SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Hayádaha warbaahinta koonfurta somalia maxay galaan maxayse gudaan?

Hassan Salahudin
Leicester
Uk.

achmed_abdi@hotmail.com


Waa sii horaysay ayaan isha mariyey maqaal si heer sare ah oo tifaftiran loo qoray kuna soo baxay wargeys aan si weyn uga dambayn jiray oo ka soo bixi jiray dalka canada, waa wargeyskii BAAQ, maqaalkaas ciwaankiisu waxa uu ahaa warbaahinta dunida yaa maamula?,

Qormadaas oo si tifaftiran loo qoray waxa ku saxiixnaa qoraa dhalinyar ahaa oo Ilaah naxariistii jano ha siiyee geeriyooday kana mid ahaa maamulkii wargeyska baaq, maqaalku waxa uu si faah faahsan uga waramay qaabka ay u shaqeeyaan ha'ayadaha warbaahinta reer galbeedku gaar ahaana kuwa maraykanka iyo sida xoogan ee qowmiyada yuhuudu inta miciyaha u dareen hudhmo aad u weyn uga soo goosteen, guud ahaanba warbaahinta dunida galbeedku waxay gacanta u gashay kooxo maxanayaal ah oo isugu jira maxiixiiyiin iyo yuhuud Ilaahayna hanti iyo maal ku galaday oo meesha ay doonaan u jiheeya cida ay doonaana sun iyo waabay ku afuufa, warar ku tidhi ku teen ah oo aanay sakaaro ka biiqsan baa laga dhigaa wax weyn oo dhagaha rayal caamka baryo dhan laga badiyaa, dhacdooyin layaab badan oo weewayn maalin kastana dunida ka dhaca waxa la dhigaa daaha dabadiisa si aan cidi u ogaanin waayo waxaan ku jirin dantooda iyo danta qawlaysatada ay isla shaqaystaan, ujeedadaydu maaha in aan ka waramo warbaahinta reer galbeed cida gananta ku haysa.

Qaabka loo adeegsado iyo warbaahinta dunida carabta cida haysata iyo sida loo adeegsado oo arintaasi waa qadiyad u taala dunida muslimka iyo xulufada galbeedka, arartaas iyo afeeftaas waxaan uga dan leeyahay dulucda qormadaydan oo ku jihaysan qalabka warbaahinta ee ka aasaasmay koonfurta somalia tan iyo intii ka dambaysay burburkii dawladnimo 13 ka hor. tiro sugan oo sax ah ma hayo inta wargeys ee ka soo baxda magaalada mogadisho laakiin waxa lagu qiyaasay in ay gaadhayaan ilaa 40 wargeys, dhawr idaacadood iyo laba telivision, bogaga internetka ee wararka iyo dacaayaadka lagu fidiyaa tiro ma leh oo waxaabay ku sii socotaa in ardaa waliba uu internetka ku yeesho bog uu ku baahiyo afkaartiisa iyo mawaaqiftooda siyaasadeed.

"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Hassan Salahudin

Inkastoo guud ahaanba Somalia oo dhan koonfur iyo ilaa waqooyi ay xadka goosteen saxaafada socod baraadka ahi nooc kasta oo ay leedahay ilaa wixii ka dambeeyey burburkii dawladii milatirga ahayd ee afweyne hadana waxaan is waydiiyaa oo aan garan waayey waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan qorayaal reer koonfureed ah oo aan inbadan qormooyinkooda ku arko wargeysyada iyo bogaga internetka, marka uu qoraagu waayo yool uu hiigsanayo ama qadiyad uu ka hadlayo waxa la odhan karaa wuxuu ka sinaysanayaa saxaafada, waxaan sidaas u leeyahay waji la yaableh oo igaga soo baxay qoraa aan aad ugu hanweynaa oo maqaaladiisa aan tixgalin gaar ah siin jiray marka uu ka hadlayo qadiyada loo maaro laayahay ee umada soomaaliyeed, waa FAHAD YAASIIN XAAJI DAAHIR , sida uu qoraagu sheegtay waxa uu dhawan socod ku soo maray wax uu ugu yeedhay gobolada waqooyi(waa Jamhuuriyada Somaliland) (hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland).

Qoraagu maqaalkiisa waxa uu si weyn uga been sheegay xaalada siyaasadeed ee wadanka waxaanu isku dayey in uu marin habaabiyo akhristayaasha sharafta badan ee sida weyn ula socda boga SOMALITALK, waxa uu somaliland ku sheegay inay tahay beer, oo ay sugayaan inta ay koonfurta somalia heshiinayso, Fahad yare waxaan u sheegayaa in shacabka Jamhuuriyada Somaliland ay goosteen in aanay goob iyo gogol dambe la soo fadhiisan doonin walaweyn iyo reer koonfureed dambe, afti, waraysiyo iyo baadhitaan dheer oo aan ku sameeyey shacabka jamhuuriyada somaliland iyo aayahooda siyaasadeed meesha ay dhigayaan dhiig iyo dhagar kay doonto ha ku hir gashee oo uu fahad si weyn uga been sheegay ayaan akhristayaasha Somalitalk maqaal kale ugu soo gudbin doonaa. Maqaalka uu fahad ku soo qoray somalitalk waxa uu igu noqday yartii baxsanayd saxarootay waayo qoraa isaga oo kale ah kama aanan filayn in uu umad dhan oo qadiyad ay u soo halgantay beesha caalamkana hordhigtay si ay u garwaaqsato uu isku dayo in uu qalin ku xag xagto.

Waa walaakiin Hassan Salahudin
Global Media Group
Leicester
Uk.

achmed_abdi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

 QORAALADII HORE EE SALAHUDIN

DIB UGU NOQOSHO MAQAALKII SOMALILAND WAA BEER [Fahad]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD