Inkastoo anu cumrigayga dhaafin 47sano laakinse cidii i’aragta waxaan ula
muuqda inaan dhaafey 70kii waxa uu qalbigeyga xanbaarsanyahey ee dhibaato ah
awgeed.
Waxaan isku dhaarsaney aniga iyo ninkeyga sidii aan ukorin laheyn wiilka
yar ee aan kaligiis caruur kadhalney.Waxaan balanqaadney inaanu gaarsiino
noolal kawanaagsan taan anaga kunoolnahey. Waxaan siiney dhamaan wixii uu
ubaahna anagoo naftanada kaxarimney wax raaxo ah.Waxaan bixinay juhdi iyo
naftii hurnimo si’aan uxaqiijino najaaxiisa xaga waxbarashada.
Sidaas ayey maalmuhu iyo sanadaha kudhamadeen ilaa uu kabaxey Jamacad
kutaal wadamada reer galbeedka mid kamid ah isagoo kubaasay darajo aad iyo aad
usareysa. Waxaa loo dhiibay jago(shaqo) aad iyo aad usareysa oo laxariirta
takhasuskiisa naadirka haseyeeshe wiilka nagii xageebu kudanbeeyey kadib
markii aanu gaarsiiney heerkaas! Muxuu noogu abaal gudey?
Erayadaas waxaay ahaayeen hordhac sheekada hooyo kasheekeyneysa wiilkeeda
caasi garoobey.Aanu dhageysano sheekadeeda bilowgeeda; waxaayna tiri:
Ninkeyga wuxuu ahaan jirey shaqaale hoose oo qaata mishaar aad uyar.
Mishaarkiisa naguma filneyn sidaasi darteed ayaan waxan kushaqeyn jirey
khadamad (housemaid) ahaan, guryo aay leedahey shirkad bal inaan helo waxaan
cuno iyo sidii aan ukaabilahaa biilka reerka guud ahaan, gaar ahaan noolasha
iyo mustaqbalka wiilka kali ah ee aan dhalney! Goor ay noolashii nagu adkaatey
ayuu ninkeyga wuxuu bilaabey shaqo kale oo galab ah. Dhowr sano kadib,
noolashanadii waay soo yara fiicnaatey waxooga.
Wiilka da’diisa waxaay aheyd 7jir, waxaan go’aansaney inaan kudadaalno
waxbarida wiilka anagoo geyney iskuulka ugu fiican ee magaalada kuyeela.
Ayadoo ay arintu sidaas tahey ayaa waxaa kusoo boodey ninkeyga cudur
kadhigey gogal jiif(bed ridden)! Dhowr bilood ayuu xanuunkas
lajiifey.Shirkadii uu kashaqeynayey ayaa waxaay go’aansatey inaay booskiisa
ninkale keensadaan ayagoo usoo reebey lacag yar patient ahaan.Arintaas ayaa
kureebtey raad xun isagooba markiisii hore sii liitey.
Marka ay arin halkaas mareyso ayaan go’aansadey inaan daboola booskii ninka
anigoo kudhaqaaqey wixii aan qabankarey.Waxaan xooga saarey inuu wiilka
waxbarashada ka kala go’in.
Waxaan toli jirey dharka markaas ayaan kula wareegaa schoolada iyo
wasaaradaha anigoo tusaya dadka bal inaay iga iibsadaan.
Markii uu ninkeyga soo yara ladnaadey ayuu shaqo yar kaheley shirkad kale.
Waxaay arin sidaas ahaataba, waxaa dhab noqdey riyooyinkii iyo
amaalkanagii..Wiilkanagii wuu soo qalinjabiyey, wuxuuna shaqo kaheley laan
kamid ah laama dowlada. Waxaa loo dhiibey jago aad iyo aad usareyso, wuxuu
kamid noqdey shaqaalaha sare (senior staff) aad ayaana ugu faraxney aniga iyo
ninkeyga.
Haseyeshe marna mafilaneynin in najaxan iyo jagadan uu heley inaay badili
doonta oo ay hilmaansiindoonta waaliidkiis.Wuxuu lasoo istaagey inkiraad ,dafiraad
iyo caasinimo. Wuxuu noogu badaley wanaagii aan ugalney xuman.
Maalin maalmaha kamid ah ayaan maqalney inuu guursadey gabar kasoo jeeda
qoys taajir ah. Markii hore ma’aanan rumeysan, markii aan iskudayney inaan
laxariirno oo aan kasoo hubsano,wuxu noogu jawaabey: “Haa waan guursadey
anigoon idin sheegin, mana idiin sheegi doona waayo madoonayo inaay xaaskeyga
ogaato arintiina. Waxaan usheegey inaan ahey Yatiin oo ay labadeyda waalidba
dhinteen”
Markii aan weydiiney waxa kuqasbey inuu sidaas yirahdo,waxaay noqotay
jawaabtii mid sababtey geerida aabihii, anigana igu rideycudarada qalbiga
kudhaca, wuxuna yiri: “Waayo iima qalantaan shaqada aan hayo iyo heerka
cilmigeyga awgiis…. Madoonayo inaan idinku arko xaaskeyga sharafta iyo qoyska
wacan kasoo jeedo horteeda.
Jawaabtaas awgeed,aabihiis waxaa kusoo booday xanuun,wuuna dhintey. Aniga
waxaa igu dhacey xanuuna dhowr ah… xanuunka iigu darna waxaa weeye anigoo
waayey ninkeygii noolasha ila qeybsanjirey ee darbiga ii ahaa.
Musiibadaas waxay nagu dhacday kadib markii aan soo kool-kooliney.. markii
aan har iyo habeyn usoo jeedney sidii aan wax kubarilaheyn si’uu ugu noolaado
noolal fiican.
Jawaabta wiilkeyga waxaay igu reebtey dhibaato saameysey noolasheyda oo
dhan.Waxaan dareemaya qoomamo iyo niyad jab aan ka qaadey noolasha oo dhan.
Sababtana waxaa weeye qofka sidaas ii galey waa beerkeygii!!!
Tacliiq.
Sheekadan waxaa nooga muuqata haddii caruurta loo yeelo waxkasta oo ay
doonayaan oo aan lala xisaabtamin ay keeneyso inaay bahal noqdaan sida wiilkan
oo kale.
Qisadan waxaay haysata dad badan oo caruurtooda korintooda kali xooga saara
ayagoon akhlaaqdooda iyo Diintooda midna fiirin. Ilmo badan oo yurub loola
cararey si’aaney gaajo u’arag oo caasi garoobey badana!
Waalidka waa inuu kudadaalo tarbiyada ciyaalka in kabadan sida ay ugu
dadaalan korintooda iyo quudintooda.
Amaa wiilkan soo ma’aha, ciqaabta Allah aduunyada ayey kuhaleysa haddii
uusan katoobadkeenin. Allah ayaana uweydineyna inuu soo hanuuno.
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com
QORAALADII HORE EE ALHASAANI