SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Idaajaa Muxuu Soo Kordhiyey?

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

Waxaan cabbaar ku qoslay qoraal uu nin Idaajaa la yiraahdaa sheegay in uu federaalnimada Soomaaliya kaga doodayo. Markii aan qoslay oo qoslay baan iskula hadlay in aan dadka kalena u sheego maadda iyo majaajillada Idaajaa si ayaamahaan shaaha iyo kafeega loogu cabbo oo loo wada qoslo.

 ARAGTIYAHA SOOMAALIDA & FEDERAALKA

Nidaamka Federaalku Xal uma aha Dhibaatada Soomaalida C/shakur

Jawaab ku aadan maqaalkii “ Federaalka iyo walaalaha galgaduud “ Siciid Himilo

Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?Axmed Faarax cali(idaajaa)

Daba-galka Qoraalkii “Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?” ee Axmed F. Cali Idaajaa Maxamed Cadoow

Federalka iyo walaalaha Galgaduud Shaafici Xasan

Nidaamka Federalku Makashaqayn Karaa Soomaaliya! C/Risaaq Xaaji Xuseen

Bilowga qoraalka wuxuu Idaajaa ku sheegay in uu maqaalka ugu talogalay dhallinyarada! Haddaba bal aynu isweydiinno sababta uu da’yarta ugu koobay maqaalkiisa!

Sida badan siyaasadda waxaa xiiseeya dadka waaweyn ee carruurtu cayaaraha ayey jecel yihiin! Gaar ahaan soomaalida waxaa talada wax laga weydiiyaa waayeelka oo waatii la yiri ”Labaatan jir inta uu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa”!

Horta la yaab ma leh oo Idaajaa iyo ragga la taariikhda ahi waa in ay la hadlaan dad aan garanayn sida carruurta uu isaguba sheegay in uu kala hadlayo arrimaha federaalka iyo qabyaaladda!

Wuxuu Idaajaa sheegay in uu federaalka shisheeye afka inooku tiray! Horta shisheeye waa maxay? Shisheeye waxaa loo qeexaa saddex siyaalood!

Kow shisheeye waa dad meel fog oo shishe dega marka la eego joqoraafi ahaan. Haddaba dadka joqoraafiga inagaga fog oo afka inoogu tiray waa kuwee? Ma Maraykan baa mise waa Suuriya? Cidna Idaajaa ma uu sheegin ee waa uu iska aamusay!

Qeexidda labaad waa dad cadow kuu ah oo nafta kaa goynaya ama ku xiraya ama ku dhacaya. Haddaba inuu shisheeye Idaajaa ka hadlo waxaa loo baahnaa waagii la xasuuqayey dadka metelan Somaliland iyo ummadda kolkii xabsiyada lagu silcinayey ama qabiilooyinka xabbadaha la isugu dhiibayey! Markaas Idaajaa qudhiisu shisheeye ayuu ahaa oo hadde cadowgaas ayuu warfidiyeen iyo lataliye u ahaa!

Qeexidda saddexaad oo shisheeyuhu waa dad uu heerka caqligooda aad kaaga fog yahay oo uu shisheeyo! Dadku hadday aad u kala garasho duwan yihiin waa isu shisheeye oo hadde caqligooda ayaa kala shisheeya.

Haddaba marka uu Idaajaa dhallinyada la hadlayo wuxuu dareemay in ay dadka waaweyn oo waayo-aragnimda lehi shisheeye u yihiin, oo ay federaalka dhallinyarada afka ugu tiraan!

In uu cadow 1977-78 intii ka danbaysey soomaalida qaar ku shaqaysanayey ayuu sheegay, ee intii ka horraysey muxuu ku caddaynayaa in aan dad soomaali ah lagu shaqaysan jirin?

Midda kale muxuu u sheegi waayey dadka lagu shaqaystay? Ma uu baqayaa, mise dadka ayuu u qarinayaa dadka lagu shaqaystay oo uu og yahay? In uu wax sheego ayaa roonayd, laakiin waxba ma uu sheegin!

Idaacadaha ama saxaafadda carabta wuxuu sida maqaalka ku cad Idaajaa bilaabay oo uu ku xirmay intii shirkii Carte ka danbaysey, haddana wuxuu sheegay dagaal-oogeyaal xunxun!

MAXAY INA YEESHAY CARTA?
Qoraalkii Xariiri

Haddaba Cabdiqaasim ma uu ku jiraa dagaal-oogeyaashaas? Mase laba arrimood baa ka saaraya? Kow in uu carabtaas uu Idaajaa wararkooda ku xirmay lacag ka soo qaado. Labo in ay beeshiisa iyo beesha Idaajaa wada qabsadeen magaalooyin ay Kismaanyo ka mid tahay!

Marka dagaalladii dhulalkaas lagu qabsaday sow Cabdiqaasim oday uma uu ahayn? Lacagtii lagu qabsadayse sow sida badan shisheeye lagama soo shaxaadin?

Marka uu leeyahay federaalka tol-tol baa looga dan leeyahay oo dalka ayaa qaar tol gaar ah la siinayaa wuxuu uga jeeda in beesha Cabdiqaasim iyo beeshiisa aan lagu qabsan guryihii iyo beerihii ay xoogga ku qaateen! Warbaahinta carabtana waxaa loogu xirmay lacag sow ma aha?

Maxay Idaajaa, Cabdiqaasim iyo dadka ay ku shaqaystaan keligood federaalka ugu sheegaan tol-tol? Ma dadka ayey ka caqli badan yihiin oo ka waddanisan yihiin? Hadday caqli iyo waddaniyad hayaan may masaakiinta ay ka xoog roonaadeen beerohooda iyo guryohooda uga baxaan?!

”Shirkii Carte ayaa shirarka ugu fiicnaa!” buu yiri Idaajaa Faarah! Dadkii shirkaas ka qaybgalay bulshada lagama soo xulin ee dad iska yaacay bay ahaayeen, waana qosol iyo maad in uu Idaajaa sheegay xulitaan iyo in dadkaas la soo dirsaday ama laga kala keenay qaybaha bulshada!

In qabiil wax lagu qaysado wuxuu ina Faarax ceeb uga dhigay in Gallaydh lagu beddeley Xasan Abshir, oo uu uga jeedo in labada jilib oo Puntland oo ay labadaas qof ku kala abtirsadaan looga jeedey!

Horta Xasan Idaajaa wuuba yaqaan! Wuxuu kale oo yaqaan sida labadaas jilib la isgu diro, oo wuxuu arrintaas ku soo shaqeeyey 21 sano oo kacaan ah iyo 13 oo kalayaac ah! Diradire qabiil buu ugu dugaaley in uu in qabiil wax lagu qaysado hadlay, ee wanaag dhallinyarada uma uu sheegin!

Gabayga Aw-Muuse oo uu hadalka ku ebyey ma daacadnimo ayuu u soo qaatay, mase dagaalka uu maqaalku sido ayaa lagaga raadgadanayey?! Waxaa la hubaa ay tahay markii kowaad oo uu Idaajaa gabay uu Aw-Muuse tiriyey idaacad ama maqaal ku xusay, wuxuuna gabayada soomaalida ka hadlayey afartameeye sannadood, Aw-Muusena wuxuu ahaa gabyaagii ugu horreeyey gabaygiisa la hayo oo mudnaantaas ayuu leeyahay!

Sidaas darteed sababta uu Idaajaa gabayada u soo qaato waxaa had iyo jeer ku jirta siyaasad iyo qabyaalad laqdabo ah, ee taariikh iyo murtiyi kuma ay riixaan!

”Musuqmaasuq” buu ka hadlay, waana sax in uu Siyaad Barre ummadda habeenbarkii uu inqilaabay ay ahayd musuqmaasuq, laakiin wuxuu Idaajaa qosolkii naga dhammeeyey markii uu ka hadlay in haddii Siyaad la dhaleecayn lahaa uu nin fiican ahaan lahaa!

Horta Siyaad nin la dhallili karo ma uu ahaa? Midda kale muu Idaajaa qudhiisu dhaleeceeyo muxuu ammaantiisa loogu waali jirey, ilaa imminkana noogu wadaa?! Hadda miyuu bartay Idaajaa in madaxda la dhaleeceeyo? Siyaad Barre ninkii wax ka sheega waa la toogan jirey!

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

QORAALADII HORE EE SHAAFICI

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2003.

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?Axmed Faarax cali(idaajaa)


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD