Sanaag oo u kala Go'day laba Qaybood oo Qabiil
ku Dhisan: Sanaag Galbeed iyo Sanaag Bari
sahal abdi
halyay_6@hotmail.com
DOOD KA BILAABATAY SOOMAALIDA DHEXDEEDA :
Maxaan isugu xumi la'nahay shareecada islaamka?
»
DOOD: Soomaaliya waxay tijaabisey
xorriyad (kahor 1884), kaddib waxaa lagu khasbay gumeysi ilaa 1960, kaddib
waxay tijaabisey dimoqraadiyad (1960-1969), kaddib xukun militari iyo
shuuciyad (1969-1991), kaddib dagaal ahli ah iyo dawlad la'aan. Ma tahay
hadda in loo noqdo xukunka iyo dastuurka Islaamka, qoraalka ku soo aadi
Halkan
»HOOYOOYINKII
HOYGA UU HORUMARKEENU KU JIRO
[Xiddig]
|
Sidaan wada ogsoonahay dalkii somaliya la isku odhan jirey waxaa ka dhacay
dagaal qadhaadh oo isku badelay mid qabiil hadaba gobolada uu aad u sameyey
waxaa ka mida gobolka sanaag iyo sool oo ilaa hada wax xala laga gaadhin waxaa
dareemaysaa markaa tagto goboladaa inay ka jirto kala qaybsanaan degaamada ah
iyo ciidamo maleeshiiyooyin ku kala abtirsada beelaha oo kala raacsan puntland
iyo Somaliland markaa u guda galo maqaalkayga gobolka sanaag waxa uu ka kooban
yahay 10 degamo oo kala ah ceerigaabo, ceelafweyn garadag, maydh ,dererweyne,xiis
,badhan ,laasqorey,dhahar iyo xingalool hadaba dagemooyinka intaas leeg ayaan
wax xidhiidha lahay dhamaantood taasna waxa kalifey nacaybaka qabiilooyinka ku
nool gaobolkaa oo aad moodo inanay waligood isku soo noqonayn .
Hadba arintu si kastaba ha ahaato waxaan la yaabay markii aan tegey
degmooyinka galbeedka halkaas oo ay ku sugenyihiin ciidamo qabiil oo taabacsan
Somaliland meelaha aan ugu tegey waxa ka mid ahaa lix degamo oo galbeedka
sanaag ku yaala oo kala ah ceerigaabo ceelafwey garadag, maydh,dereweyne iyo
xiis degmooyinkaa oo ay degenyihiin beelaha ku abtirsada isaaqu.
Hadaba waxaan socdaalkaygii ugu
talaabay dhinaca bariga anigoo ka anbabaxay magaalada ceerigaabo waxaa la yaab
leh markaa ceerigaabo dhaafay ilaa 100 km meel u dhexeysa degmada ceerigaabo
iyo degmada badhan ayaan waxaan ku arkay ciidamo ugu danbeyey ee ay lahayeen
reer Somaliland siiba ahan beesha habar yoonis kuwaas oo wata hub aad u culus
oo aan ku qiyaasay ilaa 10 gaadhi oo tikniko ah oo kuwa hubka culus laga rido
ah halkaas oo aad ay heegan u ahayeen inayar kadib waxaan u gudbay dhinaca
beelaha daroorka ah siiba beesha warsangali degen tahay tuulada hadaaftima
halkaas oo ay ku sugnaayen ciidamo taabacsan cabdilahi yusuf axmed oo ku
hubaysan ilaa 5 gaadhi waxanay ii sheegen in maali dhawayd xadka labada qabiil
tuulada ceel la heley la isku riday hubka oo aan cidi ku dhiman.
Laakiin waxaan soo galay
magaalada badhan oo ah caasumada bariga sanaag ee beelaha darood oo tageera
cabdilahi yusuf halkaas oo uu joogo ninka xukuma degemooyinka bariga sanaag
sida laasqorey iyo badhan ,dhahar iyo xingalool oo ay degaan beelaha darood
iyagoo dhamaan tageersan c/lahi yusuf halka kuwa galbeedkana tageeran dahir
riyaale lakiin oo cerigaabo fadhigoodu yahay sida badhasaabka gobolka sanaag
calicabdi hure iyo maayarka magaalada ceerigaabo ismaciil xaaji nuur oo
labaduba ka soo jeed beesha isaaq habar yoonis muse ismaciil halkaas oo aad ka
dareemayso sida loo kala qaybsan yahay iyo beeluhu sida ay u kala tageeraan
labada maamul, ma arkaysid dad u dhashay beesha isaaq ee degeeenka oo
tageersan puntland mana arkaysid dad darooda oo sanaag bari ah oo tageersan
Somaliland, waa la kala qaybsaday mabdaii taas oo ka dhigtey sanaag galbeed
iyo sanaag bari.
sahal abdi
halyay_6@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2003.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Sool iyo Somaliland
Yaa Ugarnaqa [Assad]
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|