Sam Voron iyo Cabdikariin Nuur
Maxamuud “Cirfe”: Laba nin oo abaal weyn gashaday reer Puntland.
“Abaal nin galaa badan, nin gudaase yar”…
WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Suxufi madax bannaan, Garoowe, Puntland/Soomaaliya
Email:
cmwacays@yahoo.com ama
wacays2001@hotmail.com

Qoraaga Maqaalka: Cabdulqaadir M. Wacays |
“Halkani waa Raadiyaha
Gaalkacyo, Puntland….this is Radio Galkayo, Puntland” ayaan maqlay goor barqo
ah abbaarihii 8:00dii barqannimo anigoo sii gelaya dukaan yar oo lagu iibiyo
dharka iyo cadarka, islamarkaana ay bunka ka cabbaan inta badan dhallinyarada
reer Gaalkacyo kuwooda bun-cabka ah. Codka aan maqlay wuxuu ahaa cod qof ajnabi
ah oo kasoo baxayey raadiyow yar oo uu gacanta ku haystay wiil dhallinyaro ah
oo dhex fadhiyey sandaqad yar oo aan ka fogeyn dukaankaas. Waan qoslay, waayo
waxaan gartay codka qofkaas ajnabiga ah ee xiriirinaya idaacadda….wuxuu ahaa
qof si talantaalli ah u adeegsanayey afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga…haa …waan
gartay…wuxuu ahaa nin aan aad isu naqaannay, hase yeeshee ay isugu keen
dambeysay siddeed sano ka-hor….wuxuu ahaa codkii Sam Voron..
Maalintaas waxay aniga ii
ahayd maalin farxadeed, waayo qorshaha joogitaankayga Gaalkacyo waxaa ka mid
ahaa in aan wax ka qoro sooyaalka taariikheed ee raadiyaha Gaalkacyo.
Joogitaanka uu Sam Voron joogay Gaalkacyo waxay iigu muuqatay fursad qaali ah
oo aan xog sugan ku heli karey. Sidaas daraadeed, waxaan durba goostay in aan
salaan iyo xog-wareysi ugu tago Sam Voron. Waxaan dabadeed si deg deg ah u
dalbaday bunkii aan soo doontay.

Sam Voron oo dhex fadhiya
raadiyaha Gaalkacyo |
Hilow iyo xiiso badan oo aan u
qabay la-kulanka Sam Voron dartiis, waxaa ila dheeraatay muddadii yareyd ee uu
dalabku iga maqnaa, markiise la ii keenay, intaan si fudud uga laacay baan
abbaaray xarunta raadiyaha Gaalkacyo. Ilaaladii joogtay albaabka hore ee
dhismaha raadiyaha oo aan si fiican isu naqaannay ayaa si xushmad leh iigu
sheegay in Sam Voron uusan xilligaas joogin, iyagoo intaas iigu daray inuu goor
dhow aaday hoteelka uu deggan yahay oo sida ay ii sheegeen dhabarka ku hayey
dhismaha idaacadda. Markaan galay hoteelkii la ii tilmaamay baan durba
gadaashayda ka maqlay “ Hi Wa’ays….Haye Wacays...”..Wuxuu ahaa Sam Voron…ninkii
aan raadinayey…bud-dhigihii raadiyaha Gaalkacyo…
Barxad yar oo ku dhex taallay
isla hoteelka ayaan aniga iyo Sam Voron dhigannay laba kursi, waxaanan
dalbannay cabitaan qabow. Is-nabdaadin iyo is-wareysi gaaban kaddib, waxaan Sam
Voron uga warramay ujeeddada socodkayga, waxaanan ka codsaday inuu iiga warramo
sooyaalka taariikheed ee raadiyaha Gaalkacyo, gaar ahaan qaabkii ay isaga ugu
abuurantay iyo cidda ku dhalisay dhidbidda raadiyaha Gaalkacyo. Waxaan dabadeed
wareysi kaas la mid ah ugu tagey Cabdikariin Nuur Maxamuud “Cirfe” oo ahaa
maskaxdii ka dambeysay abuurmidda raadiyaha Gaalkacyo. Nasiib wanaag,
Cabdikariin qudhiisa wuxuu xilligaas ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.
MAALMIHII UGU HORREEYEY…
Kaddib qaran-jabkii Soomaaliya,
waxaa dalka ka billowday dagaal sokeeye oo saameeyey guud ahaan dhinacyada kala
duwan ee nolosha ummadda Soomaaliyeed. Inkastoo ay dagaalladaasi ku koobnaayeen
qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, misana hay’adaha warbaahinta caalamiga ah, oo
xilligaas si joogto ah u baahinayey xasuuqii, boobkii, iyo gumaadkii ka socday
dalka, waxay Soomaaliya ka bixinayeen sawirro si qaldan loo xardhay oo
muujinayey in dalka Soomaaliya oo dhan uu dabku ka hurayo, aysanna jirin xitaa
tuulo yar oo ka badbaadday aafadii dagaalka sokeeye. Dhambaalladii ay
warbaahinta caalamiga ahi tabinayeen waxay kaloo muujinayeen in dhammaan
ummadda Soomaaliyeed ay birta is wada saareen, dhiigguna uu qulqulayo
dariiqyada dalka oo dhan.
Wararkaas naxdinta lahaa ee ay
warbaahinta caalamiga ahi sida joogtada ah uga soo dirayeen Soomaaliya, waxay
saamaynta ugu ballaaran ku yeesheen Soomaalidii qurba-joogga ahayd oo wararkaas
ka qaaday jaha-wareer, welwel, iyo uur-ku-taallo, islamarkaana waayey ilo kale
oo dhab-ka-hadal ah oo ay kala socdaan ayaandarradii ku habsatay dalkoodii
hooyo.
Cabdikariin Nuur Maxamuud “Cirfe”,
oo xilligaas degganaa dalka Australia, gaar ahaan magaalada Melbourne oo uu ka
baran jirey cilmiga electronics-ka, islamarkaana xiriir joogteysan la lahaa
Soomaaliya, ayaa ka mid ahaa qurba-jooggii Soomaaliyeed ee sida weyn uga
qiirooday wararkaas aan isu dheellitirnayn ee ay warbaahinta caalamiga ahi sida
joogtada ah uga soo sheegayeen Soomaaliya. Cabdikariin waxaa yaab iyo amankaag
ku noqday sababta warbaahinta caalamiga ahi ay mar kasta isaga indha-tirayeen
in ay jiraan dadyow iyo gobollo Soomaaliyeed oo ka badbaaday dagaallada sokeeye.
Gobollada ka badbaaday dagaallada sokeeye ee uu Cabdikariin madaxa ku hayey
waxaa ka mid ahaa gobolladii laysku oran jirey Waqooyi-bari Soomaaliya,
haatanse la baxay Puntland. Cabdikariin Nuur wuxuu aaminsanaa in waxa keliya oo
ay gobolladaas u baahnaayeen ay ahayd in lagu dhiirrigeliyo, laguna taageero
sidii ay ugu fara-adaygi lahaayeen nabadda iyo xasilloonida ka jirtey
deegaannadooda.
AMBAQAADKII KOOWAAD…
Bartamihii sanadkii 1992kii,
Cabdikariin Nuur Maxamuud “cirfe”, isagoo ka duulaya fikirka ah in baahi weyn
oo deg deg ah loo qabo adkaynta nabaddii ka jirtey gobollada Waqooyi-bari
Soomaaliya, iyo in ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba la dareensiiyo in
ay jiraan dadyow nabadda jecel iyo deegaanno xasilloon, wuxuu is tusay in sida
keliya ee baahidaas loo dabooli karo ay tahay in la helo Raadiyow madax bannaan
oo laga dhiso gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya.
Cabdikariin Nuur wuxuu
islamarkiiba u hawl galay hirgalinta fikirkaas, wuxuuna dadaalkiisa ku
billaabay sahan la xiriira qalabka idaacadaha iyo qiimeyntooda, iyo in uu la
xiriiro shaqsiyaad uu ku tuhmayey in ay talooyin muhiim ah ku biirin karayeen
hindisihiisa cusub.
Isla bartamihii sanadkii
1992kii, shaqsiyaadkii uu Cabdikariin Nuur la xiriiray isagoo xog iyo talo-doon
ah waxaa ugu horreeyey Maxamed Abshir Waldo oo degganaa magaalada Nayroobi ee
dalka Kiinya, islamarkaana ahaa wakiilka Nayroobi ee guddigii la oran jirey
Relief and Rehabilitation Commision (RRC) oo jabhaddii SSDF u qaabilsanaa
xiriirinta iyo fududeynta hawlihii ay hay’adaha caalamiga ah ee samafalku ka
wadeen gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya. Cabdikariin wuxuu Waldo kala kulmay
soo dhoweyn, dhiirrigelin iyo ballanqaaad ah inuu intii karaankiisa ah la
garabgeli doono hirgalinta hindisahaas isaga ah, wuxuuna ku adkeeyey in uusan
ka harin kana caajisin ka-mira-dhalinta hawshaas.
Dhiirrigalintii Maxamed Abshir
Waldo kaddib, wuxuu Cabdikariin sii kordhiyey xawaarihii uu ku socday sahankii
uu ugu jirey helitaanka qalab idaacadeed. Dabayaaqadii Bishii Nofembar sanadkii
1992kii, maalin maalmaha ka mid ah, Cabdikariin oo daawanaya dukaan lagu iibiyo
qalabka electronics-ka oo ku yaalla magaalada Melbourne, laguna magacaabo “Dick
Smith electronics”, waxaa u yimid ninkii dukaanka iibinayey, wuxuuna ku yiri
“sidee kuu caawiyaa?..”.
Cabdikariin wuxuu ugu jawaabay
“ waad mahadsan tahay, qalabkan baan daawanayey, hase ahaatee waxaan raadinayey
qalab idaacadeed iyo meel aan ka heli karo…haddaad iga caawiso waan kaaga
mahadcelin lahaa…”.
Ninkii dukaanka iibinayey
wuxuu Cabdikariin weydiiyey dalka uu ka yimid, wuxuuna u sheegay inuu ka yimid
Soomaaliya, dabadeedna ninkii intuu hal cabbaar ah aamusay buu ku warceliyey “
Haa…haa…Soomaaliya sow maaha dalka ay haatan dagaalladu ka socdaan...,”,
wuxuuna intaas raaciyey “ waxaa jira nin la yiraahdo Sam Voron oo deggan
magaalada Sydney..ninkaas waa nin caawiya goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka
aadaminimo…wuxuu ku caawiyaa qalab idaacadeed iyo weliba aqoontiisa farsamo ee
dhismaha idaacadaha…Soomaaliya xitaa wuu hadal hayey….fadlan ninkaas la xiriir…”.
Wada-sheekeysigaas gaaban
kaddib, ninkii dukaanka iibinayey wuxuu Cabdikariin u qoray cinwaannada uu kala
xiriiri karey Sam Voron, isagoo islamarkaana ka qortay magaciisa iyo
cinwaannadiisa.
AMBAQAADKII LABAAD…
Cabdikariin Nuur oo ay
maalintaas u ahayd maalin farxadeed, wuxuu islamarkii uu gurigiisii tagey
talefoon u diray Sam Voron. Nasiib wanaag, waxaa la hadlay isla ninkii uu
raadinayey ee ahaa Sam Voron oo ku yiri “ ma Cabdi baa? ”, taasoo Cabdikariin u
muujisay in dukaanlihii uu durba soo wargeliyey Sam Voron. Is-nabdaadin iyo is-barasho
gaaban kaddib, Cabdikariin wuxuu si kooban Sam Voron ugaga warramay sababtii uu
usoo wacay, wuxuuna warbixin kooban ka siiyey dalka Soomaaliya iyo xaaladda uu
ku sugan yahay. Ugu dambeyntii, Cabdikariin iyo Sam Voron waxay ku heshiiyeen
in ay iska warqabaan, xiriirkoodana joogteeyaan.
Maalintaas wixii ka dambeeyey,
Cabdikariin Nuur wuxuu xiriir joogteysan oo xagga talefoonka ah la samaynayey
Sam Voron oo ay kala joogeen laba magaalo oo aad u kala fog (Sydney iyo
Melbourne). Muddo shan bilood ah toddobaadkiiba mar ama laba jeer bay
Cabdikariin iyo Sam Voron ku wada hadli jireen talefoonka. Cabdikariin wuxuu
Sam Voron uga warrami jirey qaranjabkii ku dhacay Soomaaliya, burburkii asiibay
dowladdii jirtey, xaaladda colaadeed ee taagan, iyo sida ay u burbureen
dhammaan hay’adihii adeeg-bixinta ee dowliga ahaa iyo kuwii gaarka loo lahaa.
Wuxuu kaloo u sharxi jirey baahida weyn ee loo qabo in Soomaaliya, gaar ahaan
deegaannada xasilloon sida gobollada Waqooyi-bari, la geeyo Raadiyow
madaxbannaan oo gacan ka geysta baadigoobkii billowga ahaa ee ay ummadda
Soomaaliyeed ugu jirtay dib-u-heshiin iyo nabad dib uga dhalata Soomaaliya.
Cabdikariin wuxuu si joogto ah Sam Voron ugu gudbin jiray qoraallo fara badan
oo afafka ingiriisiga iyo Soomaaligaba ku qoran, kuwaasoo ka hadlayey xaaladda
nololeed, nabadgelyo, iyo dhaqaale ee gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya.
Mr. Sam Voron oo ah
farsamayaqaan ay xirfaddiisu tahay farsamada xagga raadiyayaasha iyo dhismaha
idaacadaha, wuxuu sanadkii 1991kii caawiyey bulsho dhibaateysan oo ku noolayd
jasiiradda Bougaineville oo ay xilligaas ka jirtey xaalad colaadeed oo la mid
ahayd xaaladda Soomaaliya. Jasiiradda Bougaineville waxay ka mid tahay dalka
Papua New Guinea oo dhanka Bari deris kala ah dalweynaha Australia. Jasiiraddan
waxaa muddo 10 sano ah ka socday dagaal sokeeye oo sababay burbur naf iyo
maalba leh. Sam Voron wuxuu reer Bougaineville ugu deeqay qalab idaacadeed oo
suurtagaliyey in halkaas laga dhidbo Raadiyow la magac baxay “Raadiyaha xorta
ah ee Bougaineville”, kaasoo siyaabo kala duwan u caawiyey reer Bougaineville.
Sidaas awgeed, maadaama Sam
Voron uu horay usoo caawiyey deegaanno kale oo ay ragaadiyeen mid la mid ah
xaaladdii murugsanayd ee ka aloosnayd Soomaaliya, waxay taasi u sahashay in uu
si fudud u fahmo islamarkaana uu u rumaysto wararkii naxdinta lahaa ee uu
Cabdikariin talefoonka ugu sheegayey muddo shan bilood ah iyagoo aan xitaa mar
keliya is arag. Ugu dambayntii, Sam Voron wuxuu Cabdikariin u ballan qaaday in
intii karaankiisa ah uu u hawlgeli doono teegeero-u-raadinta hindisihiisa cusub.
Muddo shan bilood ah buu
Cabdikariin Jawaab ka dhowrayey Sam Voron. Nasiibdarro, albaab kasta oo uu Sam
Voron gargaraacayba waa uu kusoo oodmay, waxayna mar kasta jawaabta la siinayey
ahayd “ Maya…maya…Soomaaliya waa dal waalan ee naga daa..”
Sam Voron, markuu ka quustay
mira-dhalka taageeradii uu u raadinayey hindisihii Cabdikariin, iyadoo
islamarkaana maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhaysay danaynta iyo
muhimadda uu siinayey hindisahan, wuxuu ugu dambayntii iskiis u go’aansaday
inuu jeebkiisa ku tashado. Sam Voron wuxuu xilligaas gacanta ku hayey hal war-laliye
oo keliya, wuxuuna jeebkiisa ka iibiyey qalabkii kale ee muhiimka u ahaa
dhismaha raadiyow shaqayn kara. Intaas dabadeed, Sam Voron wuxuu goostay inuu
Soomaaliya qalabkaas geeyo.
Maadaama Cabdikariin Nuur iyo
Sam Voron ay kala degganaayeen laba magaalo (Sydney iyo Melbourne) oo isu jira
700km, waxay labadooduba ula muuqatay waqti-dhumis iyo kharash kaloo dheeraad
ah in ay isugu yimaadaan mid ka mid ah magaalooyinkaas si ay halkaas isaga
raacaan. Sidaas awgeed, waxay ku ballameen in ay isugu yimaadaan magaalada
Singabuur ee dalka Singabuur, si ay halkaas uga sii ambaqaadaan socdaalkoodii
ku jihaysnaa dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolladii xilligaas la isku oran
jirey Waqooyi-bari Soomaaliya, haatanse la baxay Puntland.
Jaaliyadda Waqooyi-bari
Soomaaliya ee magaalada Melbourne ayaa qayb ka qaatay soo-ambabixinta Sam Voron
iyo Cabdikariin Nuur, iyo qalabkii idaacadeed ee ay wadeen, waxayna bixiyeen
tikidhka diyaaradda ee Cabdikariin iyo kharashka miisaanka qalabka, halka Sam
Voron uu isagu iska bixiyey tikidhka diyaaradda. Shirkadda diyaaradaha ee
Singabuur Airline ayaa iyaduna samaysay qiima-dhin xagga miisaanka qalabka ah
maadaama qalabkaasi ahaa deeq samafal ah.
Sam Voron isagoo
dhoollacadaynaya, kuna faraxsan guusha uu kasoo hooyey isku-daygiisii
aadaminimo, kaasoo la oran karo wuxuu ahaa “jar-iska-tuur”, ayaa ugu yiri “
Weligey noloshayda ma aanan arag qof Soomaali ah…..Cabdikariin Nuur xitaa
waxaan ku kulannay magaalada Singabuur, wuxuuna ahaa qofkii ugu horreeyey oo
Soomaali ah oo aan noloshayda la kulmo amaba aan arko..”.
Cabdikariin Nuur oo isaguna
dhankiisa iiga warramayey qaabkii uu u dhacay is-araggoodii ugu horreeyey ee
garoonka diyaaradaha Singabuur ayaa igu yiri: 7dii Luulyo 1993kii baan aniga
iyo Sam Voron kasoo kala dhoofnay magaalooyinka Sydney iyo Melbourne, waxayna
ballantayadu ahayd in aan ku kulanno garoonka diyaaraha Singabuur. Maadaama
aniga iyo isaga aynaan horay isu arag, waxaan samaysannay baaq aan isku
afgaranno. Waxaan Sam Voron u sheegay in aan ahay nin Soomaali ah oo
dhererkiisu yahay meel dhexaad, islamarkaana aan soo xiran doono surwaal iyo
jaakad midabkoodu yahay midabka dambaska, isaguna wuxuu igu yiri, aniguna
surwaal madow oo jiinis ah iyo koofiyad baan soo xiran doonaa. Waxaan kaloon ku
heshiinnay in labadeennuba aan madaxa gacanta saaranno si aan isu aqoonsanno.
Anigu nus saac baan Sam Voron garoonka uga soo horreeyey, waxayna ahayd
ballantu in aan ku kulanno goobta boorsooyinka laga qaato. Anigoo
boorsooyinkaygii urursaday islamarkaana dul taagan bay timid diyaaraddii uu Sam
Voron la socday, waxaana durba ii muuqday Sam Voron oo madaxa gacanta ku haya.
Waan gartay in ninkaasi yahay Sam Voron, markaas baannu is niri “ ma tahay Sam
iyo adiguna ma tahay Cabdi…?..
Cabdikariin iyo Sam Voron
waxay dabadeed u gudbeen faras-magaalaha Singabuur, halkaasoo uu Sam Voron
kasoo iibiyey qalab kaloo dheeraad ah oo uu u baahnaa raadiyowga cusub ee la
dhisi doono. Muddo habeen iyo maalin ah bay magaalada Singabuur joogeen,
dabadeedna waxay usoo gudbeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo ay
yimaadeen 9kii Luulyo, 1993kii, halkaasoo ay iyana joogeen 10kii iyo 11kii isla
bishaas, waxayna magaalada Boosaaso kasoo degeen 12kii luulyo, 1993.
Labadii maalmood ee ay Sam iyo
Cabdikariin joogeen Dubai, waxaa si diirran usoo dhoweeyey jaaliyadda
Waqooyi-bari Soomaaliya. Shirkadda Daallo Airline oo waayadaas ahayd shirkadda
keliya ee gobollada Waqooyi-bari ka shaqayn jirtey ayaa gacan weyn ka geysatay
safarkoodii Boosaaso. Dadaal ballaaran oo ay sameeyeen jaaliyadda Waqooyi-bari
ee Dubai ayaa suurtagaliyey in Daalo Airlines ay u samayso qiimo-dhimis xagga
tikidhada ah, iyo in ay lacag la’aan ugu qaaddo qalabkii ay wateen.
SOCDAALKII GOBOLLADA
WAQOOYI-BARI SOOMAALIYA…
12kii Luulyo sanadkii 1993kii
bay Cabdikariin Nuur Maxamuud iyo Sam Voron waxay ka soo degeen garoonka
diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Jabhadda SSDF ayaa xilligaas gacanta ku
haysay gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya. Tan iyo billowgii dagaalladii sokeeye,
magaalada Boosaaso ayaa ahayd xarunta siyaasadda iyo ganacsigaba, halka
magaalada Gaalkacyo ay ka ahayd goob colaadeed oo ay ku hardamayeen ciidamada
SSDF iyo kuwii jabhaddii USC. Hase yeeshee, nasiib wanaag, imaatinka
Cabdikariin iyo Sam Voron waxay kusoo beegantay iyadoo muddo bil ah ka-hor ay
jabhadahaas iyo jabhaddii SNDU kala saxiixdeen heshiis nabadeed, kaasoo uu
biyo-dhiciisu ahaa in beelihii soomaaliyeed ee deegaankaas ku wada noolaan
jiray ay nabad kusoo wada degaan magaalada Gaalkacyo.
Cabdikariin iyo Sam Voron
waxay degeen hoteelkii la oran jiray “Gacayte” oo xilligaas ahaa hoteelka ugu
wanaagsan magaalada Boosaaso, waxayna islamarkiiba la gataati-dheceen daal fara
badan. Sidaas daraadeed, Cabdikariin iyo Sam Voron maalintaas wax hawl ah ma
aysan qabin, hase yeeshee subaxnimadii dambe waxaa hoteelka ugu yimid rag
maqlay imaatinkooda iyo hawsha ay u socdeen, waxaana raggaas ka mid ahaa Md.
Jaamac Cali Jaamac oo xilligaas ahaa ku-simaha guddoomiyaha jabhadda SSDF, iyo
Md. Cabdullaahi Boqor Muuse oo isaguna ka mid ahaa madaxda sare ee isla
jabhaddaas. Cabdikariin iyo Sam Voron waxay labadaas mas’uul uga warrameen
hawshii ay u socdeen, waxayna intaas u raaciyeen in ay u baahan yihiin gaadiid
ay ku sahmiyaan goobta ugu habboon ee laga dhisi karo idaacad madax bannaan.
Sida uu Cabdikariin ii sheegay, labadan mas’uul si fiican bay u soo dhoweeyeen,
islamarkaana uga dhagaysteen warbixintii ay siiyeen, hase yeeshee dib dambe
uguma aysan soo noqon.
Sidoo kale, Cabdikariin iyo
Sam Voron waxaa hoteelka ku soo booqday rag kale oo isugu jiray madax,
dhallinyaro, iyo waxgaradba, waxaana ka mid ahaa madaxweynaha Dowlad-Goboleedka
Puntland Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo xillgaas ahaa guddoomiyaha Guddiga
Xaaladda Degdegga ah ee jabhadda SSDF. Inkastoo uu muddo dheer maqli jiray
magaciisa iyo warar isaga ku saabsan, misana Cabdikariin waxay u ahayd markii
ugu horreysay noloshiisa ee uu arko Md. Cabdullaahi Yuusuf. Maadaama uu
kulankaas ahaa kulan gaaban oo hordhac ah, Md Cabdullaahi Yuusuf wuxuu
Cabdikariin iyo Sam Voron kula ballamay in maalintaas maalintii xigtay ay ugu
yimaadaan guriga uu ka degganaa magaalada Boosaaso, si ay uga wada hadlaan
qorshaha hawgalkooda iyo weliba tas-hiilaadka ay u baahan yihiin.
Cabdikariin iyo Sam Voron
markey tageen guriga Md. Cabdullaahi Yuusuf maalintii lala ballamay, waxay la
kulmeen soo-dhoweyn diirran iyo dareen farxadeed oo muujinayey sida ay madaxda
jabhadda SSDF uga go’an tahay baritaaridda iyo garabgalka dadaal kasta oo ku
wajahan horumarinta reer Waqooyi-bari Soomaaliya. Xog-warran dheer oo ku
saabsan ujeeddada socodkooda iyo muhimadda ay yeelan karto idaacad madax
bannaan oo laga dhidbo gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya, Cabdikariin Nuur iyo
Sam Voron waxay u sheegeen Md. Cabdullaaahi Yuusuf in dhaqaajinta hawlgalkooda
uu u xanniban yahay gaadiid la’aan, si ay marka hore u dhamaystiraan wejigii
koowaad ee hawlgalkooda oo ahaa sahminta goobta ugu habboon ee laga dhidbi karo
raadiyow madax bannaan. Md. Cabdullaahi Yuusuf oo si weyn ugu riyaaqay dadaalka
weyn ee ay sameeyeen Cabdikariin iyo Sam Voron, wuxuu u ballan qaaday in sida
ugu dhaqsaha badan uu ugu diyaarin doono dhammaan tas-hiilaadka ay u baahan
yihiin. Sida Cabdikariin iyo Sam Voron ii xaqiijiyeen, Md. Cabdullaahi Yuusuf
waa uu ka dhabeeyey ballanqaadkaas.
Mar aan Cabdikariin iyo Sam
Voron weydiiyey bal in ay jirtay goob ay madaxa kusii hayeen in raadiyowgan
laga dhiso ka-hor intii aysan iman magaalada Boosaaso, waxay labaduba ii
xaqiijiyeen in haba yaraatee aysan jirin goob si gaar ah ugu calaamadaysnayd oo
ay madaxa ku hayeen. Sam Voron ayaa wuxuu intaas ii raaciyey in markey Boosaaso
yimaadeen uu Cabdikariin dhowr jeer ku yiri “ Sam, adiga ayaa xulaya magaalada
iyo goobta ku habboon in idaacadan laga dhiso.”.
Sam Voron iyo Cabdikariin Nuur
waxay magaalada Boosaaso ka ambabaxeen 16kii Luulyo 1993kii, si ay halkaas uga
sii ambaqaadaan hawlgalkoodii ku beegnaa sahminta magaalada iyo goobta ugu
habboon ee laga dhisi karey raadiyow madaxbannaan. Shuruudaha gundhigga u ah
sahankaas waxay ahaayeen kuwo farsamo, sidaas awgeed, hawsha xulidda waxaa si
gaar ah ugu xilsaarnaa Sam Voron, halka Cabdikariin Nuur kaalintiisu ay ku
koobnayd fududaynta iyo sahlidda habsami-u-socodka hawlgalkaas.
DHIDBIDDII RAADIYAHA GAALKACYO…
Cabdikariin iyo Sam Voron
waxay soo gaareen magaalada Gaalkacyo 17kii Luulyo, 1993, kaddib markii ay soo
mareen dhammaan degmooyinka waaweyn ee ku teedsan waddada dheer ee isku xirta
Gaalkacyo iyo Boosaaso. Guddoomiyihii xilligaas ee gobolka Mudug, marxuum
Cabdiraxmaan Cali Biixi, ayaa halkaas ugu soo dhoweeyey si aan qoraal iyo hadal
midna lagu cabbiri karin, wuxuuna dejiyey hoy uu horay ugu sii diyaariyey,
isagoo islamarkaana ku wareejiyey gaadiid ay ku shaqaystaan.
Sida ay ii sheegeen
Cabdikariin Nuur iyo Sam Voron, marxuum Cabdiraxmaan Cali Biixi wuxuu ahaa nin
si weyn u doonayey in magaalada Gaalkacyo ay ku guuleysato sahankii lagu
xulayey magaalada iyo goobtii laga dhisi lahaa idaacadda cusub. Marxuum Biixi,
isagoo maanka ku hayey marxaladdii adkayd ee uu ku sugnaa gobolka Mudug iyo
baahida degdegga ah ee loo qabay idaacad madax bannaan oo gacan ka geysata
xoojinta heshiiskii nabadda ee ay bil ka-hor kala qorteen beelihii Soomaaliyeed
ee gobolkaas wada degi jiray, waxaa isaga ka go’nayd in uu qaado tallaabo kasta
ee uu gobolkaas ku heli karey raadiyowgaas.
Imaatinka Sam Voron iyo
Cabdikariin Nuur ee magaalada Gaalkacyo waxay ku soo beegantay iyadoo ay
maalmahaas uun magaaladu kasoo kabanaysay burburkii kasoo gaaray dagaalladii
sokeeye. Inkastoo qoysaskii magaalada horay uga qaxay ay si tartiib tartiib ah
dib ugu soo gurya-noqonayeen magaalada Gaalkacyo, misana marna ma aysan jirin
kalsooni dhab ah oo ay reer Gaalkacyoodku qabeen, sidaas awgeed, qoysas badan
ayaan durba kusoo dhiirran in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii. Tusaale
ahaan, horraantii bishii Ogoosto, sanadkii 1993kii, waxaa magaalada Gaalkacyo
degganaa dad aad u tiro yar oo aan ka badnayn 300 oo qof.
Sam Voron isla maalintii uu
yimid magaalada Gaalkacyo waxay indhihiisu qabteen goobtii ugu habboonayd
gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya oo raadiyow laga dhisi karey….waxay ahayd
magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan gudaha saldhigga booliiska Gaalkacyo…waxaa
halkaas ka dhisnaa siin (tower) uu dhererkiisu yahay 30m. Maadaama qalabka
idaacaddu uu ahaa qalab kooban, waxaa lagama maarmaan ahayd in la helo
tas-hiilaad kale oo xoojin kara masaafada iyo tayada war-laliyaha idaacadda.
Guud ahaan gobollada Waqooyi-bari ma aysan jirin degmo lahayd siin (tower) uu
dhererkiisu yahay 30m.
Sam voron oo ahaa
farsamayaqaankii raadiyowga dhisi lahaa, wuxuu islamarkiiba u hawlgalay
dhismihii idaacadda, diyaarintii iyo tababarkii mutadawiciintii hawsheeda wadi
lahaa.
Bulshada Gaalkacyo oo uu
hormuud u ahaa Guddoomiyihii xilligaas ee gobolka Mudug, marxuum Cabdiraxmaan
Cali Bixii, ayaa kaalin weyn ka qaatay suurtagalinta dhismaha idaacadda;
bulshadu waxay ku deeqday goobtii raadiyowga laga dhisi lahaa (laba qol oo ka
mid ah dhismaha saldhigga Gaalkacyo); dhaqaalihii lagu dayactiray labadaas qol
oo si ba’an u dayacnaa; kuraastii iyo miisaskii qolalkaas la dhigi lahaa;
shaqaale mutadawiciin ah; sugidda ammaanka raadiyowga; siinkii (tower) ay
idaacaddu isticmaali lahayd; shidaalka dab-dhaliyaha idaaacadda oo ay ballan
qaadeen ganacsatada deegaanka; Marxuum Cabdiraxmaan Cali Biixi ayaa isaguna
raadiyowga ugu deeqay dab-dhaliye noociisu yahay Lister Bitter 9KVA, 2 biston.
Xilligaas matoor kaleba Gaalkacyo ma oollin.
FURITAANKII RAADIYAHA
GAALKACYO…
18kii Ogoosto, 1993kii ayaa si
rasmi ah loo furay raadiyaha Gaalkacyo. Munaasad lagu maamuusayey furitaanka
raadiyowga, waxaa kasoo qaybgalay islamarkaana ka hadlay Md. Cabdullaahi Yuusuf
oo xilligaas ahaa guddoomiyaha guddiga xaaladda degdegga ah ee jabhaddii SSDF,
Cali Ismaaciil Cabdi-giir oo isaguna ahaa guddoomiyaha jabhaddii SNDU, iyo
wakiil ka socday jabhadda USC ee uu guddoomiyaha ka ahaa Gen. Maxamed Faarax
Caydiid. Sidoo kale, waxaa munaasabaddaas goobjoog ka ahaa waxgaradka iyo
odayaasha deegaanka. Munaasabaddan waxay lahayd laba ujeeddo; Furitaanka
idaacadda iyo wareejinta idaacadda oo nimankii keenay ay ku wareejinayeen
gacanta bulshada.
Furitaanka Raadiyaha Gaalkacyo
wuxuu kusoo beegmay xilligii loogu baahi badnaa. Waxaa raadiyaha la furay laba
bilood kaddib markii ay beelaha Soomaaliyeed ee gobolkaas wada deggan kala
qorteen heshiiskii nabadda ee 4tii Juun, 1993. Heshiiskaas wuxuu dhigayey in
nabad lagu wada noolaado, meelna looga soo wada jeesto tallaabo kasta oo
carqalad ku noqon karta nabadda iyo xasilloonida deegaankaas.
Inkastoo uu heshiiskaas ku
yimid rabitaanka iyo taageerada beelaha deegaankaas, misana ma sahlanayn in
jabhadihii heshiiskaas wada galay ay fuliyaan heshiiskaas nabadeed oo durba
yeeshay cadaw aad u fara badan, sababtoo ah jabhadahaasi ma aysan lahayn awood
dhaqaale iyo mid ciidan oo u suurtagalin karey in ugu yaraan ay deegaankaas ka
abuuraan hay’ado sharci-fulineed oo qaabilsan dib-usoo-celinta iyo ilaalinta
nidaamka iyo kala dambaynta. Gorfeeyayaasha arrimaha gobolka Mudug ayaa
aaminsan in raadiyaha Gaalkacyo oo adeegsanaya hirarka gaagaaban uu buuxiyey
kaalintaas iyada ah.
Iyadoo loo marayo dhabbaha
wacyigelinta ee dhinacyada diinta, barnaamijyada, wararka, iyo hal-abuurka
suugaanta, raadiyaha Gaalkacyo wuxuu suurtagaliyey in ay si sahlan isugu soo
dhowaadaan beelihii ay dirirtu kala geysay, iyadoo dhinaca kalena uu
jidbixiyeen u noqday abuurmidda jawi nabadeed oo ku dhiirrigaliyey dad badan oo
ka shakisnaa heshiiskaas in ay si dhaqso ah dib ugu soo noqdaan guryahoodii.
Raadiyaha Gaalkacyo wuxuu kaloo diiradda saaray ka-digista iyo far-ku-fiiqidda
tallaabo kasta oo turunturro ku noqon kartey wada-noolaanshaha beelihii nabadda
ku heshiiyey.
Ugu dambayntii,
xeeldheerayaasha iyo gorfeeyayaasha arrimaha gobolka Mudug waxay isku raacsan
yihiin in raadiyaha Gaalkacyo la’aantiis uu heshiiskaas ku turunturroon lahaa
shirqoollo fara badan oo gudaha iyo dibeddaba laga soo maleegayey, si loo
fashiliyo heshiiskaas nabadeed oo noqday heshiiskii ugu horreeyey oo ay beelo
Soomaaliyeed wada gaareen iyadoo aysan u kala dabqaadin, maalgelin, ama ku kala
dhex jirin shaqsiyaad ama hay’ado shisheeye.
GUNAANAD…
Cabdikariin Nuur iyo Sam Voron
intaas kagama aysan harin baritaaridda raadiyaha Gaalkacyo, waxayna tan iyo
xilligaas illaa iyo haatan la daba joogaan taageero joogto ah oo u badan xagga
qalabka iyo farsamada. Labadooduba dhowr jeer bay Gaalkacyo dib ugu soo
laabteen, si ay u ebyaan hawlo xagga farsamada iyo qalabka ah. Jaaliyadaha
dibedda ee Waqooyi-bari Soomaaliya (Puntland) ayaa iyaguna dhankooda ka
muujiyey dadaallo aan lasoo koobi karin oo dhammaantood ku aaddanaa
kor-u-qaadidda tirada iyo tayada qalabka iyo barnaamijyada idaacadda.
Waxqabadka Cabdikariin Nuur
Maxamuud “Cirfe” kuma koobna raadiyaha Gaalkacyo oo keliya, wuxuuse horseed ka
ahaa shirkaddii “Ausoma” oo ahayd shirkaddii ugu horreysay oo suurtagalisay in
dadweynaha magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ay helaan adeeg talefoon iyo mid
internet. Sidoo kale, Cabdikariin Nuur wuxuu xilligan xubin firfircoon ka yahay
shirkadda biyaha Gaalkacyo iyo guddiga dhismaha waddada Wadaagsin ee isku xirta
Gaalkacyo iyo xeebta Garacad ee degmada Jarriiban, iyadoo ay intaas u dheer
tahay ku-gacansiinta odayaasha iyo waxgaradka deegaanka xagga xallinta
qilaafaadyada, kuwaasoo haddii aan la xakamayn u xuubsiiban kara dhibaatooyin
sababa waxyeello naf iyo maalba leh.
Cabdikariin Nuur wuxuu haatan
si rasmi ah ugu soo guuray magaalada Gaalkacyo, si uu ugu gacan bannaanaado
dadaalka weyn ee uu ugu jiro horumarinta iyo dhismaha dalka iyo dadka Puntland,
gaar ahaan gobolka Mudug.
Ugu dambayntii, inkastoo aysan
shaki ku jirin in guud ahaan reer Puntland ay abaal weyn u hayaan Cabdikariin
Nuur iyo Sam Voron oo gurmad la taaban karo u fidiyey xilligii ay ugu baahi
badnaayeen, misana waxaan weli jirin falcelin rasmi ah oo la taaban karo oo
laga bixiyey abaalgashigaas isaga ah. Sida ay qabaan gorfeeyayaasha arrimaha
horumarinta Puntland, waxaa lagama maarmaan ah in hoggaanka sare ee Puntland,
oo wakiil ka ah reer Puntland, uu si rasmi ah uga falceliyo abaalkii ay
labadaas nin gashadeen reer Puntland, gaar ahaan Cabdikariin Nuur “Cirfe” oo
tan iyo 1992kii illaa iyo haatan u taagan horumarinta dalkiisa iyo dadkiisa.
Waxaa hubaal ah in falcelinta caynkaas ah ay dhiirrigalin u noqon lahayn shaqsi
kasta oo u guntan dhismaha dalkiisa iyo dadkiisa, dhanka kalena waxay beenin
lahayn hal-ku-dhegga beryahan caanbaxay ee ah “Puntland waa laga shaqaystaa
ee looma shaqeeyo”. Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la hubaa in kala
soocid la’aanta qofka Puntland u shaqeeya iyo kan ka shaqaysta ay dhabbaha u
xaari doonto in la caadeysto hab-dhaqan xun oo ragaadin doona dhismaha iyo
horumarinta dalka iyo dadka Puntland…abaalse nin galaa badan, nin gudaase
yar…
..…Dhammaad…..
Xusuus:
Ujeeddada Qoraalkan waxay
ahayd oo keliya in lasoo bandhigo sooyaalkii taariikheed ee raadiyaha Gaalkacyo
tan iyo qabanqaabadiisii hore illaa iyo maalintii sida rasmiga ah loo furay.
WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Suxufi madax bannaan, Garoowe, Puntland/Soomaaliya
Email:
cmwacays@yahoo.com ama
wacays2001@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2003.
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraag aku
saxiixan
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|