Socdaalka Nabadeynta Hadraawi Maxaa ka
Run ah? Cawl Mareero
cawl_mareero@hotmail.com
DOOD KA BILAABATAY SOOMAALIDA DHEXDEEDA:
Maxaan isugu xumi la'nahay shareecada islaamka?
»
DOOD: Soomaaliya waxay tijaabisey
xorriyad (kahor 1884), kaddib waxaa lagu khasbay gumeysi ilaa 1960, kaddib
waxay tijaabisey dimoqraadiyad (1960-1969), kaddib xukun militari iyo
shuuciyad (1969-1991), kaddib dagaal ahli ah iyo dawlad la'aan. Ma tahay
hadda in loo noqdo xukunka iyo dastuurka Islaamka, qoraalka ku soo aadi
Halkan
»HOOYOOYINKII
HOYGA UU HORUMARKEENU KU JIRO
[Xiddig]
|
Hees ku luqaynta ama samaynteedu marna ma noqon xirfad lagu shaqeysto, balse
waxay weligeed ahayd balwad qofku yeesho. Hase yeeshee waayadii dhexe ayaa
waxaa soo baxay labo kooxood oo iyagu ku calaf doonta hoobalaynta. Waa
qolyaha la ka yidhaahdo Suufuyiinta iyo fannaaniinta.iyadoo ay qolyahaas
meel fiican u marayso ayaa waxaa ku soo baxay qolo cusub waa wadaaddada
Cusub(Ikhwaanka), kuwaas oo yidhi heesuhu waa xaraan lagumana shaqaysan karo
lamana dhegeysan karo.nooc kastoo ay ahaadaanba. Jeylaani ammaan,awliyo u
yeedh yeedh,jacyl iwm. iyagoo u cuskanaya diinta, dabcan soomalidu waa dad
wada muslimiin ah, dadka intoodii badnaydna way qaateenhadlakii wadaada
cusub hoobalayntii iyo dadkeediiba xadhigey u jareen. markaas ayaa labadii
kooxdna dhibaato culusi la soo deristey.
weligoodna labadaas kooxood waxy ahaayeeyn kuwo aan xagga shaqada loogu
ducayn.
Arrintaas ayaa sababtay in aad maqashid maalin kasta fannaan hebel aya
macaluuli ku haysaa meel hebla wuxuuna codsi u dirsanayaa xertiisii intii
ehel fiican lahayd ee dibadaha u tacbirtay.
Sheekh habel (markii hore Suufi lagu yaqiin)ayaa Muxaaddaro Jihaad/caqiido
ah ka jeediyey magaalo hebla.
Fannaan hebel ayaa socdaal nabadayn ah ku maraya Norway iyo
Sweden,Laascaanood iyo Bosaso iwm.
Halkaas ayaad ka arkaysaa in ummadu ay kala caqli badan yihiin.
haddii ay meeli kugu soo oodanto meel kale u diga rogo.
waa in aadan dhagax meel yaalla noqon, isu daad raaci hadba meeshaad ka
cayshi karto.
Bal eeg dooddan na dhex martey aniga iyo Hobal.
Dhowaan ayaan booqasho ku tegey magaalada BOSASO, waxaan ku arkey hoobal
caan ahaa oo aad loo jeclaa oo macaluul meel la yuurura, waxaan weydiiyey
sidey wax u jiraan,dabadeed wuxuu ii sheegay in aan maalinkaas maanta ah
waxba hiyaayaddiisii lagu cunayan. niman Gadhadh dhaadheer oo carabaha lacag
ka soo qaataana ummaaddii ku direen.oo heesihii xaaraan ku sheegeen,farsamo
kalena aanu aqoon, haddana uu baryo ku nool yahay.
waxaan ku idhi waar hooge maxaad reer tolkaa ugu hagoogan weydey oo intaad
is yarehe habaysid magaalooyinka ku wereegtid koox dhallin yaro ahna ka
xaysatid aad tidhaahdid waxaan wadnaa nabadeyn.
intuu qoslay buu igu yidhi waar arrinkaa waa la iiga hormaray, oo markii
harena Rabbi ima solonsiin haatanse Nin Tolkiis ka soo murudsaday baa kaygii
iyo qurbo jooggiiba iiga hormaray,oo arrintaa hadda wada. ee hadal badan uma
baahniye bal maanta waxaan caaruurtii qado u siiyo ii dhiib.
anigii waan qaadan waayey "Addunyo" ma Hoobalkii Hebel Ahaa ayaa maanta wax
baryaya/shaxaadaya?
"Haddii aad ka qayb gashid kulamada uu sooryada ku qaadanayo Hadraawi bal
waxaad weyddisaa waxa uu ka qabo in waddanka la kala gooyo. Bal car si cad
ha kuu yidhaahdo ma oggoli."
cawl |
Haddaba baryadu soomalida ceeb ayey ku ahayd,qof maarmi waayey ayaana wax
baryi jirey. laakiin soomalidu waa dad caqli badan oo magacii ayey yarehe
baddeleen oo waxay baryadii u bixiyeen shaxaad.
Baryadu waxay ahayd intaad is miskiinisid in aad gacanta hoos dhigato ruuxa
aad wax ka doonaysid. Shaxaadkuse waa intaad codka weynayso qofkii aad waxa
ka doonaysayna dhuunta ka gashid aad tidhaahdid waar noo dhiib waa ku sidee.
Shaxaadkii ayaa haddana sii qabsama oo waxaa jira mid yarehe maamuus leh. oo
qof kuu soo shaxaad tegey ayaad meeshii aad ka odhan lahayd qofkaasu wuu ii
soo shaxaad tegey ayaad oranaysaa hebel ayaa ii yimid oo waan
sooryeeyey(sooryo). macnaa waa qof aad xushmayanaysid oo aad u quudhi weydey
in aad tidhaahdid wuu ii baryo yimid ama ii shaxaad yimid.
Socdaalkaan beryahan uu Hoobal hadraawi dalka inta aanay reerihiisu degin iyo
dibadaha ku marayaa wax kale ma ha ee odaygu wuu soo shaxaad tegey. waayo
waa nin maskax eebbe siiyey kana caqli badan hoobalada kale ee
Bosaso,laascaanood Xamar,baydhabo macaluushu ku hayso.
Maxaa sababay in aanu socdaalkiisa shaxaad raadinta ah ku tegin Burco iyo
Hargesa toona. intuu meelkasto waddanka soo maray ayuu Laascaanood oo Labo
boqol oo KM in ka yar u jirta halka reerihiisu degaan .wax kale ma aha ee
dadkaas dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ayuu ka gurayey, markaa
caqligiisa ayuu isticmaalay oo qolyo dihin ayuu arkay.
waa maxay nabadda Denmark iyo Swedebn loga baahan yahay ee aan looga
baahnayan Burco iyo Sheekh. Bal adba???
Hadraawi intaas oo magaalo midda uu tagoba waa la sooryeynayey. xoolahaa
doorka ah ee uu soo ururiyeyena waxaan u rajaynyaa in uu waxa ka siiyo
saaxiibadiisa kale ee ku macaluushu ku hayso Xamar,Bosaso,Hargeysa,Jigjiga.
waddankaan Burburintiisiina qayb libaax ayuu kmu lahaa ee maanta yaanu cidna
isu geeda saarin.
ha rumaysan Afwenye ayaa lala dirirayey. in waddanka lalaka gooyo waxay
ahayd ujeeddada kali ah ee SNM. hadraawina waad ogtihiin siduu uga qayb
qaatay.
Haddii aad ka qayb gashid kulamada uu sooryada ku qaadanayo Hadraawi bal
waxaad weyddisaa waxa uu ka qabo in waddanka la kala gooyo. Bal car si cad
ha kuu yidhaahdo ma oggoli.
waxaan xusuustaa beri aan degganaan jirey Magaalada Gothenburg ee Sweden oo
aan filayo in ay ahayd dabyaaqadii 1992 in uu booqasho Hadraawi noogu yimid,
xaflad balaadhanna loo qabtay. Waxaa su,aal weydiiyey nin aanan geeridiisa
maqal oo la yidhaahdo Maxamuud Daahir Seed(Sanweyne).
Mudane Hadraawi waa sidee argtidaada goonni isutaagga Somaliland?.
su'aashaa ilaa iminka Hadrawi kama uu jawaabin.
Hadal iyo dhammaantii socdaalakni wax kale ma aha ee waa
Baryo-doon/shaxaad-doon/Sooryo-doon hadba kii aad ku qancado.
Nabad gelyo
Cawl Mareero
cawl_mareero@hotmail.com
QORAALKII HORE EE
CAWL MAREERO...
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2003.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta
gabayda!!!... GUJI
»
GABAY KUSOCDA ABWAAN HADRAAWI[Cali
Jaamac]
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|