Dareenka Runta ah Dubbuhu Ma Hor-Joogsan Karo.
Axmed Gaal-eri
Radio Xoriyo
raadioxoriyo@yahoo.com
Xariir 9 sano oo kaliya ayuu jiray markii uu
subaxnimo sabti ah gurigooda hortiisa aabihii ku sagootiyay, isagoo ku kalsoon
oo ku faanaya hawshii uu aabihii maalinkaas qabashadeeda u amba-baxay. Xariir
wuxuu ka warhayay in aabihii uu u baxayo ka mid noqoshada ciidammada Jabhadda
Xoraynta Soomaali Galbeed ee loo diyaarinayay dagaalkii gumaysiga Itoobiya
lagaga xoraynayay dhulka Ogadenya sannadkii 1976.
Xariir wuxuu wali sii xusuustaa dareenkii uu
maalinkaas iyo maalmihii ka denbeeyay niyadda ku hayay, ciyaalka da’diisa ahna
ugu faani jiray markii ay sheekaystaan. Xariir wuxuu ammaan iyo sharaf aan la
qiyaasi karin u arkayay in aabihii uu Xabashida la dagaallamo oo ku biiro
Jabhadda xaq u-dirirka ah. Wuxuu qabay in aabihii uu yahay nin geesi ah oon
xabbada cadowga ka baqin, isla markaana ogsoon xaqa ka maqanee uu dagaalka ugu
jiro.
Xariir si fiican ayuu u garwaaqsanaa in
dagaalka lagu dhinto, xabbada cadowguna ay haleeli karto geesiyaal badan oo
gobanimada u dagaallamaya, hase yeeshee marna talada kuma aanuu darsanin in
aabihii uu ka mid noqon karo boqollaalka dagaalka xoraynta u kacay ee aan dib
uga soo noqonin.
Wuxuu niyadda ku hayay in aabihii uu dagaalka
ka soo faraxalan doono maalin maalmaha ka mid ah oo farxad iyo raynrayn ay
dalkoodii hooyo oo xor ah ugu wada-ciidi doonaan.
Qiyaastii 27 sano ayaa laga joogaa maalintii
uu Xariir sagootiyay aabihii oo u qalab-qaatay dagaalkii caanka ahaa ee loogu
magac daray Dagaalkii Ogaden 1977.
Tan iyo maalintaas waxaa dagaalka loogu jiro
xoraynta dalka Ogadenya ku dhintay aabihii iyo labo walaalladii ah, isaguna
wuxuu hadda ka mid yahay muwaadiniinta kaalinta firinfircoon kaga jira dagaalka
xornimo doonka ah ee hormuudka ay ka tahay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.
Qisada Xariir ma aha qiso “madi“ ah ama mar
la-arag ka ah bulshada Ogadenya dhexdeeda. Xariir wuxuu arrintan la wadaagaa
kumayaal ka mid ah muwaadiniinta Ogadenya ee waalidkood, walaalohood ama
ehelkood ku waayay dagaalka xaqa ah ee shacbiga Ogadenya uu madaxbannaanidiisa
ugu jiro.
Wuxuu kaloo dadwaynaha Ogadenya la wadaagaa
dareenka ah in qofku uu ku faano ka qayb qaadashada dagaalka xornimo doonka ama
lagu faano xubinka qoyska ah ee kaalin fiican ka qaata dagaalka xornimo doonka.
Shacbiga Ogadenya wuxuu ka siman yahay
dareenka ah in la gumaysto, waxaanuu si fiican u garwaaqsan yahay in hanti la
iska dhaco middii ugu qiimo badnayd laga dhacay. Sidaas darteed waxaa aqal
walba oo bulsho Ogadenya u dhalatay ay ku nooshahay ka jira dareen ku baaqaya
in la soo dhiciyo hantida maqan.
Ubadka yaryar ee Ogadenya dabeecadda ay ku
nool yihiin ayaa ku ababisa in dhulkoodii uu maqan yahay oo cadow aan u
naxariisani uu ka haysto. Ma jiro guri ay bulshada soomaalida Ogadenya leedahay
oo aan laga dareemin dhibaatada ay xukuumadaha Itoobiya u gaystaan dadka
rayadka ah ee aan waxba galabsanin.
Cadaadiska iyo naxariis darradu waa dabeecad u
gaar ah dhinaca marba xaq-darrada ku socda ee ogsoon inuu xoog ku haysto xuquuq
uu leeyahay dhinaca ay iska soo horjeedaan. Caabiga iyo ciil-dirirkuna waa
dabeecad lagu yaqaano dhinaca dareensan in la dulmiyay oo hantidiisii xoog lagu
haysto.
Bani’aadamka waxaa ugu fulaysan qofka
xaq-darrada iyo dulmiga ku socda, waxaana ugu geesisan qofka xaqa ku taagan ee
u halgamaya soo dhicinta xaqiisa ama difaacidda sharaftiisa iyo sharfta
dhulkiisa. Sidaas darteed waxaa gumaystayaasha caado u ah inay cadaadiyaan
bulshooyinka ay gumaystaan oo ayna u kala aaba-yeelin kuwooda rayadka ah iyo
kuwooda hubaysn ee la halgamaya, sababtoo ah wuxuu gumaystuhu ogyahay dakanada
uu galay inay tahay mid shacbiga oo dhami ay tirsanayaan oo kala xisaabtamayaan
maalinka ay u soo marto.
Hase yeeshee waxaan nasiib wanaag aragnaa in
cadaadiska iyo cabudhinta bulshada loo gaysto ay sii kordhiso dhiirranaanta iyo
mintidnimada bulshada. Waxay tijaabooyinka nolosha oo dhami tilmaamayaan in
nolaha aan cadaadis oo kaliya lagu muquunin karin, gaar ahaan bani’aadamka, oo
ayna suuragal ahayn in wax aanuu rabin waligiiba qasab iyo sandulle lagu
yeelsiiyo. “Ciilka iyo cadhada ururee dulmiga weheshadaa mar unbay qarxaan oo
qofka gaadhsiiyaan heer uu noloshaba dimashada ka door-bido“.
Mararka uu qofku dhimashada u badheedho waxaa
ka mid ah xilliyada ay tilmaantay murtida soomaaliyeed ee odhanaysa: “Nin
milgadiisiyo mooradiisii loo dhacay mowdkiyo geerida kama maadanaayee“
Dadwaynaha soomaalida Ogadenya waxay
cadaadiska iyo dulmiga uu gumaysiga Itoobiya ku hayo ka qaadeen geesinimo iyo
calool adayg, waxayna iska dhaxlaan farriinta ah in dalka Ogadenya laga xoreeyo
gumaysiga Itoobiya, iyadoon naf iyo maal midna loo miidaan-deyin.
Farriinta noocaas ahi waxay dadwaynaha
soomaalida Ogadenya la soo abtirsatay muddo aad u dheer, iyadoo filkii tegaaba
uu midka kale u reebayay dhaxalka gobanimo doonista.
Qanaacaddu waa shay muhiim ah. Qofka
bani’aadamka ahna inta uu ku qanacsan yahay in xaqiisii dhacan yahay lagama
adkaan karo. Waa laga yaabaa in xilliyada qaarkood laga taag roonaado, hase
yeeshee qalbigiisa marna lagama tirtiri karo waxa uu rumaysan yahay ee mabda’
ahaan u aaminsan yahay.
Xariir, oo ka warramaya sida uu ugu qanacsan
yahay halganka uu nafitiisa u huray ee gumaysiga Itoobiya kula jiro, wuxuu
yidhi; “Ma sixiroolayaashii Fircoon baan ka liitaa. Iyaguba waxay naftooda u
hureen caqiido ay muddo gaaban horteed qaateen”.
Tusaalaha uu Xariir soo qaatay waa mid xikmad
wayni ku jirto, sababtoo ah markii ay sixiroolayaashii Fircoon arkeen in Usha
Nabi Muuse ayna sixir ahayn, balse ay tahay mid xag Eebe laga karaameeyay, ayay
sujuud la dheceen oo Eebe rumeeyeen. Markaas ka dib ayuu Fircoon si wayn u
xanaaqay, wuxuuna ugu hanjabay “Waxaan gacamihiina iyo lugihiina u goynayaa is-dhaaf,
ka dibna waa idin gegayaa(maydka oo meel laga laalaadiyo ama lagu wadho)”.
Jawaabtii ay siiyeen waxay ahayd mid kooban oo
ay ka buuxdo qanaacad ay ku kalsoon yihiin. Waxayna ugu jawaabeen “Ilaahay baan
u noqonaynaa”. Sixiroolayaashaasi waxay u badheedheen dhimasho, iyagoo
difaacaya caqiido ay muddo aad u gaaban horteed qaateen.
Xariir wuxuu tusaalahan u soo qaatay, si uu u
muujiyo in dadwaynaha soomaalida Ogadenya ay islaamnimada ka-ab iyo ka-ab ku
soo jireen, isla markaana ay rumaysan yihiin waxa ay diintoodu farayso marka
laga hadlayo dagaalka lala galo dulmiilaha dhulkaaga kaa dhaca ee dhibaatada
soo gaadhsiiya dadkaaga iyo diintaada.
Axmed Gaal-eri
Radio Xoriyo
raadioxoriyo@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2003.
Dr.
Caydaruus iyo Ciise Dhollowaa oo Kusii Jeeda Boosaaso
Waxaana safarkooda ku weheliya saddex qof oo ka
socda Telefishanka ABC-Austria, waana safar la xiriira...
Guji
Singapore: 500 oo
Qof ayaa Diinta Islaamka Soo Gala Sannadkiiba
Waxaana dadka sannadkan
kusoo islaamay Singapore kamid ah
Guji
Algeria: Toban Kawaanle oo
Xabsiga Ladhigay Kaddib Markii ay Iibiyeen Hilib Dameeraad
iyo Xabsiyada Algeria oo laga siidaayey in kabadan 3,000 oo qof maamuuska Ciida
awgeed..
Guji Nov
23
SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN
Siciid Westing oo ah nin Muslim ah oo deggan Denmark oo uu Jimcadii soo booqday
Ibraahim Saalax ayaa sheegay in..
Guji..
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|