SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faallo samatabixinta oo dhameeys tiran

W/Q Dahir Abdulle Alasow (dahiryare)
wararkashirka@hotmail.com

Ma danta umadda ayay u midoobeen?,mise damacoodda gaarkaa?,dagaalkoodda goormuu dhamaaday?duqoowdii degmadda balcad? Dib u eeg taariikhdaan,

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Markii aad doonto in aad war deeq siiso ruux kaa da weyn iyo mid ka da yar iyo da,aadkaaddaba,waxaa la doonayaa in aad la timaado faallo duluc weyn oo daah iyo mid midoow uusan ku jiran, bal dib u eeg taariikhda aan duugoobin ee dalka somaliya loogu doowgalay,damaca shisheeyo iyo daneeysta yaasha hogaanka dalka u hayo ee weli aan ka daalin dibindaabyadda dalka iyo dadkoodda ay ku hayeen muddada dheer ee dhiig badan lagu daadshay,aan horey u sii darro faalladda aan diiradda saaray,inkastoo dalka somaliya uu soo maray daneeystayaal gaamuray,hadana markii ugu dambeeysay ayay dunida ogaatay,in dagaal oogayaasha aan la garan Karin waxa ay doonayaan kadib markii dalka loo qabtay dib u heshiisiin dalal kale duwan ay diyaariyeen,hadana aan dantii laga lahaa iyo dowlad dhexe laga hellin,kanaa diiday iyo hebel ayaa daayacay dowladihii loogu jawaabay,dib u heshiisiintii ugu danbeeysay ee dalka jabuuti dadka waxay u arkeen midda ugu dambeeysay ee dowlad dhexe dalka loogu dhisi karo,markii ay RTD ,ga ka daawadeen dadweynaha aduunka iyo dal iyo dibad dadka somaliyeed halka ay joogeen ba oo aad uga raali noqday qaabka doorashadda u dhacday,

Dowladaas uu garwadeenka sare ku guuleeystay cabdi qaasim oo degaanka xamar loogu soo dhaweeyay daacadnimadda iyo damaashaadka waxaa si weyn u diiday kooxaha degaankaas ka hubeeysnaa, inkastoo qaarkoodna ay damiirnimadooda ku taageereen, markii dambe,hasse ahaatee hogaamiya yaasha xilligiis dagaal ma sameeyn kadib markii dableeydoodii ay ka qeeyb qaateen difaaca mirraha dowladaas,dadka dalka somaliyana ay si diiran u soo dhaweeyeen,durbadiiba rajadda shacabka dib ayaa markale loo dareemay,hasse ahaatee hogaankii dowladaas ayaa durbadiiba daayacay kaalintii shacabka ka doonayay iyo dib u heshiisiintii dowlada loogu magacdaray inta aan dalka la geeyn,markii la arkay in dowladda aad u liidato,daacadnimo aysan laheyn hogaamiyayaashii ayaa duulano ku qaaday si ay u dumiyaan darajadda lagu tilmaamo,taasina waxay soo dedejisay jiritaankii dowlada KMG ah ay ku laheyd degaanka xamar,
Haddaba markii ay shaqeeyn weeysay dowladaas carte ,waxaa hogaamiyayaasha dalka loogu yeeray shir kale oo dalalka dowladaha IGAD ay horkacayaan, kaas oo dunidda caalamka ay raali ka yihiin dowladii looga dhawaaqo,ee ka dhalato shirkaas,

Shirkaas oo guud ahaan ay ku kulmeen hogaamiyayaasha somalida waxaa uu ahaa kii ugu dambeeyay ee Somali loo qabto, welina u socdo,waxaa durbadiiba ka baxay ,madaxweynaha dowladda KMG ah iyo hogaamiyayaal kale oo ka mid ahaa kuwii dowladda cabdi Qaasim ka soo horjeeday in ay dalka wax ka noqoto,

Degaanka balcad ayaa looga dhawaaqay isbaheeysi ay raali ka yihiin duqoowshahaas shirka dalka Kenya ka biyo diidsan in dowlad ka dhalato aanan dantoodda ka dhex muuqan,haddaba waxaa isweeydiin mudan goormee dhamaaday dagaalkii dhex yiil ., ,ma dan somaliyeed baa ku jirto ,dalladda ay ku midoobeen dhawaan? ,mise waa damacoodda gaarkaa? ,
Taas durbadiiba dareen kala duwan ayaa laga bixiyay ,waxaana la isweeydiiyay,
Tuuganimadda cismaan caato,
Baqeeylnimadda cabdi qaasim ,
Diblomaasi xumadda muuse suudi,
Tol la,aanta jaamac cali jaamac
Talo xumidda ibraahin xaabsade
Tigaadh jaceylka barre hiiraale,
Tayo iyo tol la,aanta axmed cumar jees,
Tigaree naceyb cabdi risaaq biixi
Taageero doonka faarax sendiko
Tafa xeeyd xeeydad koodda maxaa lagu tilmaami karaa? ,taariikh wanaagsanse ma ku leeyihiin toban iyo seddexda sano dalka somaliya? ,

Taas waa maya_ haa ,aan si qaasa u soo qaato madaxweyne cabdi qaasim ,waxaa uu cabdi qaasim ku guul dareeystay in uu shacabka somaliyeed gaarsiiyo guul iyo sinaan,
Waxaa uu geeys maray ,garwadeenka loo magacaabay hoowshii loogga golahaa, iyo guud ahaan geedi socodka nabbadda,

Hadana waxaa uu markale gardaadinayaa kuwii shalay gumaaday,guushii dowladiisa,gaari laheyd iyo geesinimaddi jabuuti,
Taas waa godob aan loogga baahneeyn in uu cabdi qaasim markale gallo,
hasse ahaatee waxaa garwadeenadda dowladiisa la weeydiiyay cabdi qaasim muxuu ugu guuleeysan waayay garwadeenimadiisa inuu guud ahaan gaarsiiyo goboladda somaliya iyo kooxaha ka gadoodsan,waxay farta ku godeen ,gacan adeegnimo in uu cabdi qaasim ka guuleeysan waaye,waxaa kale oo cabdi qaasim lagu dhaliilay in uu go,aankiisa ku maamulay dhaqaalihii dowlada aduunka ugu deeqay si loogu howlgalo,

Garwadeenimadda muuse suudi ma noqon karto mid guul ku dhamaato ,maadama uusan Garan waxa loogga gol leeyahay gollaha uu hogaamiya oo micna kale gadaal ku xambaarsan sida ay gorfeeyeen rug cadaayaal ku soo gaamuray garba duubka siyaasadda,somaliya, waxaa kale oo garwadeenimadda muuse lagu xantaa inuusan meel dheer gaarsiin Karin maadaama uusan laheyn garasho dhinaca diblamaasiyadda ah,
Cismaan caato waa siyaasi aan la garan Karin go,aanka u yaal , iyo waxa uu gooni u doonaayo,waxaa lagu tilmaamaa siyaasi gadgadoon badan oo gees ka raaca cidda uu markaas u garto inay gadood ka tahay meesha uu seefta la gaadayo in uu ku gooyo,waxaana arrinkaas qabo rag dabagal dheer ku sameeyay siyaasadda caato,iyo waxa uu doonayo,sarkaalkii mareykanka ee tvga CNN ka hadlay oo la aaminsan yahay inuu caato xiriir la yeeshay muddo dheer ilaa wixii ka dambeeyay ,markii ciidamadda mareykanka muqdisho tageen ,ayaa ka hadlay caato,wuxuuna yiri cato waa siyaasi caabudda xukunka iyo lacagta oo ah(correptman)musuqmaasuqiiste,

Barre hiiraale waa siyaasi damac dheer ka leh dhaqaalo uu ka hello degaanka waamo ee dekadda leh ,.waana sababta uu gaashaanbuurta ula noqday xulufadaan si uu gabaad dheer uga sameeysto duulaano gaad ma ah oo gollaha SRRC moorgan ku gacan siiso,soo gelidda magaaladda kismayo ee uu gudoomiyaha ka yahay,

Axmed cumar jees oo ah sarkaal howl gab ah waxaa dalladaas ku qasbay sidii uu dib magac ugu yeelan lahaa degaanka beelahiisa degaan oo deeyra qarsoon laga siiyay,waxaa uuna doonayaa sidii uu markale dib muuqaalkiisa dadkiisa ugu muujin lahaa,

Cabdi risaaq isaaq biixi waxaa degaanka balcad 13 sano kadib darajadiisa ku xiray ,dowlada itoobiya oo degaanka gedo u diidan inuu wax ka noqdo dadkiisana u taliyo, (ThaT is Why)

Max,ed ibrahim xaabsade taageeradda uu siiyay dalladda samatabixinta waa dareen uu ka arkay dadka goboladiisa bay iyo bakool iyo dowladda itoobiya oo dakana uga dhigtay,kadaba laabashadda uu dowladdii cabdi qaasim la yeeshay,oo loo arkay dana ka dhan ah dastuurkii amxaaradda ee ay u dejisay dadka reer bay iyo bakool,
Waxaa uuna xaabsaday door biday inuu dalladaas ku adkeeysto inta dagaalka siyaasadeed meel uu ka degaayo,digil iyo miriflaha uu ka dhashay ayaa talo, xumo iyo degdeg ku tilmaamay danaha xaabsade ee dalladda samatabixinta ,waxaana meel u yaal dagaal iyo leesaan difaacdo
Jaamac cali jaamac markii degaanadda putland looga adkaaday shirkii Eldoretna waa looga adkaaday, waxaa uuna dareemay tol la,aan iyo kalinimo,waana midda sababtay in uu dhan ka raaco wixii diidan shirka uu doorkiisa ka waayay,
Dadnimo ahaan iyo da, ahaan jaamac waxaa uu ka soo daalay ,dabino ka weyn afduubka degaanadda putland loogga heeysto,ee doorashadda uu ku hellay,waxaa uuna muddo dheer ka soo daalay dowladdii max,ed siyaad ee dejisay, xabsigga uu dadiisa ku qaatay (LABAATAN JIROOW),waana tan uu muqdisha uga degay si uusan dabin kale u gelin,

faarax weheliye cadoow, waa mas,uul ku caan baxay mettelaadda arrimaha ciyaaraha heer sarena ka gaaray shaqsiyadiisa kadib markii uu muddo ka badan rubac qarni maamulayay,magac iyo muuqaalna ku leh meello badan oo dunida ka tirsan,isagoo lagu tilmaamo maalqabeen,waxaa uuna mar dhaw billaabay in uu musharaxnimo iyo siyaasad mar kale soo jaleeco,kana yara weecda dhinaca ciyaaraha ,laakiin waxaa mar dhaw laga war hellay isagoo matalaayo oo u hadlo isbaheysiga uu muuse madaxda ka yahay,oo mansab jago laga siiyay,taasna inta badan somalida waa maleeysan weeysay,marka la eego muuqaalka uu masraxa somalida ka lahaa,waxaase loo macneeyay mid uu taageera kaga doonayo kooxahaas uu la midoobay,

Jariirada the moniter)ee ka soo baxdo magaaladda kanballa ayaa maqaal dheer ka Qortay faarax sendiko markii uu siyaasadda ku soo biiray,waxayna maqaalkaas ugu magac dartay(THE LAST WHISTLE OF FARAH ZENDIKO,BLACK HOWK DOWN) xantii ugu dambeeysay ee faarax sendiko oo u muuqato sida diyaaradii black howk in uu soo dhici doono,

Si kasta marka loo eego isbaheysiga iyo ujeedka loo aas aasay iyo ragga ka dhex muuqdo waxaa kuu soo baxayo muuqaalkii dalladihii mucaaradka ee diidmadda iyo mucaaraddad ku caanbaxay,mana la tilmaami karo door nabadeed oo ay degaankoodda iyo dadkoodda gaarsiin karaan ,balse aan u daayo dulucdii gabay ee abwaan abshir nuur faarax bacadle ,,

Dabkaan hurinay qaran buu dunshiyo ,deris wanaagiiye,dulucdeeda waa taa ilmahu dibadda yaalaan ,hadaad iga dambeeysaan ,jabhadi hoow dabaal degina,

W/Q Dahir Abdulle Alasow (dahiryare)
wararkashirka@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD