Hadaba dhageyste haddaan si saraaxad leh uga jawaabno
su’aalahaas iyo qaar kaloo badan oo aad isweydiineyso lana xirriira
barnaamijkan, ayaa muhiimaddu aheyn in laga jawaabo magaca barnaamijka balse
sida ku cad cinwaanka waa barnaamij aan ugu magac darnay ”kulanka STN”. Waxaa
Barnaamijkani uga duwanaan doonaa barnaamijyada qaar iyagoo weriyeyaashu ay si
wada jir ah idiin kugu soo gudbin doonaan halka barnaamijyada qaar looga bartay
inuu hal qof daa daheeyo.
Dhinaca kale barnaamijka Kulanka STN, waa barnaamij aan kaga
hadli doono guud ahaan waxyaabaha la xirrira bulshada soomaalida qeybaheeda
kala duwan marka dhankasta laga eeggo. Dhinaca siyaasada oo aan ogsoonahay in
maanta nolosha qofka soomaaliga ah uu maanta meel sare ka jirto ayaa
barnaamijkeenan Kulanka STN, ka marnaan doonin qodobkaas ay sida aadka ah u
xiiseyeen soomaalida, annagoo xooga saareyna inaan barnaamijka ku martiqaadno
kuwooda ugu magac dheer saaxadda siyaasadeed ee soomaalida.
Xubinta ugu horreyesa ee barnaamijkan Kulanka STN, waxaan
kaga munaaqishooneynaa haddii Alla idmo, dowrka saxaafada soomaaliyeed tan iyo
markii dhiddibada loo aasay.
Muddadii ay saxaafada soomaalida jirtay maxey bulshada
soomaalida ku soo kordhisay maxeyse u dhintay? Dadkuse sidee ayey u qiimeeyeen
warfaafinta iyo dadka ku howlan? Sida oo kale saxaafadda Soomaaliyeed hadey
iyadana ka baxday caburintii taliskii hore, maxey uga xoreebiweysay maanta
qabiilka iyo adeegista hogaamiye kooxeedyadda? Dowrkii dumarka soomaaliyeed ee
saxaafadda maxaa keenay iney noqoto mid aan muuqaan? Maxeyse ka yiraahdeen
dumarkii meheradaas ku jiray kuna jirra ilaa maantadan?
Saxaafadda cusub ee maanta maxey iyadana ku soo kordhisay
ummadda, mase ka faa’iideen xurriyaddii ay heshay warbaahinta cusub? Dowrka
boggaga internet-ka ay soomaalida wararka ka helaan sidey doonaan ha uga
hellaane maxey iyagana ummada tareen, maxeyse ka haleeyeen??
Hadaba arimaha aan kor kusoo xusnay iyo qaar kaloo badan lana
xirriira bulshada soomaalida ayaan kaga hadli doonaa guud ahaan barnaamijkeena
Kulanka STN, oo aan xubintiisa ugu horeysa ku soo qaadan doono dowrka
warfaafinta soomaaliyeed. Annagoo ku casuumi doona shaqsiyaadkii ugu magac
dheera ee saxaafada, haddey ahaan lahaayeen ragg iyo dumar iyagoo nooga
jawaabaya dhamaan waxyaabaha ku saabsan su’aalahaasi.
Dhageyste waxaan kuu sheegeyna inaad tahay qeybta ugu
muhiimsan ee barnaamijka Kulanka STN, waxaadna fikradahaaga iyo wixii su’aalo
aad qabto aad noogu soo diri kartaa adigoo ka faa’iideysana fursadan qaaliga ah
cinwaanadan hoos ku qoran.