SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Golaha samata-bixinta.

Cawl Mareero cawl_mareero@hotmail.com  

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Malaha inna kuma cusba magacyadan caynkan oo kale ahi. hore ayeynu usoo aragnay waraabayaal kuwan oo kele aho oo yidhaa waxbaan badbaadin. Haddaba qormadeennaan waxaan ku soo qaadanaynaa,samta-bixinnadii kaas ka harreeyey iyo sidey wax u samata bixiyeen.

Kacaankii 21 kii Oktobar.haddii aan ka soo bilwno, Ururkii Mucaaradka ugu horreeyey, waxuu ahaa Jabhadda Badbaadad dimuqaraadiga somaaliyeed. asaasayaashii ururkaasi waxay guddoonsadeen in dalka iyo dadkaba ka badbaadiyaan Waraabaha Gedood oo ay u arkayeen nin aan ku habboonayn in uu madax u noqdo waddanka Qof ahaan iyo Qabiil ahaan toonna. ha igu qoosan weedhaan dambe dib ayaan ka sharxi doonaaye!!

Dabcan Kacaankaa barakaysnaa dhalashadiisii ayey ahayd bilawgii mushkiladdu, balse asaaskaa SSDFayaa ahayd asaaskii bilawgii jabhado isdaba yaac ah oo aan lahayn mabda' iyo hadaf toona, aan ka ahayn xukun lagu raadiyo hab qabiil.

Aabbihii Jabhddaas wuxuu ahaa Madaxweynaha haatan ee Puntland Mudane C/llaahi Yusuf Axmed.

Sida uu sheegay Cabdillaahi Yusuf, Maxamed Siyaad(allaah ha u naxriisto) ayaa usoo jeediyey in uu kala qayb qaato Af-gembi ay ku ridaan dawladdii la doortey 1967 ee Cabdirashiid/Cigaal(allaah labada ha u naxariistee) hoggaaminyeen wakhti ku beegan janaury 1969. isagoo tusaaleeyey in dawladdani dayacday walaalihii maqnaa waddankiina shalaqooti ku sii waddo. soo jeedintaa C/llaahi gaashaanka ayuu ku dhiftay wuxuuna Siyaad Barre u sheegay in ay askar yihiin siyaasadna shuqul ku lahayn, hawshooduna tahay cadow dibadda ka soo duulay. Siyaad barrena arrintii wuxuu ku soo gabgabeeyey in C/llaahi aanu aaminsanayn in Cid aan Maxamuud saleeban(majeerteen) ahni waddanka ka talin karto. Ku jar hadalka. Ma u malaynaysaa in Cabdillaahi gar ku lahaa arrintaa,Siyaadna ku talax tegey. rag is yaqaan bay ahaayeen sow ma ha?.bal u fiirso sida uu u waaramay SG Maxamed Abshir.

Sarreeye Gaas Maxmed Abshir ayaa ku waaramay. in aabbaraha wakhti ku dhow marka Cabdillaahi iyo Siyaad wada-hadlayaan in uu Cabdillaahi Yusuf oo koox saraakiil ah wata oo uu ka mid yahay allaah ha u naxariistee Janaral Caydiid uu habeen gurigiisa ugu yimid.

markaas SG.Abshir wuxuu mucaarad ku ahaa dawladdi dhisnayd oo uu la shaqayn kari waayey. sida la sheegayna arrin uu ku gar lahaa bay ahayd. Cabdillaahi wuxuu ka codsaday in Maxamed hoggaamiye ugu noqdo Inqilaab ay ku ridaan dawladdii markaa jirtey oo in badani u arkayeen mid fashil ah. SG Maxamed abshir arrintaa wuu ku gacan sayray wuxuuna u sheegay in aanu qori wax ku raadinayn balse uu dawladdaan si kale ula dagaalamayo(Qalin). Haddaba is weydii waxa Cabdillaahi ugu tegey SG Maxamed Abshir oo aan markaa ciidanba fara ku hayn,soo jeedintii taliyihii ciidamadana u diidey waa SG Maxamed Siyaad eh.

Miyaaney taasi u muuqanayn in Cabdillaahi arkayey. in uu Cabdirashiid meesha joogo haddii cid kale ka qaadaysana uu nin reerka ah noqdo. aniga Cawl ahaan sidaas ayaan u arkaa. ha u qaadan in aan xumaan u jeedo. balse waxaan u jeedaa in aan iimaan uga dhigo dadkiii aan ka mid ka ahaa ee hadalkii Muuse Yalxaw ee ahaa hawiyaa madaxweynaha iska leh ka cadhooday.

Cabdillaahi xadhig iyo dhibaatooyin badan ka dib waa kii isku dayey inqilaabkii April 1978kii, fashil ka dinba tolla'eey yidhi ee samaystey Jabhaddii sheegatay in ay na badbaadinayaan. Maxay badbaadiyeen sow kiiwii horseedey in qibiil dhan naagohoodan la xalaalshado baraagahana laga gubo ma hayn, rag doorkana la laayo ma hayn. sow kuwii dariiqyada iyo jidadka laga mari waayey ma ahayn. sow kiwii sirteennii soo jireenka ahayd fashilyey oo annagiyo Amxaaro iskeen baray ma ahayn. sow bilawgii qabiilo u diri ayaga ma ahayn. sow kuwii markay isu habar wacanayeen isugu gabyi jery Ma Dal baa lagaa dhacay Rag baad Geel ku dirirteene. Khaliif Sheekh

Waxaa innooku xigey ururka dhaq-dhaqaaqa Soomaliyeed.waa bad baadain kale. Haddaba run ahaantii ururkaasi ma lahayn wax u jeedo ah aan ka hayn in ay ka dhisteen dawlad meel ay ku badan yihiin oo dadka ay ka badan yihiin ku cabudhiyaan.

Reerkii ururkaa lahaa waxay iska dhaadhiciyeen. kol haddii ay ka mid yihiin somaaliya in ay wax la qaybsanayaan dad ka badan rajadooduna aanay fiicnayn.sidaa daraadeed ay samaystaan meel ay ka baarqabeeyaan oo taldeedana aan loogu tegin.

inkastoo burburkii waddanka ay ka faa'iidaysteen oo ay maamul ka sameeyeen meelahii ay degaankooda 100% lahaayeen walow ay jiraan meelo kooban oo ay sanka kaga toleen maamulkooda. maxay soo kordhiyeen sow ku waxaad maqasheen ku hadla maha.

Waxaa ku xigtey USC, kuwaa hore waxay kaga duwanaayen ma hayn kuwa iskood u samaysmay ee jabhad kale aan idhaahdo SNM eh ayaa abuurtay si ay dan ugu fushato. markii ay saaxadii iyo caasimaddii yimaadeenna garan waayey meel ay u socdaan oo dagaal ku billabay dad nabad ah oo guryahooda deggan. bililiqo iyo boobna ugu dhaqqayay gurhii qaran iyo gaarba loo lahaa.ilaa ay ka dhaxleen magacyo badan oo somaliga ku cusub. sida Diirato,Mooryaan.iwm. Dabcan gartood bay ahayd dadkii sameeyeyna markay dantoodii u fuliyeen ayey yidhaahdeen waar kuwaan ismaba fahamno. iyagiina wax booba ma ahee tolo kale ma helin.

Hambo-qabosho ay isku dayeen odayaashii ka soo jeeday beelaha USC na waxaa karkaarka weydaariyey rag kale oo arkay in kuwaan aanu kheyr ka soo socon. halkaasna waxay ka bilaabeen dagaal dhexdooda ah, ilaa jifi jifi hoose la isugu dhigo. waana kuwa hadda sii maraya Muuse yalaxow iyo Cumar finish.

Haddaan u soo noqdo u jeedada qoraalkayga iyo Golahaan samata bixinta ee Balcad lagu sameeyey anigu waxaan ka qabaa aragti togan, marka la fiiriyo malrxaladda hadda. waayo? sida ay saadaalintu u badantahay shirakaan Embagathi dib ayaa loogu noqonayaa waxna wey ka soo baxaayaan. markaa haddii intaas oo Qabqable oo markii hore u baahnaa in mid kasta gaarkiis loo qanciyo uu hadda Cabdiqaasim iyagoo u xiriirsan embagathi ku soo dulfuro, sow mid wanaagsan ma aha. dabcan haa ... Markaa Golaha samat bixinta dhanka fiican halaga eego.

Cawl Mareero cawl_mareero@hotmail.com  

 
 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD