SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - OTTAWA

XURMEYNTA MAALMAHA CIIDDA

Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada

abdulfatah@yahoo.com

Iyadoo ay dhammaad tahay bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayaan waalidiinta si gaar ah ugu baraarujinayaa in ay tixgeliyaan farxadda maalinta ciidda. Wareysiyo badan oo lala yeeshay ubadka yaryar ee ku nool dalalka qurbaha (Yurub iyo Ameerika) ayay ku sheegeen in aysan dareemin wanaagga ay ciidaha Islaamku leeyihiin. Qaarkood waxay istaas ku dareen in waalidiintoodu aanay xaadirin goobaha salaadda ciidda lagu tukato.

Waxaa kale oo iyadana dhacda in waalidka qaarkiis ay dadaal badan geliyaan munaasabado aan Islaamku sharciyeyn, sida xafladaha dhalashada caruurta (Happy Birth Day), munaasabadda loogu yeero dabaaldegga sannadka cusub (Happy New Year), iwm. Haddaba walaalahayga Soomaaliyeed waxaan ku adkeynayaa isla markaasna xusuusinayaa in ay muujiyaan shacaa’irta Islaamka marka lagu jiro munaasabadaha Islaamiga ah taasoo ay ajar Eebbe ku kasban karaan.

Sida aan wada ognahay, diinteenna wanaagsan ee Islaamka waxay noo jideysay laba ciidood oo kala ah: Ciidul-Fitri iyo Ciidul-Adxaa. Arrimahaan soo socda ayaan isleeyahay waxay wax ka tari doonaan sidii aan u dareensiin lahayn ubadkeenna farxadda maalmaha ciidda.

1. in qoyska dhammaantiis ay ka qayb galaan salaadda ciidda, si carruurtu ay u arkaan kulanka farxadda leh ee muslimiintu u dabaaldegayaan.

2. in caruurta laga farxiyo oo loo iibiyo dhar cusub haddii dhaqaalaha reerku saamaxayo.

3. maadaama maalmahaasi yihiin kuwo farxadeed waa in macamacaan iyo wixii caruurtu jecel yihiin laga haqab tiro.

4. in la soo booqdo ehelada iyo deriska Islaamka ah oo carruurta la dareensiiyo muhiimadda Islaamku siiyay xiriirinta qaraabada iyo deriska.

5. in carruurta loo qabanqaabiyo xaflado iyo barnaamijyo xiiso leh oo ay ku ciidaan.

6. in laga taxadarro in caruurta looga farxiyo waxyaabo xaaraan ah oo aan diinteennu ogoleyn.

Gunaanadkii waxaan akhristayaasha ku dhiirigelinayaa in loo sii tabaabusheysto maalinta ciidda oo waliba si gaar ah niyadda loogu hayo sidii farxadda ciida loo dareensiin lahaa caruurta. Taasi waxay keeneysaa in ubadku xiiso u qaadaan diintooda Islaamka ah.

Waxaan idiin rejeynayaa ciid wanaagsan iyo dembi dhaaf, meel kasta oo aad ku nooshihiinba.

Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada

abdulfatah@yahoo.com

-Wassalaamu Calaykum

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2003.

Singapore: 500 oo Qof ayaa Diinta Islaamka Soo Gala Sannadkiiba
Waxaana dadka sannadkan kusoo islaamay Singapore kamid ah Guji

Algeria: Toban Kawaanle oo Xabsiga Ladhigay Kaddib Markii ay Iibiyeen Hilib Dameeraad
iyo Xabsiyada Algeria oo laga siidaayey in kabadan 3,000 oo qof maamuuska Ciida awgeed.. Guji  Nov 23

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN
Siciid Westing oo ah nin Muslim ah oo deggan Denmark oo uu Jimcadii soo booqday Ibraahim Saalax ayaa sheegay in.. Guji..


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD