Danjire John Luyusunya :-IGAD iyo KENYA kama caajisi doonto baarista
Maydka Marxuumka..............
Kaaliyaha Arrimaha Bulshada iyo Maamulka Guddoomiyaha Guddiga farsamada IGAD
iyo balaarinta Shirka
Ambassator John Layasunya ayaa tacsi tiirayo leh u diray dhamaan Ergada
Soomaalida ,Qoyskii iyo Ehelkiisa isagoo ku hadlaya magaca guddoomiyaha shirka
dib uheshiisiinta Soomaalida Mbagathi,kandib markii saakey 7- aroornimadii
maydkiisa lagu arkey Allaha u naxariiastee Marxuun Axmed Rashiid Mohamed wado
lugeedka ku timaada holka cuntada ee hotelka KCCT,Mbagathi.

Qaraamada Marxuum Rashiid Axmed oo aad uga tiiraanyasan
geerida marxuumka.
Sawirka: Daily Nation |
Qoraal uu soo saarey ayaa kagacodsadey Ergada shirkainay gacanku siiyaan
baarista maydka marxuumka geerida marxuumka ayaa ilaa iyo hadda loo heyn sabab
loo heyn ,shaqaalha hotel oo isugu jiray dumar iyo rag ayaa soo wargaliyey
booliska xerada Mbagathi,ee uu shirkaka socdo.
Wareysi aan layeeshay ayaa mid kamid shaqalaha ayaa ii sheegtay in markii ay
arkeen isku dayeenin ay garab siiyaan isagoo afgambi u jiifa waddada,ka dib
markii ay soo gadiyeen oo ay la hadleen kana tirtireen dhiig yar oo garka
hoostiis ka yaaley ayey ogaadeen in uu geeriyoodey. gabadha aan wareystey oo
magaceeda Marry oo ka mid shaqaalaha la shaqeeya jikada amma qolka raashinka
lagu kariyo ayaa waxa kale oo ay ii sheegtay in markii hore u carareen qolka uu
degena isaga iyo saaxiibkiis faroole kadibna laga furi waayey markii ay
garaacdey dhamaan qolalka Ergada Soomaaliyeed.
saxiibka Axmed Rashiid ayaa kula kulmay barqadii baxada hotelka isnawaxa uu
ii sheegay in ay jirin cid uu og yahay oo ay saaxiibkiisa colaad ka
dhaxeysay,waa igu kalsoonaa saaxiibkey mana aaminsani in uu sir iga qarsadey
ayuu hadlkiisa ku gabsadey.
Alla u naxariistee marxuumka ayaa ka mida ahaa Soomalida ku nool wadanka
Keneda,saakey markii la isgu yimid dhamaan qaybaha booliiska iyo safaarada
keneda ,dhaqaatiiriyo wariyayaal ayaa taliyaha ciidanka booliiska ee xaafada
langata ooka tirsan xertda Mbagathi Cabtan peter ayaa sheegay in aysan jirin
dhaawac jirkiisa soogaarey markalaga reebo nabarkafinkaoo kaleoo kuhoos yaala
garkahoostiisa, kaasina makeeni karo dhimasho ,oowaadu jeedaan jirkiisa wali
dhiig waa uu leeyahay,markii aankahadlo aqoonta iyo cilmiga baarista meydadka
waxaan idin sheegayaa in ay ku soo boodey dhimashodegdeg ah oo ku timaada dadka
qaba cudurka dhiig karka ,in kastoo marrarka qaar uu jiro dhiig kar markii uu
ku soo boodo durba aadu dhimaneyso,laakiin baaristiidsa kama hareyno ilaa intii
kaarayaga ah.
safaarada keneda ee kenya ayaa maydka marxuumka qaadey oo sheegtay in ay
baareyso sababta kadib la aasidoono.
Marxuumka ayaa ka tirsanaa Ergada RRA-shaati gaduud kuwa ugu firfircoon .
dhamaad .
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com
WARARKII Subaxnimadii Nov 6
Ergay cusub oo ka mid ahaa ergooyinka shirka Soomaalida oo geeriyooday
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Mbagathi, Nairobi
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Waxaa xalay ku geeriyooday xarunta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee
Mbagathi oo ku taalla duleedka magaalada Nairobi ergay ka mid ahaa ergada
Soomaalida ee ka qayb galaysa shirka.
Ergaygan, Rashiid Axmed Rashiid, waxaa maydkiisa laga helay baarka
ergooyinku cunnada ay ka cunaan ee ku dhex yaalla xerada Mbagathi wax yar
kaddib markii la saxuurtay.
Dad goobjoog ah ayaa waxa ay suxufiyiinta saakay u sheegeen inay arkeen
Rashiid Axmed oo sidii qof saqraansan dhac-dhacaya oo tabartu ku yar tahay,
kaddibna ku dhex dhacay miisaskii raashinka lagu cunayey.
Waxa ay sidoo kale goobjoogayaashaasi ku warrameen in ergayga dhintay uu
garka kaga yiillay dhiig. Police-ka degmada Langata oo maydkiisa qaaday waxa ay
tibaaxeen inaan dhiiggaasi lala xiriirin karin in wax lagu dhuftay ama lala
dhacay.
Taliyaha saldhigga Langata Police Station, Naftalie Bed oo weriyeyaasha la
hadlaya, waxa uu yiri "geerida ergayga Soomaaliga ah waa dhimasho kedis ah,
waxaana u maleynaynaa inuu wadnuhu istaagay ee aanu jirin dhib kale."
Maydka Marxuumka waxaa la dhigay isbitaalka Kenyatta, halkaasoo daboolka
laga qaaday in galabta lagula sameyn doono qalliin lagu baarayo sababtii uu u
dhintay, si loo xaqiijiyo shakiga ay qabaan ergooyin badan oo ah in la sumeeyey
ergaygaas.
Second Somali talks delegate dies mysteriously
MSNBC -
... to ascertain whether the late Ahmed either died
of natural causes or otherwise,''
said a statement issued by John Lanyasunya, Kenya's special envoy for
Somalia ...
Somalia peace talks delegate dies
Washington Times, DC -
The cause of the death of Ahmad Rashid Muhammad, a
Somali with Canadian ... The statement,
signed by John Lanyasunya, Kenya's special envoy to Somalia and
chairman ... |
Rashiid Axmed Rashiid oo ahaa 38 sano jir, wuxuu haystay dhalashada waddanka
Canada, waxaana uu ka mid ahaa ergooyinka wakiilka ka ah Col. Xasan Maxamed
Nuur (Shaargaduud). Nin af-gaaban oo qunyar socod ah ayaa lagu tilmaami jiray.
Ergada Shaargaduud nin u hadlay, waxa uu u sheegay dadka wararka fidiya
inaysan jirin cid ergaygoodu uu la dirisanaa ama uu muran kala dhexeeyey. "Nooma
sheegin cid uu cabsi ka qabo, sidaas darteed ma jirto dad aan ku tuhmayno hadda"
ayuu yiri.
Rashiid Axmed, waxa uu xubin firfircoon ka ahaa Guddigii u xilsaarnaa
sameynta distoorka KMG ah, kaasoo ku guuleystay inay is jiidjiid kaddib soo
dhiraandhiriyaan distoor cusub oo la ansixiyey September 15.
Bannaanbax ergooyinku uga cabanayaan dhimashadiisa ayaa saakay hareeyey
xarunta uu ka socdo shirku. Guddoomiyaha Guddida Farsamada IGAD, Bethuel
Kiplagat, waxa uu ergooyinka weydiistay inay dulqaad lahaadaan inta laga soo
baarayo ama laga soo xaqiijinayo asbaabihii geeridiisa dhaliyey.
Hal bil wax ka yar ayaa laga soo joogaa markii la dilay Sheekh Ibraahim Cali
Cabdulle oo loo yiqiinnay Xuub-Xaaro oo ahaa xildhibaan miisaan leh oo ka
tirsanaa dowladda KMG ah. Dilka xildhibaankaas waxaa u xiray Aadan Keynaan oo
ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Kenya.
Dhimashada sii kordhaysa ee ergooyinka Soomaalida ayaa waxa ay tusaysaa
beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaalida in dowladda Kenya aysan is xilqaan
weyn oo badan iska saarin ammaanka ergooyinka siyaasadda u jooga waddankooga.
Dilkii Sheekh Ibraahim Cali Xaashi