SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Aji: Wiilkeygow ma ciil sokeeyaa ku haya mise ciddida hoosteedaa lagaa hayaa!!!!

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Qowmiyad walba oo dunida ku nooli waxay ku dadaashaa inay horumariso oo wax barto carruurtooda. Carruurtu waa ubaxa soo koraya ee bedelaya kuwa gaboobey sida xagarkana xumbush noqday ee hadda hogaamiya bulshooyinka caalamka. Haddaba carruuurta Soomaaliyeed guud ahaan iyo carruurta qowmiyadaha la yaso gaar ahaan aanu wax yar iska tusaaleyno.

Carruurta Soomaaliyeed guud ahaan nasiib xumo ayaa la deristay muddo dheer ka dib markii Kaaba Qabiiladoodu ay ka adeejiyeen dad aan u jiir naxayn, u damqanayn, carruurtoodana geystay meelo amaan ah. Carruurta qowmiyada la yaso iyagoo intaa la wadaaga carruurta dhibaateysan ee soomaaliyeed ayaa waxaa ay dheer yihiin Guhaad, Cay, Aflagaado, Garaacid iyo Niyad jab joogta ah. Waxaanu wada ogsoon nahay in dadka loo bixiyey MADHIBAAN, GABOOYE,ADOON, YIBIR iwm carruurtooda lagala dagaalamay inay u horu maraan Caqli ahaan, Niyad ahaan iyo La dhaqanka bulshada.

Markii Carruurtaa ku abtirsata MADHIBAAN la dilay, la takooray, la caayey ayaa intuba waxay keentay in uu Ilmihii yaraa ku barbaaro niyad xumo, cuqdad oo shimbirkii ka duulo. Carruurta intaa lagu sameeyaa waxay soo baxaan kuwo bah dilan oo aan la tartami karin meelna aan la istaagi karin carruurta kale ee asaagooda ah. Haddaba akhristow is weydii sida ilmaha yar ee ka dhashay qowmiyadaha la yaso ay ku soo koreen iyo wixii lagu oran jiray. Waxaad ogaataa waxyaabaha ugu badan ee qofka xusuustiisa aan ka go’in oon marna ka tirmin waa wixii wanaag, raaxo ama xumaan iyo cadaadis ah ee loo geysan jiaray markii uu yaraa. Maskaxdu waa cajalad wax duubta oo markii qofku wax arko, dareemo ama lagu sameeyo wax la mid ah wixii yaraantiisii uu soo maray cajaladaasi dib bay u noqotaa oo soo celisaa xusuuso hore oo dhib badnaa ama raaxa badnaa!

Ilmaha ya ree Soomaaliyeed ee ka dhasha qowmiyadaha la yaso isagoo xanaaqsan buu iskoolka ka soo noqdaa iyadoo macallinkuna soo garaacay ama dharbaaxa kala soo daalay isagoo leh MIDGAANYAHAW QURUNKA AHI EDEB YEELO. Ardayduna intaa cay iyo aflagaado bay ku yiraahdaan iyagoo ku qoslaya! Ilmihii markii uu guriga yimaado wuxuu la kulmayaa iyadoo derisku ku qaylinayaan reerkoodii oo ku leeyihiin MIDGO’YAHOW EDEB YEESHA! FADARAA TIHIINE NAGA CESHA CARRUURTIINA QURUNKA AH. Ilmihii yaraa baa aabihii hoos u weydiiyey isagoo gaajoonaya oon iska bixin dharkii iskoolka uu kaga yimid:

Ilmihii: Aabe maxaa dadka nagu diray?

Aabihii: Maxaad ka hadlasaa aabe?

Ilmihii: Aabe maanta macallinkii baa isoo dilay?

Aabihii:Adigu waad rabash badan tahay, maad edeb yeelatid?

Ilmihii: Aabe wuxuu igu yidhi MIDGAANYAHOW URAYA?

Aabihii:Yaan lagaa maqlin waxaas oo kale aabe!

Ilmihii: Aabe xataa carruurta saaxiibadey ah baa igu yiraahda Midgaan oo igu qosla?

Aabihii: Aabohood wasooyin weeye! Waxaad tahay nin AJI AH OO DHALAD AH OO REER HEBEL AH ee ma tihid Midgaan! SIDAA U SHEEG AABE YAAH!

Ilmihii: Aabe derisku maxay kuu caayayeen?

Aabihii: Dharbaaxo ayuu ka soo jaray ilmihii yaraa! Wasakh su’aal badan baad tahay, ISTUBIDHYAHOW. Hana wareerine orodoo qadee!

Ilmihii yaraa ma uusan helin qof si sax ah uga jaahil bixiya su’aalihii uu qabay, waxayna ku noqotay cuqdad kale oo aan weligii ka bixin. Waxay taasi keliftay in ilmihii yaraa uu ku noolaado nolol uu is hiifayo oo uu u dulqaato wixii lagu sameeyaba, uuna aqbalo inuu yahay ruux ka hooseeya carruurta kale ee ay isla soo koreen.

Waxaa wanaagsaneyd in uu aabuhu u sharxo oo uu ilmahaa yar u sheego waxa loo yasayo iyo inuu ku dhiiri geliyo inuu isagu yahay qofka ugu sareeya dunida. Ilmuhu wuxuu helayaa kalsooni, wuxuuna u arkayaa kuwa Ajiga ah iyo isagu inay siman yihiin oo aysan waxba dhaamin. DHIBKA UGU BADANI WUXUU KA IMANAYAA IS QARISKA IYO ISKU LAMAANINTA QOLO AAN KU RABIN OO KAA FAANAYSA! BAL EEGA SIDA AJIGU CARRUURTOODA UU U FAANSHO, UNA KOOL KOOLIYO!

Waxaa qoraalkaygii hore(Ajigu waa mid, Madhibaankuna kan kale) ku qornaa waxyaabaha ay Soomaalidu ku caanka tahay ee ay kaga duwan tahay dunidana inteeda kale. Markaa waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa intii ka hadhay.

Soomalidu waa ku caan cayda iyo xanta; waxaan u la jeedaa ku sheegida qofka bini’aamadka ah halka uu u xun yahay ama la’yahay! Waxaad maqashaan GACAMEEY, INDHOOL, LUGEY, AFGUB,QAXOOTI, GAABO, WARAABE, MIDGAAN, YIBIR iwm. Waa runtii wax uu ka naxayo qofka loogu yeedhayo laakiin uusan wax awood ah u lahayn inuu yiraahdo iga daaya, dadkuna aysan garaneyn inay qofka niyadiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimayaan. Saaxiibkay Cismaan M. Xasan baa wuxuu oran jray:”Ninyahow Soomaalidu waa xaasid.Waayo, Waxay magac xun kula sugayaan marka ay wax kugu dhacaan. Inta horoo dhan HEBEL DHUUX baad tahay maalinta ilig kaa dhacana waa AFLOOW! Bal eeg maahmaahdeena ” Niman Naaneys lahayn Waa Ri’ aan Gees la hayn”. Naaneystu ma ha laysku xadgudbaa! Ma ha lays caayaa! Ma fahmin!

Dadyowga dunidu dhaqankooda ayay ku faanaan, soomaaliduse deg-deg ayay uga carartaa dhaqankeeda. Kuma faanto oo waxaad arkasaa qof soomaali ah oo isku xayeysiinaya inuu u eg yahay ama jilayo sida ay fanaaniinta dunida reer galbeedku u lebistaan ama u xiirtaan. Waxaad arkasaa in dhalinyaradu ay isku caayaan Reer miyi, Reer baadiye, dhoore,Beysaani maaha oo loola jeedo uma lebisto sida reer Yurubka ama maaha ilbax oo loola jeedo Carsiga lama socdo! Gabdhaha in tii lagu yiraahdo reer baadiyaa tahay ama BEYZANI ma tihid ay markiiba iyadoo ilbaxnimo raadis ah ay soo debcaso. ISTEERIN JILEECA WAA NALAGU YAQAAN! BAL AKHRI SHEEKADAN!

1-Wadaad muxaadara noo jeedinayey ayaa wuxuu yidhi: “Magaalo yar oo soomaalidu ku soo qaxday oo la yiraahdo Lewiston oo xoogaa u jirta Boston ayaa soomaalidii loo diiday inay ku soo bataan. Ka dibna waxay soomaalidii meesha joogtay go’aamiyeen inay isbaraan dadkan oo ay dhaqankooda u soo bandhigaan. Akhristow waxaa amakaag iyo cajaai’b noqotay markii fagaarihii ay soo galeen gabdho tin iyo cirib is ruxaya oo futada wareejinaya. Ka dibna dadkii magaalada lahaa baa qaylo afka kala qaaday carruur baa meesha noo joogta oo ma doonano inay naga arkaan dhaqankiina xun ee bal joojiya inta aanu dareerano! Markaanu tagno qudhunkiina walaaqda ayay yiraahdeen”Mee dhaqankii soomaalida? Ma dabawareejiska DAANYEERKA KU NOOL CONGO MARKUU QOOQO laga keenay baa noo dhaqan ah?Kolay Masrixii Hidaha iyo Dhaqanka baa na saameeyey!

2-“Waan ogahay maaha dhaqan Islaam, laakiin waxaan la yaabay sida ay odayaasha bulshada soomaalidu beenta noogu sheegeen oo hadalkoodu isu burinayo”Waxaa yidhi gabadh yar oo ka qayb gashay xaflad ardayda iyo Waalidka Soomaalida loogu sameeyey Iskoolka ay soomaalidu u badan tahay ee ROOSEVELT ku yaala carriga mareykanka magaalada MINNEAPOLIS. Odayaashii ayaa xafladii ku furay inay yihiin Islaam oo dumarka iyo raggu aysan istaaban iskuna iman, kana sheekeeyey dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida. Wax yar ka dib baa waxaa soo galay gabdho iyo wiilal kafan cad wada gashan oo meeshii dhaqaaqdaba ruxaya. Hore iyo gadaalba waa la dhaqaajinayaa, waana layku goosanayaa!ZIGTAA, HADDANA ZIGTAA, HADDANA ZIGTAA!!!!

Waa wax aad u naxdin badan bay tidhi gabadhii waayo carruurta looguma tala gelin inay sinaba u arkaan waxan aad soo bandhigteen! Waa wax loogu tala galay in ay dadka waaweyn oo keliya ay daawadaan kana mid ah waxyaabaha la qariyo een fagaaraha la keenin” ALLOW MAXAA NAGA RAACAY!

Waxaa ah wax laga yaq-yaqsado sida weli loogu soo bandhigayo masraxyada oo xataa ay fanaaniinta soomaaliyeed weli u isticmaalaan waxa aan u aqaano KUFSIGA MASRAXA!.

Soomaalidu waxay caan ku tahay dad soo dhaweyn iyo marti soorid iyo hadal badnaan. Inta kale dhib ma leh laakiin laab xaarnaanta ayaa mashaakil ah. War qarsoodi ah iyo sirba si fudud ayay Soomaalidu u bixiyaan iyagoon ogeyn ciday u waramayaan. Haddii qofka ay la sheekeysanayaan uu noqdo qof reer Yurub ahni waaba ka sii daran tahay oo anagoo baraktis doon ah baan sirtii wadanka iyo dadku lahaaba ay naga baxaan. Waxba ma hubsano oo ma rabno inaan ogaano waxa uu qofkani yahay iyo waxa ka dhexeeya dadka oo dhan iyo waxa gaarka ah.

Soomaalidu waa wada siyaasi oo cid waliba waxay doonasaa inay kaaga warranto xaalada adduunku ku sugan yahay iyo sida wax u dhacayaan. Haddii aad ku diido fikirkiisana waa is dilasaan.Yaa muran iyo ilaaq jecel!

Wadankaaga duli ku nooloow oo ha lagugu duleesto waa dhib. DAA WAA AJNABIYE, WAA MARTIYE HA TAABAN! Bal eeg heerka uu Ajnabi xurmeyntu na soo gaarsiisey. Ninka Itoobiya haystaa Muqdishuu raaxo ugu noolaa, maanta muxuu kuu qabtay! Kuwa Yurub ka yimaadaa ee Cad-cad lamaba hadli kartid, keen sharciga iyo warqada caafimaadkaagana iskaba daa. Haddii aad la hadashid waaba lagu xiri jirey!

Waxaa dhacday 1991-kii MOORYAAN qorya wadata ayaa wiil iyo gabadh isla socota qori ku qabtay iyagoo ka soo baqoolay Xamar marayana Afgooye. Gabadhu way qurux badnayd, markaasaa laga kaxaystay, iyadoo lasii jiidayo buu ku yidhi:”Waar nimanyahow nin AJNABI ah baan ahay oo ERITIRIAN ah ee maxaad iga rabtaan! Nimankii baa asxaabtoodii u qaysheen:” waryaa maskiinkan ajnabiga ah gabadhiisa u soo celiya”. Markii loo soo celiyey baa mid kaloo Soomaali ah la sii jiitay!ALLA YAA AJNABI IGA DHIGA bay ku muusanwday gabadhaa soomaaliyeed!

Yaa wax qaali ah jecel oon Soomaali ahayn! Laba shey oo isku mid ah bal midna qaali ka dhig midna raqiis.waxaad maqlasaa oraahda ah WUXUU RAQIIS U YAHAY BUU QABAA! Soomaalidu waa dad caqli badan, laakiin si xun u isticmaala caqligooda!.

Miyaad aragteen dad dhan oo qowmiyad ah oo ay u taliyaan KAABA QABIIL. Macnaheeduna yahay TALIYIHII QAABIIL(ninkii u horeeyey ee qof dila). U jeedadeydu waa maxaanu ku dooranay Taliyahan? Maxaa cadeynaya inuu wax maamuli karo?Ma aabihii baa Ugaas ahaabaa? Waa mashaakil in qowmid leh culimo, waxgarad iyo dad aqoon leh ay madaxdoodu waxna qorin waxna akhrin! Sidee wax u kala saarayaa Taliyahan yaabka leh!

Umadaha dunida ku nool wax yar baa isku Dhaqan, Af iyo Diin ah, haddana iyagoo intaasba ku kala duwan bay is urursadaan oo wada jir wax u wada qabsadaan. Bal Soomaalida eeg! Magaala keliya ayaa leh in ka badan 40 jaaliyadood oo mid waliba leedahay waxaan matalaa dad keliya oo la yiraahdo Soomaali. Dawlad walba oo Soomaalidu marti u tahay waa ku wareereen sidii ay isugu keeni lahaayeen oo codkooda u mideyn lahaayeen. Midnaan la’aantaasi waxay sababtay in Soomaalidu ay yeelan weydo xuquuq iyo cid u dooda oo dhibka loo geysta dheeftiisii u soo dhicisa. Waxaaba ka daran iyagoo shicibku isugu sheekeeyaan JAALIYADUHU HANAGU QARAABTEENE ISKA DAAYA, INTII GAAL CUNI LAHAA IYAGU HA CUNEENE! Shicibku ama dalkii ha joogo ama dibada ha joogee maxaa isku maskax ka dhigay?

Dadyowga dunidu qofkii denbi ka galaa sharciga ayay la tiigsadaan. Haddii sharcigu wax qaban waayo ama sideenoo kale sharciba uusan jirna ABAALKIISAA LA MARIYAA. Shicibku isagaa is arka ee ka na cunaya ma aragno!

Dunidoo dhan baa isticmaasha oo waa maahmaahda aanu beenta ka sheegno ee ah NIN AAN SHARCI KAA CELIN SHANTAADAA KAA CELISA! Waxaa sax ah in Soomaalidu KAL BAQA leedahay ee aysan lahay KAL XISHOODA, Geesinimada la sheegayo waa IS TUS TUS.Yaa Baal xoofteys badan oo hadal waaweyn! Maxaanu bah dilan nahay marka aanu qurbaha joogno laakiin Xabashida baanu habeen ka sokeynaa!

Ugu danbeyn, hadalka soomaalidu iyo meeshuu ka soo baxaa miyuu ka duwan yahay ka dad yowga kale? Dumarka Soomaalidu qayla dheeraa markay suuqyada marayaan! Maxaa ku hadalka Telefoonka naga haysta! Raggu hadal weynida waxay u arkaan raganimo miyaa?!

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

QORAALADII HORE EE EELAY

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD