SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WAANO AAN U SOO JEEDINAYO HOOYADA SOOMAALIYEED EE ADNA AADAN ISMAACIIL

Siraad Aadan Cabdalla
Nairobi,Kenya

kmcabdi@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Aniga oo ah gabar soomaaliyeed oo ku nool waddanka Kenya magaceedana la yiraahdo Siraad Aadan Cabdalla ayaa waxaan jeclahay inaan halkaan waano uga gudbiyo gabadha soomaaliyeed ee weliba ka mid ah mas’uuliyiinta Somaliland (wasiirka arrimaha dibedda) waxaana run ahaantii jeclahay inaysan cidina u arag waanadaydaas mid u xaglinaysa qabiil ama reer gaar ah balse loo arko waano iyo naseexo madaama ummadeena allaah ku tilmaamay ummad la soo saaray tan ugu khayr badan iyagoo wixii wanaag ah dadka fara wixii xumaan ahna ka reeba , haddaba Adna aadan Ismaaciil ayaan halkan uga soo jeedinayaa naseexo ku saabsan dhowr arrimmood taasoo isugu jirta mid guud ahaan khusaysa gobolka ay metelaysey ee u hadlaysey iyo mid shaqsi ahaan aan oran lahaa inay Adna ku dhaqanto ayaa haboon :

Dhanka diinta :Adna markii aan ka daawanay television-ka waxaan kala garan waayey inay qofka hadlayaa tahay soomaali iyo inay Kenyan tahay ilaa aan magaceeda maqlay sababtuna waxay ahayd qaabka ay u labisnayd oo aan ka duwanayn midka dadka Kenyanka ah , haddaba walaashay iyada oo cimri ku jirta waxaa haboon inay u hoggaansanto amarkii allaah ee ahaa inay dumarku is asturaan oo jirkooda qariyaan inta yaree la soo reebay maahee (dadka aan geyin iyo ninkeeda) , haddaba waxaa wax laga noxo ah in gabadhaas oo muslim sheeganaysa iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee ramadaan in jirkeeda ay daawanayeen ummad isugu jirta muslim iyo gaalo , haddaba Adnaay ilaahaa ka cabso oo ka waantoow dhaqankaas aan wanaagsanayn.

Dhanka siyaasadda:walaashay Adna waxaa la yiraahdaa waa wasiirka arrimaha dibedda ee gobollada soomaaliyeed ee la magac baxay Somaliland , haddaba in kasta oo dumarku aanay diin ahaan ku haboonayn inay xilka noocaas ah qabtaan oo ilaah uu u dhiibey xil midkaas ka weyn oo ah barbaarinta qoyska iyo daryeelka ubadka haddana iyadoo ah wasiir ayaa waraysigii idaacadda laanta afka soomaaliga ee BBC-du oo beryahaan caadaysatay shidista dabka iyo iska horkeenista ummada soomaaliyeed waraysigii ay la yeelatay toddobaadkii hore ayay ku bariiqatay ka dib markii ay ku jawaabtey hadallo is is burinaya oo aan munaasib ahayn , bal Adna iyadoo mas’uuliyad sheeganaysa dib ha u fiiriso oraahdeedii ahayd waxaa ka danbeeyey dilkii macallimiintii lagu laayey sheekh dadka Garowe iyo Bosaso dega oo Majeerteenka ah waa eray laga yaqyaqsoodo markiisa hore in lagu tilmaamo fal gurigaaga ka dhacay dad aan waxba ka ogayn oo ka durugsan , tan labaade in qabiil la magacaabo ayaa fadeexad ah oo faldanbiyeed loo tiiriyo waxaa intaa ka sii daran inay Adna afkeeda ka qiratay inaanay hayn wax caddayn ah ee ay tahay tuhun warka ay idaacadda la wada dhegaysanayey ka sii daysey.

Adnaay qabiilka aad magacawday ee Majeerteen waxay degaan gobollada aad magacawday iyo kuwo kalaba mana jirto colaad aan ogahay oo keeni karta inay dad ay derisnimo iyo dhaqanba ka dhexeeyo (Somaliland) ay dhibaato ugu geystaan dad aan waxba galabsan oo ajnebi ah , haddaba dhibaatada ka dhacday gurigaaga ee aad ku ceebaysan tihiin ma haboona inaad kula soo galgalatid dadkaas dega dal ka baaxad weyn kan ad u hamuun qabtid inaad aqoonsi uga raadisid caalamka adigoo u gacmo hoorsanaya waddamo shisheeye sidii aad u kala goyn lahayd ummadda soomaaliyeed taasoo aan marna suuroobayn .

Ugu danbayntii waxaan kula talinayaa Adna Aadan Ismaaciil inay diinta islaamka e ay sheeganayso ka dhab sheegto oo ku dhaqanto iskana deyso muuqaalka laga naxo e idaacadaha la iska arkaa soo daynayaan iyo inay raali gelin ka bixiso gefkii ay u geysatay ummadda reer Puntland isla markaana aysan ceeb iyo xumaan u soo jiidin qolada ay meteleysey ee soo dirsatay waxaana ku oran lahaa (Adnaay is xisaabi intaan lagu xisaabin)

Siraad Aadan Cabdalla

Nairobi,Kenya

kmcabdi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Edna oo Puntland eedaysay siduu kornaylku u eedeeyey [C/Waxid]

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD