QARAN DUMIS
Ismail A.Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com
DOOD KA BILAABATAY SOOMAALIDA DHEXDEEDA :
Maxaan isugu xumi la'nahay shareecada islaamka?
»
DOOD: Soomaaliya waxay tijaabisey
xorriyad (kahor 1884), kaddib waxaa lagu khasbay gumeysi ilaa 1960, kaddib
waxay tijaabisey dimoqraadiyad (1960-1969), kaddib xukun militari iyo
shuuciyad (1969-1991), kaddib dagaal ahli ah iyo dawlad la'aan. Ma tahay
hadda in loo noqdo xukunka iyo dastuurka Islaamka, qoraalka ku soo aadi
Halkan
»HOOYOOYINKII
HOYGA UU HORUMARKEENU KU JIRO
[Xiddig]
|
Waxaa laga yaabaa dad badani marka ay maqlaan qaran dumis inay soo xasuustaan
xukuumaddii kacaanka ee uu hogaamin jiray keligii taliye Maxamed Siyaad Barre.
Waxay ahayd sifo ay ugu yeeri jireen cid kasta oo ku margata ama dhabqisa
heesihii ammaanta kacaanka iyo hogaamiyihiisii.
Qofkasta oo looga shakiyo inuu ka soo horjeeddo kacaankii barakaysnaa iyo
mabaadiidiisa ayaa bilawgii waxaa lagu tilmaami jiray kacaan diid, hase
yeeshee arintani markii dambe waxay isu rogtay qaran dumis sababo aan gadaal
ka arki doono dartood.
Shacabka Soomaaliyeed waxay ku soo dhaweeyeen niyad sami iyo caleemo qoyan ka
dib markii ay ciidamada qalabka sidaa kula wareegeen maamulka dalka af ganbi
aanu dhiig ku daadan. Dadka Soomaaliyeed oo aan ku qanacsanayn sidii ay
xukuumadihii rayidka ahaa wax u wadeen xilligaas ayaynu sabab uga dhigi karnaa
sida ay u soo dhaweeyeen isbedelkaas ciidamadu horseedka ka ahaayeen.
Waxay ahayd fal ku baahsanaa waqtigaas dunida saddexaad in ciidamadu xukunka
qasadaan ka dibna ay meel kala soo jeestaan gaashaan buurrtii reer bariga ee
Warsow.
Dadaalkii naf hurnimo ee shacabka Soomaaliyeed iyo abaabulkii kacaanka ayaa
sababy in sannado yar gudahood ay dadka Soomaaliyeed wax badan qabsadaan.
Wax qabadkaas ummaddeed darteed ayaa hogaamiyihii kacaaanku is mahadiyay isuna
arkay in uu isagu sabab u yahay horumarkaas.
Waxaa la bilaabay buunbuuninta iyo weynaynta shaqsiyaddisa, xukunkii iyo
awooddii oo dhammina waxay ku soo ururtay gacantiisa, waxaana dhidibada mutay
xukun keli talis ah.
Keli talis (Dictatorship) waxaa lagu qeexaa nidaam ay awoodda oo dhammi
gacanta ugu jirto hal qof ama koox yar, awooddaas oo aanay jirin qawaaniin iyo
hay'ado xakameeya midna.
Keligii taliyaha ayaa sidiisaba waxaa ku hareeraysan xayn dad ah oo ku
magacaaban xilal qaran hase yeeshee talada inta ay ku leeyihiin aad u yartahay.
Waa dad aad ugu dhaga nugul awaamiirta keligii taliyaha , qofkii ka horyimaada
ama laga shakiyaana haddii aanu lafihiisa la cararin qoorta ayaa loo
dheereeyaa ama xabsiguu ku abaadaa.
Kooxdan nacamlayaasha ah ee xilalka macag u yaalka ah hayaa waa kuwo had iyo
jeer marin habaabiya keligii taliyaha. Si dhab ah ugama warbixiyaan xaaladda
wadanka dhibaato kasta oo jirtana waxay uga dhigaan wax aan macno lahayn
iyagoo mar waalba u sheega dhagaha keligii taliyuhu waxa ay jecelyihiin inay
maqlaan.
Keligii taliyuhu marka danbe wuxuu gaaraa heer uu ku dhex milmo qaranka oo la
kala saari waayo qaranka iyo isaga. Dalka iyo dadkuba waxay noqdaan hanti uu
iska leeyahay. Wuxuu isku arkaa midka keliya ee daryeelka qaranka dan ka leh,
waxaana adkaata in uu qofnaba ku aamino xil qaran isagoo dadka kale oo dhan ka
aamin baxa oo u maleeya inay wax qaribayaan isga keligiina yahay ka wax
hagaajinaya.
Ugu dambayntana wuxuu aaminaa in isaga cid aan ahayni u talin Karin ummaddan.
Hadaba marka aad fiirisid sifooyinkaas kooban ee keligii taliyaha wax lala
yaabo maha in marar badan Maxamed Siyaad laga soo sheego isagoo leh haddii aan
meeshan ka tago bal yaa loo dhiibaa oo qarankan lagu aamini karaa hogaankiisa!
Markii xukunkii keli taliska ahaa dhidibada mutay ee qarankii iyo kacaankii
isku milmeen ayaa kacaan diidkii waxaa loo ragay qaran dumis.
Hadaba ummadda oo dhammi umaanay dhaga nuglayn hogaamiyaha kacaanka ee
maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii badanayay dadka ka soo horjeeda.
Maadaama ay adkayd in mucaarad abaabulan laga hirgeliyo wadanka gudihiisa ayaa
inta badan kooxaha mucaaradku waxay ahaayeen kuwo lagaga dhawaaqo wadanka
dibaddisa.
Mucaaradkaas siiba kuwa hubaysan inkastoo ay ka sinnaayeen macagyadooda oo ka
bilaabma xarafka "S" hadana koox waliba waxay matalaysay qabiil gaara.
Adeegsiga qabyaaladdu waxay ka mid ahayd waxyaalihii ay kooxahaas mucaaradka
ahi ku eedayn jireen taliskii Siyaad Barre, waxaan la yaab lahaa in kooxahaasi
laftoodu ay adeegsadaan qabiilkii ay ka dhiidhiyeen si ay qaranimada u
badbaadshaan.
Waxay ku guul darraysteen bilawgiiba inay awooddooda iyo ujeedoyinkooda
mideeyaan si ay ummadda uga dul qaadaan xukunka caddalad darrada ku dhisan.
Waxaa marar badan dadka siyaasadda Soomaalida ka faaloodaa xusi jireen in
cimri dhererka taliska ay sabab u tahay kala qaybsanaanta mucaaradku.
Qabiilka ay u kala safnaayeen mucaaradku ka sakow waxay wateen ajedayaal
siyaasadeed oo kala geddisan iyagoo isla markaana shaki iyo aamindarro kala
qabay.
Taageerada iyo saldhigyada ay siisay dawladda Itoobiya oo caddaawad taariikhi
ahi ka dhexaysay shacabka Soomaaliyeed ayaa dad badan mad madaw ka gelisay
xaqnimada halganka hubaysan ee kooxahaasi.
Waxaa xoogeystay dagaaladii sokeeya iyo weerarada ay mucaaridka hubaysani ku
soo qaadayeen wadanka. Dagaaladaasi oo ka bilawday gobolada dhexe markii
danbana ku fiday wadanka oo ay wadeen mucaarad kala gedisani ayaa dawladdu uga
jawaabtay si naxariis darro ah oo ka baxsan bani aadanimada, waynaan ka
dharagsanahay wixii ka dhacay gobolada dhexe iyo sidii waxashnimada ahayd ee
loola dhaqmay dadka reer waqooyiga.
Dhanka kale xaaladda dhaqaale. Siyaaso, bulsho iyo nabad gelyo ee wadanku
waxay ahayd mid marba marka ka dambaysa ka sii daraysa.
Musuqmaasuqa, eexda, qaraabakiilka iyo caddaadiska shacaka ayaa gaaray heerkii
ugu sareeyay. Qaranimada iyo dawladnimada Soomaalida ayay soo food saartay
xaalad halis ah oo aan waligeed horey loo arag.
Inkastoo qaranka Soomaaliyeed ku taagnaa dhabaha burburka hadana way adkayd
cid malaysanaysay in xaaladdu ku dambayn doonto sida ay maanta tahay, waxaase
dhawaan shaaca ka qaaday in beri hore oo kacaankuba aanu dhalan uu sii sheegay
in haddii uu Maxamed Siyaad wadanka xukunkiisa qabsado ay qaranimada
Soomaaliya ku dhici doonto haadaan aan laga soo saari karayn Korneyl
Cabdilaahi Yuusuf oo dhawaan u waramayay BBC-da inkastuu ka gaabsaday inuu ka
hadlo qaybtii uu ku lahaa qaran burburka.
Shacabka Soomaaliyeed waxay ku dhex lumeen talis naxariis darran oo eex iyo
musuqmaasuq ku dhisan iyo mucaarid aragti iyo dareen qarimo ka maran.
Dhammaadkii 1990kii ayaa xabaddii ka qaraxday caasimaddu ay dagaal toddobaadyo
socday ka dib kacdoon qabali ahi dhaliyay wax loo malaynayay dhammaadkii
rajiimkii keli taliska ahaa asii noqday bilawgii qaran burburka iyo dawlad
la'aanta Soomaaliyeed.
Hadaba inagoo ka dheregsan xaaladda dawlad la'aanta iyo wixii wadanka ka
dhacay muddadaas ayaa waxaan ku tilmaami ka karaa waqtigii ugu adkaa ee
Soomaalidu soo marto inta la xasuusanyahay.
Maanta way adagtahay in jawaab lagu qanco loo helo su'aasha ah yaa dumiyay
qarankii Soomaaliyeed ?
Waxaan shaki lahayn in jawaabta su'aashan ay kooxiba meel ku taarto.
Kacaanka iyo kaadiriintiisu waxay markiiba la soo boodaan kuwii ka soo hor
jeeday ee ay qaran dumiska ugu yeeri jireen inay arrintan u sabab ahaayeen.
Kuwa kale waxay eedda ku soo koobaan ururka USC oo isagu ahaa kii qabasaday
caasimadda maadaama ay ku guul darraysteen inay isu keenaan shacabka
Soomaaliyeed si dhidibadd loogu taago dawlad qaran oo bedesha tii ay dumiyeen.
Dad baa iyana qaba in Maxamed Siyaad iyo rajiimkiisii ay maleegeen shirqool
ayna cidi uga dambayn xukun Soomaaliyeed.
Waxaa iyana jira dad badan oo farta ku fiiqa wadamada reer galbeedka iyo
Yuhuudda oo ay qabaa inay ka shaqeeyeen burburka Soomaaliya, halka kuwa kalena
ay idaacadd BBC-da laanteeda af Soomaaliga iyo maandooriyaha qaadku wax ka
saaraan arrintan.
Koox kale waxay qabaan in geel jiruhu u sabab ahaa burburka dawlanimada
Soomaaliya. Kacaankii, mucaaradkii iyo guud ahaanba Soomaalida oo dhan ayaa
waxay u arkaan inay yihiin geel jirayaal. Waxay qabaan dhaqanka reer
guuraanimada iyo nidaamka dawladnimo inay yihiin kuwo aan is qaban Karin oo
iska hor imanaya waayo dawlad maamulkeed (maandeeq) iyo geel dhaqiddii waa
laba shay oo aad u kala duwan.
Si kasta arrinku ha ahaadee waxaan shaki lahayn in Soomaali oo dhammi ay ka
qayb qaadatay burburkii qaranka ha la kala badsadee, idilkeena aynu nahay
qaran dumis, maantana aynaan weli diyaar u ahyn dib u dhiskiisa.
Saddex iyo toban sanno oo dawlad la'aana iyo dhawr iyo toban shir oo dib u
heshiisiineed oo lagu guul darraystay ka dib ayaa hadda shirkii ugu dambeeyay
muddo hal sanno ka badan loo fadhiyaa magaalada Nairobi.
Ma idinla tahay haddii ay shaqsiyaadka shirka ka qaybgelaya ka daacad tahay
dhisidda dawlad Soomaliyeed inay is hor fadhiyi lahaayeen hal sanno iyo wax ka
badan? Ma dan qaran bayse ku muransan yihiin mise damacooda gaarka?
Shirkan oo ilaa hadda aan loo dhammayn oo dagaal oogayaal iyo hogaamiyeyaal
kaleba ka maqan yihiin miyaanu ka dhignayn waqti iyo hanti macno darro lgu
lumiyay, dadaalkase loogu jiro in lagu soo dabaalo kooxaha ka maqan oo
argtidooda iyo xujooyinkooda wataa miyaanay u muuqan in shirkani yahay mid aan
weli bilaabminba.
Hadaba wax la yaab leh ma aha in taliskii diktaatooriga ahaa oo wixii uu baday
ummadda aynu la socono in dad badani u boholyoobaan xaflado iyo xusasna
sameeyaan maalinta 21ka okt, wixii ka soo horjeedayna u arkaan qaran dumis saa
wax kacaankii dhaamma lama hayee.
Ismail A.Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com
QORAALADII HORE EE KHALIIL
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2003.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|