SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Kenya oo Laba Maalmood Lakala Soomay Waxay u Badan Tahay in Maalin Lawada Ciido

CIID WANAAGSAN CIID WANAGSAN CIID WANAAGAN

War-1-24,November,Mbagathi.
CIID WANAAGSAN

Ergada Soomaaliyeed ee Shirka Nabadu Cuntada Saf ma u geli doonaan maalinta Ciida, Sidii Ciidii hore ka Dhacday Eldoret.

isqabqabsi badan oo ka yimid qofkii maamuli lahaa lacagta lagu dhigayo Xafladda Ciida ayaa waxa si hoose loogu xaliyey inlagu maamulo habka qaybsiga qabiilada Soomaalida ee ka qayb qaadanaya wadahadalada Nabada Soomaalida ee Kenya.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......


Dadka muslimiinta ah ee ku nool waddanka kenya ayaa kala soomay laba Maalin, oo kala ah AXAD iyo ISNIIN.
Soomaalida ayaa ka mid dadkaasi Soomay 2-maalin ee isku xigta, Soomalida u dhalatey waddanka Kenya iyo Ergada Soomalida ee shirka ka qayb galeysa ayaa maalinta Isniinta wada Soomay ,halka Soomalida ku Nool magaalada Nairobi ay iyagu soomeen maalin Axada ah.
Dadka Soomay maalinta AXADA ayaa Soonku u yahay maanta 30 maalmood, kuwa soomay maalinta Isniintana 29 Maalmood.

Dukaamada iyo carwooyinka lagu Gaddo ama lagu IIbiyo Dharka ,Xalwada ,Biskudka iyo qurxinta alaababada guryaha ee ku yaala Magaaoolinka Nairiobi iyo Mombaasa ayaa buuxiyey Ummada mulimiinta ah ee ku nool magaalooyinkaas si ay ugu gataan alaabada ama dharka Ciidulfitriga uga qaybgali lahaayeen.

Berrito haddi alla Idmo ayaa lagu wadaa in ay noqoto maalinta Ciida oo ay muslimka adduunka ku nool meel kasta ay joogaan u dabaaldegayaan farxad maadaama ay soo guteen bishii barakeysneyd ee Ramaadaan Kariim.

Ergada Soomaaliyeed ee ka qayb qaadaneysa wadahadala Nabada Soomaalida ee ka socda Kenya ayaa Dawlada Kenya iyo Urur Goboleedka IGAD waxay u sameenayaan fantasiyaha iyo dabaaldega maalinta Ciida.
Hogaamiyayaasha Soomalida ayaa isla Ogolaadey in Barnaamijka xafladaasi maamulkeeda faraha loo galiyo sheekh Cabdirashiid Sheekh Axmed oo shirka ku yimid magaca AhluSuna wa jamaaca ka dibna gudoomiye u Noqdey Culumada Soomaaliyeed ee shirka ka qayb qaadaney iyo Xogheynta Guddiga khilaafaad ee shirka.
sheekh Cabdi rashiid ayaa shirarka la qabanayo ka aqriyo aayadaha Quraanka kariimka ah furitaankooda .
doodo badan ayaa ka yimid magacaabista sheekh maamulida lacagta yar ee loogu tala galey in loogu sameeyo Ergada Soomaaliyeed ee shirka barnaaamijyo farxadeed oo ay ugu qaybgalayaan Maalinta Ciida.
Barnaamijyada ayaa waxa ay isu jiraan kuwa maaweelo iyo farxada dabaaldega sida Ciyaaraha kubadda cagta ,ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, Riwaayado ay jilayaan koox fanaaniin Soomaaliyeed iwm.

Ergada Soomaaliyeed ayaa sannadkii hore xaflada ciidul fitriga lagu qabtey Hotel weyn oo ku yaalla magaalda ELDORET, kaasoo an qancin Soomaalida Maadama dhaqan iyo caadada ciidaha ay tahay in xoolo la qalo, bariis lagu cuno saxamo waaweyn, Ergada ayaa maalintaasi raashinka saf u galey iyagoo nin waliba isagu is maamulayo walow safafkii dambe aan waxba helin.

Ciidul axdaaga ayaa qadad sharfta maalintaasi ciidu lagu qabtey guriga uu deganaa madaxeynaha Maamulgoboleedka puntuland State Muddane Cabdulaahi yuusuf Axmed, taasoo qancisay dhamaan dadkii ka soo qayb galey qadosharaftaasi oo isugu jiray Diblumaasiyiin ,danjirayaal iyo dhaman Ergada Soomaaliyeed marka laga reebo dhawr hogaamiye iyo ergadooda oo aan ka soo qayb galin.

Qabashada iyo maamulidda Xafladaha ayaa IGAD ay qandaraas kusiisay qaar ka mid ah Ergada Soomaaliyeed ee shirka ka qayb galiya si ay u sameeyaan xaflada iyo damaashaad ay sameystaan marka ay joogaaan waddankooda. isqabqabsi badan oo ka yimid qofkii maamuli lahaa lacagta ayaa waxa si hoose loogu xaliyey inlagu maamulo habka qaybsiga qabiilada Soomaalida ee ka qayb qaadanaya wadahadalada Nabada Soomaalida ee Kenya.
Dhmaad.


Abdikarim Aden Hussein
Mbagathi,Kenya
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2003.

Singapore: 500 oo Qof ayaa Diinta Islaamka Soo Gala Sannadkiiba
Waxaana dadka sannadkan kusoo islaamay Singapore kamid ah Guji

Algeria: Toban Kawaanle oo Xabsiga Ladhigay Kaddib Markii ay Iibiyeen Hilib Dameeraad
iyo Xabsiyada Algeria oo laga siidaayey in kabadan 3,000 oo qof maamuuska Ciida awgeed.. Guji  Nov 23

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN
Siciid Westing oo ah nin Muslim ah oo deggan Denmark oo uu Jimcadii soo booqday Ibraahim Saalax ayaa sheegay in.. Guji..


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD