Ergooyin ka badan ilaa 300 oo qof, horayna loogu
sheegay inay u diyaar garoobaan in dib loogu celiyo Soomaaliya ayaa
diidan,waxaana horaygo'aankan lagaga dhawaaqay xafiiska Gudoomiyaha Shirka
Bethuel Kiplagat.
Ergooyinkan waxay ka cabanayaan in aanay haysan Jiif
iyo Afur xiligan lagu guda jiro bisha barakaysan ee ramadaanka isla markaana
magaalada Nairobi ay ka jiraan roobab iyo qaboow.
waxaana xalay ilaalada goobaha laga cunteeyo ay ka hor
istaageen qaar kamid ah ergooyinkan in ay afuraan kadib markii magacyadooda
laga waayay liiska 361 oo ilaaladu ay haystaan, taasina waxay sababtay in ay
xoog ku galaan goobtaasi si ay uga afuraan. sidoo kale waxay qarsoodi ku
seexdaan qaarkood Xerada halka kuwo kalana ay banaanka ka joogaan.
120 kamid ah ergooyinka dib loogu celinayo dalka
soomaaliya waa ka qaybgalayaashii TNGa ee shirka Dib U heshiisiinta loo keenay.
kuwaas oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro horay shirka looga marti qaaday.
120kaas ergo ee xildhibaanadii TNG waxaa kamid ah 38
xubnood oo iyagu ah xildhibaanadii laga keenay hotelka Golobal ee Muqdisho kana
qaybgalay ansixintii Axdiga ee 15kii Sep 2003.
Ridwaan Xaaji C/weli
Nairobi,Kenya
ridwanhaji@yahoo.com
0722317197 (Mob)