Sidan ayuu u hadlay Mr John
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
Soomaali, waa markii koowaad ee aan toos kuula hadlayo, waxaanan filayaa in
aanan ku qaldanayn. Waayo inta dunida la wada joogo wadahadalku waa wax furan.
Haddaba i dhegayso!
Awooddayda aan awood ka weyni jirin baan ku dhaartay! Diintayda diin
la’aanta ah baan ku dhaartay! Dadnimadayda taada ka sarraysa ayaan ku dhaartay!
Midabkayga kaaga ka cad baan ku dhaartay! Horumarka aan Eebbe ku beeniyey
aadamina kaga adkaaday baan ku dhaartay! Calankayga sida haybadda leh hawada u
babbada ayaan ku dhaartay! Diyaaradahayga hawada jibaaxa iyo maraakiibtayda
badaha gurguurata ayaan ku dhaartay! Intaas iyo inta qiimo ii leh oo dhan baan
ku dhaartay, waa in aan shaqo kaa qabtaa; waa in aan ku dulleeyaa, oo gaajo,
qax, cudur iyo silic ku badaa, kuna geeyaa heer aad suxullada iigu soo
gurguuratid oo gondaha iga leeftid!
Soomaali, adiga oo madow oo caato ah ayaad iga haybaysan waydey. Adiga oo
gaajaysan oo harraaddan baan ku idhi: ”Aan wax ku siiyo ee i caabud”, oo aad
diiddey. Taas waxaabad iigu dartay in aad anigii i yastay oo gaal iyo saancad
igu sheegtay. Waxaad ku dartay in aad dhiiggayga muqaddaska ah ciiddaada omoska
ah ku daadisay. Waxaad ku sii dartay in aad dhaqan iyo diin aan kuwayga ahayn
sii haysatid. Sidee baad isugu darsan kartaa in aad sidaa u liidatid iyo in aad
isku kay taagtid?
Berigii aynu isbarannay itaal kale ma aad hayn, waxaadse lahayd xoogaa isla
weyni iyo adadayg nacasnimo ah. Dhaqanxumadaasi waa tii aan kaaga xanaaqay. Ma
cid aan aniga ahayn baa isla weynaan karta ama adadayg yeelan karta? Maalintaas
ayaan ballan ku qaaday in aan ku edbiyo. Haddii aadan taa ogeyn waa kuu
doqonnimo. Intii aad moodaysey in aan kaa maqnaa adiga ayaan kugu maqnaa.
Adiguse maxaad ku maqnayd?
Soomaali, bal taariikhdaada dhow iyo dhacdooyinka maanta labadaba yar eeg.
Sow argagixi maysid? Imisa jeer baad dhimatay? Imisa jeer baad burburtay? Imisa
jeer baad qaxday? Imisa jeer baad silicday? Imisa jeer baa lagu kufsaday? Imisa
jeer baa lagugu qoslay? Imisa jeer baa lagaa naxay? Imisa jeer baa albaabbada
lagaa xidhay? Imisa jeer baa lagu caayey? Taasi yaqyaqsi ma ku gelinaysaa? Mise
durba dulliga iyo gunnimada waad qaayibtey oo dareenkoodu waa uu ku daayey?
Haddii aad oggolaatay gunnimadii ay ahayd in aad mar hore oggolaatid, haddii
aadan hadal- iyo ficil xun ka damqanayn, haddii cidhifyada dunida barbaartaada
dhulka la jiidayo oo aadan dan ka lahayn, haddii nin iyo ooridiisa la kala dhex
seexday, oo waalid iyo ubadkiisa la kala irdhay, waxaas oo dhami in ay jiraan
haddii aad qirsan tahay, waa aynu wada hadli karnaa. Imika ayeynu dhab u wada
hadli karnaa. Iska bixi dharka oo dabada harag ku xidho. Afartaba ku soo hardaf,
oo saddex jeer cagahayga ku sujuud, dabadeed adiga oo hoos u foorora i soo hor
fadhiiso. Haddii aad intaa oggoshahay dhab ayeynu u wada hadli karnaa. Haddii
kale weli dhib baa jira, aniga iyo adigaba hawl badan baa inoo hadhay.
Hawsha inoo fududee. Anigu yaanan noqon saadiste weligii xanuunjintaada ku
raaxaysta, adiguna ha noqon axmaq xanuunka aan ku hayo ku raaxaysta. Wax kale
kaama rabo ee oggolow in aan ku yeesho; in aan ilaah kuu noqdo. Maxaad
ilaahnimadayda ku diidday? Sow ma ogid haddii aad i beenisid in aan ku
cadaabayo?
Addoonnimo iyo cadaab kala dooro. Haddii kale dadnimo aad iskaga kay celisid
yeelo. Fuley yahow nin kaa adigi ma wax la isku fiiqaa?! Beydkaas jiiftada ah
ee waalan waxaan ka soo qaatay wadaadkii waalnaa.
Soomaali, rag haddii ay colaaddoodu dheeraato waa ay isbartaan, dabadeed wax
uun isu qiraan. Maanta waxaan kuu qirayaa in aadan doqon iyo kartilaawe midna
ahayn, laakiin waad talo xun tahay. Aad baad u talo xun tahay. Waxa aan anigu
ku yeelo wax ka badan baad isyeeshaa. Siiba marka uu saarku kugu dhaco billaawe
baas baad muruqyada iskala dhacdaa oo aad u dhiigbaxdaa. Anigaygani markaas
waan kaa naxaa.
Horta saarka aad qabtaa waa maxay? Anigaba iguma dhaco ee muxuu adiga kugu
maagay? Ma waxaan maqlay awoow hore ayaad ka hiddaysatey? Marka uu kugu dhaco
maxaad maatada ugu xayraantaa? Wallee kaasi dhib weyn buu kugu hayaa! Maalin
dhoweyd adiga oo aan i arkayn baad hortayda martay. Kalaashinkoof duug ah iyo
qashin kale ayaad degta ku sidatey. Dabadeed inta aad mar uun sidii wax waalan
u qaylisay ayaad rasaas dhan walba u farraqday. Markii ay rasaastii kaa
dhammaatay dhulka ayaad isku legedday oo dhagaxa ku galgalatay, adiga oo
cabaadaya, oo dhididaya, oo afka ka xumbaynaya, oo meel walba dhiig kaa da’ayo.
Mar waan kugu qoslay marna kaa naxay. Malaha saarka waxaa kuu wehelisa waalli?
Malaha isaga ayaaba waalli ah? Sunta doogga ah ee aad qaadka ula baxday ayaaba
kaaga daran.
Soomaali, ooryahayga dukaannada cammiran niyadsamida kaga adeegta iyo
kuwaaga xeryaha qaxootiga ku darxumaysan, carruurtayda aroor walba dugsiyada
farxadda ku aadda iyo taada cudurrada iyo nafaqo daradda la daadsan, habsamida
bulshadayda iyo qalalaasaha taada, waxqabadka waxgaradkayga iyo daciifnimada
kaaga, liibaantayda iyo hooggaaga, intuba waa wax aynu kala mudan nahay oo xaq
u kala leh nahay. Dabeecaddu noolaha uma kala eexato ee kartidooda ayey ku kala
reebtaa. Taas xogteeda Ilaahaaga ha weydiin ee weydii Charles Darwin*.
Qorraxdu dartay ayey u soo baxdaa, gugu aawaday ayuu u curtaa, ubaxuna
ajligay ayuu u dillaacaa. Adigana gabbalka ayaa kuu duma, cudurka ayaa kuu
dillaaca, abaarta ayaana kuu dhacda. Waydda jiilaalka kaa joogsatay lafaheeda
feeno. Imisa jiilaal baad lafo wayd ah feenan? Gaajada buurta u cun,
harraadkana badda u cab. Aniguna marka aan caajiso silicaaga iigu maadee. Aan
dhergo ee gaajood. Aan nabdo ee dirir. Aan dego ee qax. Aan qoslo ee ooy. Aan
liibaano ee hoog. Aan noolaado ee dhimo. Nolosha waan kaa xigaa, adiguna
dhimashada ayaad iga xigtaa. Car madaxa kor u qaad, inan gumeed yahow inan
gumeedku dhalay! Waa adigaas kufsiga hooyadaa ku foogan, ee bal car mar keliya
madaxa kor u qaad!
Soomaali, aynu daacad u wada hadalno. Adiga oo leeb iyo qaanso la gaatamaya
hub casri ah ma kugu raray? Axmaq yahow, muuskii webiyada dhooqada leh kaaga
bixi jirey iyo xoolihii caatada ahaa shilimmadii kaa soo galay ayaan hubkaa
kaaga beddeshey. Weliba amaah ribo badan baan kuugu daray. Isla markaa cuntada
waad dawarsan jirtey. Hubkaa in aad magaalooyinkaaga ku dumisay, in maatadaada
ku xasuuqday, iyo in aad gabdhahaaga ku kufsatay ayaad ka dhigtay. Bal ii sheeg
wax kale oo aad ku qabatay? Mar baad dulliga kale ee deriska kula ah ku
weerartay? Aan ku baro haddaba hubku in uu yahay wax uu ka iibiyaa ku noolaado
ka iibsadaana ku dhinto.
Soomaali, waa markii koowaad ee aan toos kuula hadlayo, waxaanan filayaa in
aanan ku qaldanayn. Waayo inta dunida la wada joogo wadahadalku waa wax furan.
Runtu waa sidan: in aan jabkaaga ku digto guushaydana ku faanaa iga dhigimayso
qof xun. Halka aad maanta taal aniga ayaa oolli kari lahaa haddii aan sidaada u
talo xun ahay. Ha i baryin hana ii caban ee dad noqo ama dhimo. Dhimo, fadlan,
dhimo! Daciifku in uu quluusho halyeyguna hore u socdaa dadnimada oo dhan ayey
dan u tahay. Mas’aladaa xaqiiqadeeda nebigaaga ha weydiin ee weydii Friedrich
Nietzche* kana tixraac buuggiisa ah (”Also sprach
Zarathustra” – Sidan ayuu u hadlay Saaratushtara).
Soomaali, horta sidaadaba ma fekertaa? Shalay haddii ay dacwadaadu ahayd
”Waan ku eeday ee iga guur”, maxaad maanta iigu soo qaxaysaa? Maxaad adiga oo
qabaal daldaloola fuushan xeebahayga ugu le’anysaa? Maxaad adiga oo diihaal
qaba iigu gaaf wareegaysaa, oo aad xafiisyadayda u galaabaxaysaa? Sow anigii
uun ma ahi? Sow adigii uun ma tihid?
Inta qiimo ii leh oo dhan baan ku dhaartay, waa in aan shaqo kaa qabtaa!
–––––––––––––––––––––––––––––––
*
Charles Robert Darwin (1809–1882) wuxuu ahaa
caalim ingiriis ah oo ku xeel dheer sayniska. Qoraalladiisa waxaa ka mid
ah On The Origin of Species, ilaa maantana waxaa loo yaqaan
asaasihii aragtida hiddeysiga iyo mudhbaxa noolaha. Aragtidaasi waxay
saamayn asaasi ah ku leh dahay hab-fekerka dadka reer galbeedka.
*
Friedrich Nietzche (1844–1900) wuxuu ahaa
maskaxshiil jarmal ah. Fikradihiisa waxaa ugu yaab badan ta uu ku soo
bandhigay buug uu u bixiyey Also sprach Zarathustra oo
jidaynaysa u kala xaq lahaanta nolosha. Aragtidaasi waa ta uu ku dhisan
yahay mabda’a nazi-ga ee labaatanaadkii ilaa afartanaadkii qarnigii tegey
Yurub gilgilay. Fikraddaasi weli dunida caddaanka ah xoog ayey ku leh
dahay. Waxaa la sheegaa Friedrich Nietzche intii aanu dhiman in uu
aragtidaa ka toobad keenay.