SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
USA: Dharbaaxo Labaad oo ku Timmid Xisbiga Democrats, Doorashadii 4tii November

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Xisbiga Democrats ee dalka mareykanka ayaa looga guulaysta badi doorashadii ka dhacday salaasadii dhawayd ee bishu ahayd 4,kadib markii gobalada Kentucky iyo Mississippi laga xayuubsaday govenatoornimadii ay muddo ka badan 32 sano iyo 12sano(say isugu xigaan) soo hayeen jagadaas,taasoo filan waa ku noqotay madaxda xisbiga Democrats oo ku taamayay inay xukunka kala wareegaan madaxweyne Bush doorashada soo socota ee sanadka innagu soo aadan ayagoo islahaa ka faaiidaysta dhaqalo xumo soo wajahday dalka tan iyo intii uu meesha katagay madaxweynihii hore Blil Clinton iyo waliba karaamo xumada ka taagan dalka ciraaq oo ah ololaha uga weyn ee xisbiga dimuqraadigu ku abaaro xumaanta madaxweyne bush iyo xisbiga jamhuuriga loona soo gaabsho(GOP).

Waxaa sidoo kale natiijo xumo kaga timmid doorashadii ka dhacday gobalka Virginia oo ah tan hoose statekaas iyadoo 6ka mid ah 8da degmo uu ku guulaystay xisbiga talada haya ee Republicanka,waliba meelo ay ku xoog badnaayeen dimuqratisku loo awood sheegtay oo ay kasoo baxeen jamhuurigu.taasoo cidla fadhi ku noqonaysa Governatoore Mark warner oo ah xisbiga Dimuqraadiska maadaama aqlibaydii heleen xisbiga kasoo horjeeda ee GOP.

Waxaase jagadiisii xagsaday oo ayna nasiib daradu ku dhicin Duqa magaalada philidelphiya mr.R.Stret oo ah nin madow ah isla markana dad badani caadifad ku siiyeen kashifaadii ka dhacday xafiiskiisa oo lagu rakibay qalabka sirta lagu dhagaysto si loo maqlo howl maalmeedkiisa taasoo lagu eedeeyay hayadaha sirta.Mr stret waa xisbiga dimuqrats oo waxay muhiimad utahay doorashada soo socta maadaama magaalo ahaan iyo gobal ahaanba ay ku nool yihiin dad faro badan.

Haddaba dadka ka falanqooda siyaasadda dalka mareykanku waxay isku raaceen in lagu degdegayo haddi la yiraahdo guushaasi waxay ka dhigantahay inuu madaxweyne Bush uu mar labaad usoo baxayo jagada madaweynaha,waayo bay yiraahdeen maalinba maalinta ka dambaysa waxaa soo yaraanaysa kalsoonida dadku ku qabeen president Bush,tusaale ahaan bishii april ee lasoo dhaafay waxuu haysta kalsoonida 70%,dhawaan qiyaas la sameeyay waxuu haystay kasoonida dadka mareykanka ee codeyn karta 40%,taasoo loo aanaynayo niyad jabka iyo murugada ka imaanaysa maalin walba dalka ciraaq oo wiilal iyo gabdho da,yar oo askar ah ku waayayaan naftodii qaaliga ah dal aad uga fog oo aan khatar saasa ku ahayn dalka mareykanka.

Sida laga warqabo bishii lasoo dhaafay ee oktoobar 7dii,waxaa xisbiga jamhuurigu ku guulaystay barasaabnimadii gobalka california,oo ah gobalka ugu dadka badan dalka mareykanka isla markaana aan lagula gorgortami jirin xisbiga demuqraatiska,oo doorasho walba ay si howl yar u heli jiraan xisbiga Bill Clinton ee Democrats.


Aden Mohamed
adengas@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE ADEN MOHAMED

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD