SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Xeesha Dagaalka ee Col. Cabdullahi Yusuf?

Hashi M. Sagaar
hashisagaar@hotmail.com

DOOD KA BILAABATAY SOOMAALIDA DHEXDEEDAQuraan: Maxaan isugu xumi la'nahay shareecada islaamka?

» DOOD: Soomaaliya waxay tijaabisey xorriyad (kahor 1884), kaddib waxaa lagu khasbay gumeysi ilaa 1960, kaddib waxay tijaabisey dimoqraadiyad (1960-1969), kaddib xukun militari iyo shuuciyad (1969-1991), kaddib dagaal ahli ah iyo dawlad la'aan. Ma tahay hadda in loo noqdo xukunka iyo dastuurka Islaamka, qoraalka ku soo aadi Halkan

»HOOYOOYINKII HOYGA UU HORUMARKEENU KU JIRO [Xiddig]

 

Kornaylka gobollada Puntland xoogga ku haysta una maamula sida qolkiisa jiifka waa nin Soomaali oon dhami magaciisa taqaan, in badani fikir guud ka haysato, in koobanina taqaan fiicilladiisa hoose. Waxaa inta badani taqaan inuu yahay sarkaal sare ee ciidamadii qaranka Somaliyeed ee ilaa 50aadkii. Waxaa hore loogu yiqiin odayga hadal adayg, dhiirranaan, afgaabni, muuqaal sami, iyo balwad laaan. Intaasi waxay ka dhigtay magaciisa caan, waxayna dadday ceebo badan ee Kornaylku dib ula soo baxay markii uu soo galay saaxadda siyaasadda. Cabdulahi waa baddalay calamadihii hore, wuxuuna ku fasiray xeel dagaal.

Dhiirannaantii waxay isu beddeshay in Cabdullahi yiraahdo, aniga mooye ma cid kala madaxnimo mudan, sidii ka dhacday SSDF, hadda ka socota Puntland. Afgaabnimadii waxay dhashay in Cabdullahi markii uu hadlaba uu galo gafaf afka gacanta la saaro horta hebel soo reer hebel ma aha siduu u hawastay inuu ila tirsado, muuqaal samidii da iyo caafimaad baa ka daba timid. Balwad laaantii waxaa baddalay been iyo aruursi wax alle iyo wixii balwad leh ama wax xada.

Waxaa ayaan taan dambe BBC-da laanta afka Somaliya laga sii daynay warasiyo ku saabsan taariikhdii Somaliyeed. Cabdullahi waxaa lagu waraystay dhowr jeer. Waxaa Cabdullahi sheegay inuu Siyaad Barre ka diiday in dawladdii shacabka ahayd (1867-1969) la cinqilaabo. Saraakaal sare ee aad loo ixtiraamo, markaasna Cabdullahi ka darajo sarreeyey ayaa sheegay in

Cabdullahi ula yimid fikir ah in dalka ay qabsadaaan. Waxaa ayana dad badani qabaan in saraakiisha xoogga dalka ay ahaayeen labo kooxood ee ku tartamaysay la wareegga xukunta. Waxaa dadkaas wargalka ahi sheegayaan in Cabdullaahi iyo Caydiid isku koox ahaayeen, oo weliba Cabdullahi qab-qable u ahaa kooxdaas. (waa kooxdii lagala hormaray falka). Beenaha Cabdullahi BBC-da ka sheegay waxaa mar hore beeniyey Gen. Caarre oo yiri kuma jirin raggii ka dambeeyey afganbigii la isku dayey ee 1978.

Beenta ballaaran ee Cabdullahi afka ku dhuftay waxay ahayd inuu yiri waxaa Mengistu ii xiray waxaan beeniyey in Galdogob iyo Ballanballe ay Xabashi leedahay. Waa run in Cabdullahi kaga dhiirraday Radio Kulmis 1982, asagaoo ka jawaabaya hadalladii ka soo yeeray wasiirkii arrimaha dibedda ee markaas Col. Gooshe Wolde. Waxaa diiddan mandiqa in Cabdullahi arrintaas loo xiray waayo ninka wax xira ama daaya Itoobiya wakhtigaas wuxuu ahaa Mengistu asna waxaa la xaqiijiyey inuu G. Wolde ku canaantay hadalkaas kuna amray inuu beeniyo.
abdullahi yusuf ahmed
Waa kuma C/Laahi Yuusuf?
[XagarYare]

Hadda maxaa loo xiray Kornaylka? Runtu waa in Cabdullahi Itoobiya damacday inay ka bedesho hoggaankii ururka, markay ogaatay inuu aad ugu dhow yahay hogaamiye Qadaafi oo markaas ay Menigiste xabbadu isugu jirtay, maalgelinayeyna dagaalkii SSDF. Cabdullahi waa garan waayey inuusan jabhadda xukumi karin nin aysan Itoobiya doonayn. Waa tan maanta taagan, waxaa Cabdullahi uusan garan karin inaan Somali yeeli karin dictaator ama kornayl/jeneraal dambe ee isku wareejiya ilma adeertiis yiraahdana kii i diida tiirka geeya Gabayre tiirka gee = Hurre harkii toogta.

Ugu dambayn, Cabdullahi laguma aqoon lacag jacayl balwadna hadlkeed daa, waxaase uu taas ku beddeshay inuu arruursada waxa alle iyo wixii wax xada ama leh balwadaha keena in wax la xado. Haddii tuugu daacadnimo odayga u muujiyo Cabdullahi lagama yaabo inuu yirhaado, war kan waa la yaqaan oo waa tabbada xadee lacagta inooga qarsha. Waxaa maanta la ogsoon yahay inuu Cabdullahi ugu jecelyahay oo uu weliba u dhiibo ilaha dhaqaalaha rag ku caan baxay shilin arrursi raqiisnimo ku dheehan tahay. Waa ragga ku hawlan guryo dhisadka iyo lacag xawilidda ayadoo maanta xaalkeeda la ogyahay waxay ku sugan yihiin dadweynaha Puntland. Tuugta waxaa Cabdullahi ka sii jecel yahay kuwa lacagta u baahan saacad kasta si ay nooftu ugu maaweeliyaan maandooriye-yaal.

Maxaa keenay caalamadaha cusub ee Kornaylka? Jawaabtu waa inuu is yiri gal hawl uusan u lahayn fara-dhuu-dhuubni. Waxaa Cabdullahi lagula taliyey inuu madax Somaliyeed ku noqon karo inuu la yimaado calaamado cuusb sida beenta, oo ah tan hadda ku soo darsantay ceebihiise hore ee daliil arrusiga.

Allaa Somali u maqan.

Hashi M. Sagaar
hashisagaar@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE XAASHI SAGAAR

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2003.  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD