Ramadan Kariim muslimiinta oo idil guud ahaan, gaar ahaana inta soomeysa ee
bisha barakeysan ay udhalatey Eebana uu aaqiro iinsha Allaah ka abaal
marindoono.
Cilmi diini oo aan idiin wadaayi majiro, balse waxaan jecleystey in aan
carabaabo saxansaxadii soonka iyo xiligii aanu dalki joogney. Waxaa farxad ah
in guud ahaan jamhuuriyada ay ka muuqan jirtey bilicsamida bishan , gaar
ahaana xiliga afurka ee dadka waajib kooda gutey ay afurayaan. Xiliga badi ay
intii soontey faraxsanaayeen, masoomayaashuna murugo iyo walaahoow ay
dhinacyada u dhuganayeen. Xiliga uu baqaylku ku dadaali jirey in uu hor Alle
wax geysto oo masaafurka masjidyada ka sookaxeyn jirey ninkii gacan furnaana
masaakiinta uusan ka ilduufi jirin.
Dhanka kale idaacadii Radio Muqdisho(tan hargeyso waligey madhageysan) Ayaa
marka ay cadceedu dhan ubadato xiligii salaada maqribna lagaaro waxaa ka
adimijirey Ilaah Naxariistii jano ha,ugu bishaareeyee wadaad codmacaan oo aad
u moodidba in loo uumay adinka oo kaliya.Waan xasuustaa ciyaalnimadayadii
waalagu tartami jirey cidii lagaarto gunaanadka marka oo sheeqo codka jiidayo,
midaan laga salgaarin ayeyna ahaan jirtey. Intaa waxaa xigijirey heeso aad
usifeysan oo loogu talagaley inta la,afurayo. Miro ahaan inta aan wax ka
xusuusto waxaa ay ahaayeen heestii Marxab oo daraandoori looqaadijrey (marxam
marxab yaaramadaan) iyo heestii kale ee Afuraay (Afuraay, Afuraay Axdigiini
gudateene afuraay) waxa kaloo jirtey hees kale oo ay miraheeda ka mid ahaayeen
(Soorta lacunayo hadey subag tahyo saxareynayee samo ku afuraay). Waxaa
macquul ah in aan erayada qaar qaldayo maadaamaan sida aan anigu u aqaan
uqorey, ulajeeda ahaanse in aad wada garandoontaan ayaan rajeynayaa.
Inta la,afurayo, waxaa isla yaraan jirey shanqarta oo idil, waxaayna ahayd
xili Noolaha oo dhan uu tartiibsan jirey, Shaqsiyan, anigu waxaan ku korey
dagmada Garbahaarey oo ay buuro ku geedaaman yihiin, Dadka daa hadalkiise
waxaan xusuustaa shinbiraha iyo noolaha duljoogo dagmada iyo inta gudaheeda ku
dhaqanba in ay Tartiibsan jireen (malaha gabal dumey haadu mashanqartee). Inti
soontey waxay cunayeen cuntadii macaaneyd ee u ekeyd mid kaduwan raashinka
xiliyada kale lacuno. Inkastoo Sanbuusaha, Burka, Buskudka, Shurbada iyo inta
kale ee fudud ee garabtaaley cuntadaas ay ahaayeen kuwo xilikasta laga cuno
xaafadaha qaarkood , macmacaanadana laga helo. Dhab ahaanse oonta afurku waa
ay ka macaaneyd tan iibka iyo ololaha kale lagu cuno. Wixii calaf loolahaa
marka laga soojeesto, waxaa xigi jirey isbariidin daris iyo xigaalaba leh,
dadka inta dhalinta yarna waxaan kamarnaan jirin sheeko dabacsan, iyadoo kuwa
loomartiyey iyo martidu ay isu farabanaanaan jireen. Gabdho iyo wiilalba,
waxaa laheli jirey fursad qaali ah oo la,isku wardhaafsado kaftan aan turxaan
lagu ogeyna habeenadaas caweyska ayaa lahaan jirey. Salaada cishe kadib,
taraawiixda ayaa bilaaban jirtey kitaabana waa ay dabayaali jireen oo cilmi
ninkii doonayey waa uu dhiriqsan jirey. Dhalintu waxay beegsan jireen goobo
lacayimey oo horey loo,ogaa, kalkanse waa wiilal oo kaliya. Waxaa lasoojeedi
jirey ilaa xili danbe oo malah marka qofwaliba isyiraahdo Saxuur iyo sariir
baad u baahan tahaybaa lagaari jirey.
Si,ay usuurto gasho wadajooga sodonka cisho ee soojeedka lagu balimay,
waxaa talan taali ahaa arimo madadaalo ubadan mararka qaarse ay aqoon
isweydaarsi ka marneyn. Anigoo kamid ahaa intii duljooge jirtey jardiinka Ciro,
waxaan xusuustaa qaybo kamid wixii la,isku soojeedin jirey, sida aan qaban
dalka badidiis ka dhaci jirey. Uguhoreyntii waxaa lgu bilaabi jirey arimo
fudud oo ay kamid ahayd ciyaar ku socota xarfaha afka soomaaliga, inkastoon
magac u aqoon hadana ciyaartani waxay ahayd mid aad u dheeraato maadaama ay
madadaalo ubadneyd. Xeer hoosaadkeeda oo ahaa qofkii kalkiisa gafaa xarafka
socdo in uu eray ka bilaabmo sheeko uu xujo mudan jirey, waxaana xujeysan
jirey kii xarafkaas bilaabey. Xujooyinka ugu caansan ayaa ahaa, dadka ka qosli,
hees jeceyl ah qaad, sidii dameerkii u ci iyo kuwo lahalmaalo. Dabadeed waxaa
loogudbijrey halxiraalayaal, kuwaas oo habdhaqameed iyo kuwa casri ahba isugu
jirey. Dadka goobta ku cusubna waxa lagu soodhaweyn jirey su,aalaha ay ka
midka ahaayeen, sadexdii iscuni lahayd ee wabiga lagoysiinyey (ridi, cowski
iyo shabeelkii) iyo Dagamada magaceedu sadexda xaraf ka koobmo, guud ahaan
gonjilicda ayaa labaari jirey. Ugudanbeyntiina waxaa la,isugu soodhuran jirey
dood cilmiyeed, ay hogaaminayeen dhalinyaro firfircoon. Runtii doodahani waxaa
ay u dhici jireen simiisaaman oo xilkas leh dhawaankana aan dibada ku arkey
iyagoo kale. Inta aan iyagana ka xasuusto waxaa kamid ahaa, tagistii dayax oo
ismari waa culus lahayd. Halka ay qaar ku doodayaan warbixinada cilmiga
sayniska oo ay daliishanayaan idaacado afqalaad iyo mida hooyaba ku hadlo,
ayaa qaarna aaayado diini ah iyo xadiis ku horjoogeen. Ismari waaguna waxaa uu
ahaa mid aan dhamaan habeen walbana meeshiisa kabilowda, iyadoo daliilaha
lacusbeyneysiinayo oo ninba dhankii war horle lasoo shirtagayo. Waxaa kaloo
iyana jirey doodo kusaabsan xililka kala duwan ee dowlada iyo kuwadeegaan ka
oo cidii ku haboon u qofba mid difaaci jirey midna dhaleecayn jirey,
isbarbadhig macalimiinta iyo maamulyaasha dugsiyada iyo ugudanbeyntii haweenka
tee uwanaagsan ayadoo bilic, dabeecad, karti iyo garsho la,isla meeldhigayo,
nin walibana ninka kale dooqiisa wax ka sheegayo.
Sodon cisho oo soojeed diini iyo mid madadaalaba lahaa marka dhan la,iska
dhigo, waxaa subaxdii ciida la,oogi jirey salaada. Dharka cadcad ee laqabo,
salaanta kadheer salaamihii hore iyo hadiyahada waxaa dheraan jirey Ilmaha oo
si garbo samin magaalada u galo, xigaalo iyo asxaab inta ay waalidkood
leeyihiina gacanta soomarin jirey “ Ciid mubaarag” ayadoon waxbo lahagrana
subaxaas dhasha waalaga farxin jirey. Buufinada biibayo iyo cunaga dabayaalee
dadka ku joogsanayo, firinbiyada kaladuwane ee dhawaaqaya iyo qub xanjiyo
nacnac oo indhaha kaaga dhaco waxaa ay ahayeen caadooyin aan laga xanaaqin.
Intaas waxaa dheeraa ilmo abti, eedo, adeer iyo daris oo isku dhax qasma midka
mid xigaana aan maalintaas garaneyn. Marka salaada latugado ilmuhuna
farxadooda dhameystaan ayaa lasii jaleeci jirey bisha Ramadan iyo barakadeedi,
balse waxaa islamrkiiba bilaaban jirey aroosyo isdaba joog ah oo aad moodo in
lagu balamey. Aroosyadan oo soocelin jirey farxadii dadka ka gurtey ayaa
iyagana mudo lagu dhaafijrey, waxaana horeyka bilaabmi jirey bilihii qalalnaa
ee aan xaaran iyo xalasha lakala saari jirin.
Ugudanbeyntii, waxaa nasiibdaro ah dadkeena hada soomaan iyo kuwa
la,aqadaamtaba ee dibada jooga, in aan laheyn farxadihii badnaa ee aan
sooxusey iyo intaan katageyba. Waa jibka gudo mooyee inaan lahayn Adinkii
masjidka iyo kii radiyahaba, in aan lahayn maskiin ama musaafur kula afuro oo
gogosha dhinac ka fadhiyo, caweys dhaqameedyadii xiisaha lahaa, sawaxankii
salaada ciid kadanbeeyey ee caruurta iyo aroosyadaa badnaa ee bishan ku
xigijirey. Intaas waxaa noodheer, foolxumo badan oo aanan horey u aqoon oo
daraftaal. Deegaanada looqaxay oo aan ahayn kuwa dadyowgoodu ay asturan yihiin,
inaguna jiil hore iyo mid danbaba aan ku milanney. Dabi igama raacayo hadaan
dhaho waxaan yarayn waalidka ay hortuban yihiin ubadkoodi qaangaarey oo aan
soonka iskudayeyn, qaarkoodna ayba cuntada u diyaarinayaa. Gaashaan qaad badan
oo aan ka xishooneyn inta sooman hortoodana ku raamsanaya. Dhibta Allaha naga
koriyo, kuligeena nawada hanuuniyo, AAMIIN AAMIIN. Soon wanaagsan bulshooy.
Diyaariye, Jaamac Buulle
Buulle@hotmail.com