SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Fariin Furan oo ku socoto GSQS iyo Gudoomiyahooda Muusa Suudi Yalaxow

Abdallah Moallim Mahamud


moallem10@hotmail.com

Nov 5, 2003

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Mudane Guddoomiye adiga iyo xubnaha ka tirsan Golaha aad madaxda u tahay waxaad Soomaali weyn ugu baaqdeen shirweyne dib u heshiineed ee lagu qabanayo dalka Soomaaliya gudihiisa iyo weliba in aad dadaal dheer u gelaysaan in shirkaas ay ka soo qeyb galaan dhamaan kooxaha Soomaalida ee isku heysto gacan ku dhigida ilaha laga maamulo awooda dalka Soomaaliyeed sidaa darteed waxaan idinka codsnaynaa in aad ka fogaataan dhamaan asbaabaha keeni karo dayacaad ku timaado dadaalkas aad ku tilaabsateen iyo in uu fashilmo shirkaas gogol dhigiisa ka hor ama maro qabashadiisa keddib wadadi ay mareen shirarki ka horeeyay oo geddigood lagu qabtay dibadda dalkeena, fashilaada ugu weyn oo ku timidna ay asaas u ahayd faragelin shisheeya oo qayaxan oo ay wehelisay damac xume ku jiray kooxaha Soomaalida qaarkood ee gacan saar la lahaa quwada shisheeye iyo kuwa ku riyoonayay sadbursi iyo helitaanka qeyb aynan xaq u lahayn..

Mudana Muusa Suudi yalaxow waxaa dhegteena ku soo dhacday, beryahana la hadal haayaa horana looga bartay in Madaxweynaha DKM ee waqtigeeda dhamaaday uu dadaal ugu jiro furitaanka deggada weyn ee Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha oo aan iyada ahayn arrin xun ku dhaqaaqideeda laakiin aad moodo in uu doonayo waa Dr Cabduqaasim Salaad in furitaanka goobahan laga hormariyo qabashada shirka aad Soomali ugu baaqdeen golihiina taasoo macnaheeda yahay in uunan dan sidaa u fog ka lahayn guusha shir lagu qabto dalka gudiihiisa ama ka shaqeynayno sidi uu mar kale u hanan lahaa jaga uu ku hungoobay wedideeda kaddib marki uu ku dhaqmay caadooyinka sababay in xukuumadi uu xubinta ka ahaa madaxna uu ahaa M/Siyaad laga eryo gacan ku haynta awooda dalka Soomaaliya iyo isaga oo weli damac uga jiro in uu cagaha dhulka u dhigo jagada uu sheegto gacantana uu ku haayo in aynan farahiisa ka bixin. Mudana iyo xubnaha Golaha Samata bixinta qaranka Soomaaliyeed haddii aadan ka hotegina fakir ku salaysan damac shaqsiya ama mid qabiil ciduu doona ha ka yimaadee wuxuu sababi karaa dagaalo hor leh ee ka dhaco dalka soomaaliya guud ahaan iyo Gobalka Banaadir iyo deegaanada ku xeeran gaar ahaan oo ay taa idinka idiin dheertahay in golahiina maro wadadi caadada u ahayd gole walbo oo ka abuurmo laab lakac siyaasado aan si aad ah looga baaran degin..

Mudana waxaad gacanta ku heysaa fursad wacan oo sababi karto in mar kale cagaha dhulka loo dhigo dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay kuna dhaqanto sinaan iyo cadaalad ay Soomaalida wax ku wadaagto, mudana waxaan kaala talineynaa saddex arrimood ,waxaana kuugula talineynaa saddex kale ,Mudana Yalaxow waxaan kaa codsanaynaa dhamaystirka fursadan ay Soomaali maanta heyso in aad u marto alla ka cabsi ,adeegsiga caqligaaga adiga oo ka fogaanayo damac shaqsiya iyo mid qabiil, ku dhaqanka talooyinka wax ku oolka ah ee laguu soo jeediyo iyo sabar dheeraad ah, iyo adiga oo ka fogaado in aad qaar soo dhoweysato qaarna aad fogeyso xubnaha ka tirsan golahaada iyo hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo dhan, mudana talooyinka aan kuu soo jeedineyno guusheeda waa haddii aad ku dhaqantee waxaa iska leh adiga, dadka aad beel ahaan ka soo jeedo ,degaankaaga iyo Soomaali weyn inta dooneyso in dalkeena lagu wada noolaado alla ka cabsi, nabad,wada shaqayn iyo is ixtiraam.

A)Mudana waxaan kaala talineynaa saddex arrimood.

1) Gogasha aad dooneysaan in aad Soomaaliweyn isugu yeertaan in aynan ahaan halka gogasha la dhigayo dhul ama deegaan dadka tira ahaan ku badan deegaankaas aynan ka talin ama gacan ku heynta awooda maleeshiyeed ee ka jirta aynan tala ku lahayn.

2) martigelinta xubnaha ,shaqsiyaadka iyo kooxaha ka soo qeyb galayo gogasha aad ku taamaysaan dhigideeda in aad ka fogaataan wecitaanka ama casumaad u fidinta ka soo qeybgalayaasha nin jecleysi ama neceyb aad u heysaan koox, shaqsi ama qabiil.

3) Mudana waa midda ugu daran oo u baahan in aad la timaadaan shaqo miizaanan si aad uga fogaataan in shirka aad gundhigiisa ku jirtaan ay gacan faragelin ama wax ka dhihid dhinac u janjeerto ku yeeshaan qaabsami u socodka gogashaas dowlada shisheeya ha ahaadeen dowladahaas kuwa idinku kaalmeeyay deeq dowr ka qaadatay guusha qabashada shirkaas,kuwa aad u aragtaan saaxibadiina iyo dowlado awooda ay dunida ku leeyihiin aad kaga baqataan, mudana dhinaca kale shirka iyo natiijada ka soo baxdo si loo aqoonsado waxaa muhim ah lagana aan maarmin hay’adaha caalamiga ah,dowladaha aan deriska nahay, dowladaha daneeyo arrimaha Soomaalida iyo dowladaha waaweyn ee dunida in ay gogasha ka joogaan goobjoogaayaal ku eg ka warhaynta qaabsami u socodka shirka fara gelin la’aan .

B)Mudana Yalaxow waxaan kuugula talineynaa saddexdan arrimood

1)Mudana Yalaxow waxaa asaas u ah guusha shirka aad dooneysaan in aad Soomaaliweyn isugu yeertaan loogana wada xaajooda arimaha Soomaalida iyo dhibaatada kala gaartay si guul looga gaaro in dhidibada loo aaso dowlad Soomaaliyeed ee loo dhan yahay in aad horta ka shaqaysaan gogasha goobta la dhigayo waxaana ugu horeeyo howlaha la idinkaga baahan yahay idinka oo ogalaasha buuxda ee loo dhan yahay ka helo dadka ku badan deegaanka aad dooneysaan in aad dhigtaan gogasha taana waxay ku imaan kartaa idinka oo ka shaqeeyo dhigida gogol ka horeyso tan Soomaaliyeed oo ay ka soo qaybgalaan dhamaan oday dhaqmeedka beesha deegaankaas degan oo oda keen ah ,culumaa’udiinkooda, siyaasiyiintooda, aqoonyahankooda, tujaartooda iyo hogaamiyayaasha kooxaha hubeysan ee ku abtirsado beesha degan deegaankaas, mudana gogal aad u dhigto baeesha iska leh deegaanka uu ka dhacayo shirka keddib waa in aad weydiisataan hogaamiyayaasha beeshaas aqbalaad buuxdo oo ay idin siiyaan in aad deegaankooda ku dhigtaan gogol Soomaaliweyn la isugu keenayo laguna xalinayo dhibaatada kala gaartay iyo in ay ka tanaasulaan arrima badan oo Soomaaliweyn kala dhexeeyo iyaga oo taa bedelkeeda helayo in ay iyaga noqdaan afar iyo toban sano oo dhibaato taxana ah keddib beeshi ku guulaysatay in ay mar kale Soomaali oo gacmaha is haysato deegaankooda ku heshiiyaan kuna dhistaan dowlad Soomaaliya mar kale cagaha dhulka u dhigto.

2) Guusha taa hore keddib Mudana Muusa suudi yalaxow haddii aad rabtaan in uu guuleysto shirweynaha aad soomaali ugu baaqdeen waxaa idinkula talineynaa in aad meel iska dhigtaan adiga iyo golaha aad madaxda u tahay in aad gacanta ugu sareyso ku yeelataan maareynta gogasha aad Soomaaliweyn isugu yeeraysaan ,waana in aad talooyinka inta badan u deysaan akhyaar Soomaaliyeed ee lagu soo xulay ixtiraamka ay ku leeyihiin Soomaaliweyn dhexdeeda lagana keeno Soomaali degaanadeeda oo idil , guddigan akhyaarta ka kooban howshooda ugu muhimsan waa in ay ahaato xalinta khilaafaadka soo gala dhex galo wada hadalada dhexmarayo ka soo qeybgalayaasha shirka aad ku taamaysaan iyo dhiirigelinta hogaamiyayaasha Soomaaliyeed in ay meel wax isla dhigaan, mudana dhinaca kale waa in aad abuurtaan guddi kale oo ka soo jeedo dadka degaan ahaan degan dhulka gogasha taal shaqadoodana ahaato kaalmeynta iyo u fududeynta howlihi qabashadooda ku adkaado (technically) guddiga akhyaarta Soomaaliyeed ee aan kor ku soo xusnay.

3) Waa haddii uu qabsoomo ilaaheey idinkiis shirka aad Soomaali ugu baaqdeen, Mudana taladan saddexaad waxay ku jeedaa ,Adiga, Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed, ka soo qeybgalayaasha dhamaan, guddiyada kala duwan ee gogashaas ka abuurmo dhamaan, waxayna tahay in hogaanka dalka ku ekaado madaxweyne ama wasiirka koowaad mid kaliya ,in doorashada madaxweynaha iyo wasiirka koowaad hadba kii aad ku heshiisaan saddex sano ama laba sano gogashaas keddib si toos ah ay shacabka u soo doortaan isaga iyo baarlamaan awood u leh in uu madaxweynaha kala noqdo kalsoonida uu ka helay shacabka haddii uu howshiisa uga soo bixi waayo si dastuurka lagu heshiiyo waafaqsan, mudana dhinaca kale waa in gogashaas uu ka soo baxo madaxweyna ku meel gaar ah wanaag badana lagu yaqaan oo ay farta ku fiiqaan ka soo qayb galayaasha gogashaas halki uu shirarki horay ku imaan jiray cod ay u bixiyaan xubna barlamaan oo uunan shacabka si toos ah u soo dooranin, madaxweynahaas iyo dowladi halkaa ka soo baxdo howlahooda waa in ay ugu horeyso sidi ay uga shaqayn lahaayeen in soomaali madaxweynaha xiga madaxweynahaas ay toos u soo doortaan shacabka si nabad ah oo toos ah oo madaxbanaan.

Mudana gegebada taladeena waxaan ku soo xusuusineynaa in ay maanta Soomaaliweyn si daran baahi ugu qabto ruux garto in jaga uu ka qabto ilaha ugu sareeyo maamulka Soomaaliya ay ka wacan tahay isaga oo ku guuleysto Soomali oo wada shaqeyso, cagahana dhulka u dhigo dowlad ay raali ku wada yihiin, mudana taariikhda Soomalida ee maanta waxaa ku wacnaan doono baal dahabana ka gelayo ilaaheeyna ajar badan kaga helayo ruuxi u istaago heshiisiinta soomaali weyn haddii uu howshiisa ku guuleysto iyo haddii uu dadaal la yimaado laakin aynan xag alla ka soo dhmaan,mudana waxaan ilaaheey ka baryaynaa in uu towfiiqda waafajiyo ciddi dooneyso soomaali oo heshiiso cibaadadoodana ku guto dhulkooda oo nabad ah oo ay heshiis ku yihiin.

Abdallah Moallim Mahamud

moallem10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 QORAALADII HORE EE CABDALLAH MACALIM

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD