SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
ITOOBIYA IYO ERITREA MISE SOOMALIYA. pilot

Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Salaan wacan marka xigga ramadaan kariim ikhiyaarta sharafte lahooow aan soo kooba hadalka oo aan ku bilaawa, Mowduuceena maanta oo noqon doona mid diiran daga....

Waxaad moodaa Qatar hor leh ku soo fool leedahay dalalka geeska afrika. Muhiimada istiraatijkiyadeed ee geeska afrika,Wali waxaay taagan tahay sidii kal hore markii dagaalkii qaboobaa uu socday oo kalaa. Lakiinse qatarta cusub ma ahan oo kaliya dagaalada hore uu dhex maray itoobiya iyo eritrea oo biloowday sanado hore balse waa mid salka ku haya qaab siyasadeed dagaameedka gobalka(regional geo-politics).. kaas oo raad xoog ah ku leh dowladaha ku hardamaya masraxa siyasadeed ama maamulka ee afrika. Hadaba marka si weyn loogu kuur gallo tobankii sano ee ugu danbeeyay dhacdooyinkii siyasadeed ee geeska afrika iyo soomaliya, Gaar ahaan xanibaada warfaafineeeed ee saaran soomaliya iyo siyasadda soomaliya lugu maamullo ee ah (wax-Qabso)ee(waxna haQabsan) iyo loolanka ka dhaxeeya dalalka xoogga is biday ee ku saabsan hanashadda istiraajiyadda geeska afrika iyo damaca siyasadeeeed ee dalalka dhinaca ku haya badda cass,Waxaaa si fudud loo garan karaaa in qatar hor leh ! ay ku soo socota somaliya iyo guud ahaaan gobolka..

Dagaaladda hubeed ama colaada uu dhaxeeysa itoobiya ma ahan ama midka warfaafineed ee masar iyo itoobiya ma ahan mid ku kooban oo kaliya tuuladda badamy(390km sg) ee saran xadka itoobiya iyo eritrea ama ka manafacaadsiga biyaha niil....Arinta intaas wey ka weyn tahay ma istaahisho in dad badan ay ku dhintaaan tuulo yar oo wax soo saar lahayn.. Waxaa looga heshiin karaa sidiii loogu heshiiyey dhul weynaha eritrea... Mana ila aha xurgufta siyasadeeed ee itoobiya iyo masaaridda mid ku kooban oo kaliya ka manafacaadsiga biyaha niil, Oo wax tarkiisu ka badan yahay labadda dhinacbaaaa???????!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Hase yeeshee waxaaa cad waxa laysku haaystaaa ay tahay gacan ku dhigidda awoodda gobolka(power-Struggle)iyo gaar ahaan adeegsigga istiraatijiyadda iyo u fududdeynta iyo cidii gacanta loo gali lahaa, Tasooo soo jiitamaysay in ku dhow halka qarni.....Itoobiya iyo eritrea waxaa ku hardamayeen in mudo ahba cidii uu hari lahayd saaxibtinamada israaiiiil oo danaheeda si weyn ugu xiran geeska afrika iyo badda cass iyo arimaheeda la xiiriirta in dhulka israaiil uu fidsan yahay ilaa iyo(haradda taana), Labadda dhinacba waxaay ergooyin siyasadeed iyo kuwa militiriba oo aan hakad galin uu dirsanayeen israaiil ..Si ay ugu helaan kaalmo warfaafineed amaba militiriba..

Xariirka Eritrea iyo israaiil waxuu soo jiitamaayay tan iyo 1991 oo ku beegnayd markii ay gobanimadeeda ka qadatay itoobiya iyadoo isla markaasi ka heshay hub fudud oo keeda uu eg, oo dadka uu kuur gala xiriirka labadda dhinac ay ku tilmaameen(Daalinta xukuumadda eritrea), lakiinse danaha ay israaiil ka leedah! ay itoobiya wey ka qota dheer tahay tan eritrea.... tariikh ahaan israaiil waxaay si weyn danaysaaa geeska afrika gaar ahaaan marka loo eego xagga amaanka ganacsiga iyo dhaqankaba....itoobiya waxaa laga helaa labada il ee ka soo butaaca biyaha niil oo ah HARADDA TAANA...oo badkeedu dhan yahay 3600(sg km).. Sidaaa darteed itoobiya waxaay xakamayn kartaaa socodka biyaha niil, Kasooo wax yeelayn kara nolosha dadka masaarida iyo suudaan ...waxaa intaas dheer iyadoo israaiil si aad ah uu danaysa sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd beeraha labadda wabi iyo jinankooda...iyo maamulka kontoroolka biyaha niiil oyo badda cass oo kasoo horjeeda ( baabul mandab) oo muhiim u ha amaankeeda dowladaha carabta oo ku xeernaa raad weyn ku leh...

Marka laga soo taggo wabigga niil iyo waxtarkiisaba, itoobiya marka qaarkood waxaa lagga helaaa dadka loo yaqaano falaashaha oo sheegta iney ka soo jeedaan yahuuda kuwaasoo sanadihii uu dhexeeyay 1970-1980 loo soo daadgureyay carigga israaiiiiiiiil in kabadan oo(Bug)ah 10.000,oo qof ,Xiriirka ay´israaiil la wadaagta itoobiya oo ah mid xidido taariikheed leh Waxaay xoog saartaaa in ay adkeeyso si albaabka socdaalka falashaha uu furnaado... Kuwaasoo tiradooda lugu qiyaasay afar milyan.. Luguna gilgilo masaaridda marka ay timaado wada hadalka nabadda barigga dhexe...Iyadoo itoobiya qudheedu niilka ka dhigta alada(mechanism)diblomasiyadeed ay kula dhaqanto dalalka daneeya webiyadaaaaaass????!!! itoobiya haatan waxaay dhismooyinka mashruuca korontada haradda taana..iyo biya xereenka niil buluugga(blu-nile) guud ahaana mashruuca biya xereenka israaiil ka damacsan tahay in ay ka hirgaliso wabigga niil ee dhinaca itoobiya waxaay gaaraysaaa 40 mashruuc iyo 26 biy! a xireeeno... Kasoo ka mid ah midka ay ka damacsanyahay midka isha ka soo butaacdaaa webi shabeelaaa kasooo biyahiiisu soo gaari jireeen konfurta somaliyaaa????????????????!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Xaaladda eritrea waxaay la mid tahay midii soomaliya ku sugnayd 1963, Kadib markii dr. cabdarashiid sharmaake oo markaa raysulwasaare ka ahaa soomaliya booqasho aan hore loo qorshaynin ku tagay midowga sofiyeeti kane soo helay kaalmo militeri oo qiimahiisu garayaan 37.000.000, ka dib markii uu ka soo wayay dalka mareykanka hub uu isaga difaaca itoobiya oo dagaal kula jirtay dowladii curdinka ahayd ee soomaliya oo markaa sadex sano jirsatay......

Sanadkii 1906 dii dowladaha faransiiska,ingariiska iyo talyaanigga waxaay wada galeeen heshiis nuxurkiisa ahaa in ay sadexda dowladood isku xaq dhowraaaan, iskuna tix galiyaaan danaha ay ka leeyahiin gobolka iyadoo itoobiya shirkaas loogu aqoonsaday xaduudkeedu inuu laba labaynin.....5 sano ka hor ayaa farnsiiska ciidamo ku soo kordhiyay ciidamada ka joogay jabuuti isagoo sabab ugu dhiga! y waxa u u ku tilmaamay in ay qatar dagaalka itoobiya iyo eritrea ay ku soo fidi karto jabuuti.......

Hadaba haatan waxaa cad in dagaaladii itoobiya iyo eritrea ay ka soo cusboonaan karaan sida warakalaga helaya waxaana wanaagsan in xoogag daneeya gobolka ay ka hortagaan daan daansiga haatan ka muuqda jiida..Hadaba hadaanay soomalida ka fakirin arimaha socda haatan ee isku dirka ah xasuusnadaan in lugu fulin doonaa danihii laga lahaa.. Tasoo marka la soo baraaruga anan waxba laga qaban karin iyadoo layska dhafaya is tus-tuska iyo showga beenta ah ee dadka beenta loogu sheegayo!!!!!!!!!!!!!!!!

Diyaariye isku dubaridkii--- Suxufigga soomaliyeeed

Cali diiriye nuur pilot:::::::london

liibaan33@hotmail.com

ama tigaana_52@hotmail.com 

 QORAALADII HORE EE PILOT

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD