SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Hadraawow halyeybaad aheyd; hiil nin loo galo e
.....   .....  ....
.....   .....  ....
Maxaa kugu hamsadey; maad aheyn haybtiigaranwaaye.

HADMEY KUGU SHAXTIDHI QIIRAADAAN MAANTA KUGU HOORTEY (GABEY)
KU: Abwaan Hadraawi
KA: Cali Jamac Axmed ( ahmedfayr@hotmail.com )

Anigoo ah ali Jama, waxaan jeclahey in aan marka hore halkan ka salaamo Abwaan Maxmamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" oo ah nin aan aad u qadariyo kuna ixtiraamo kaalinta uu kaga jiro ama ka soo qaatey Sugaanta Afka Soomaaliga. Sidoo kalena, waxaan halkan Abwaan Hadraawi u soo marinayaa Tix ama Gabey kooban oo aan is idhi ugu xogwaran Abwaanka falsafadan siyaasadeed ee uu maanta u xuubsiibtey iyo sida ay u arkayaan dad badan oo ka tirsan taageerayaashiisa.

Hadaba, sidaan la socono Abwaanku, waxaa uu dhawaan ku milmay ama uu ku biiray hirdanka siyaasada somaliya ee mudo laysku mari la’aa, waxaaney dad badan oo aan ka mid ahey is leeyihiin Abwaanka maxaa hawshan geliyey?.

Hadaba, tixdan oo aan u arkey in ay ka turjumeyso sida ay xaajada siyaasada somaliya ee maanta tahey, Abwaankana la talineysa waxna ka iftiimineysa muruga iyo is maandhafka dadka u ololeeya siyaasada somaliada guud ahaan, waxaan jeclahey in ay noqoto mid inoo furan ciddii hal abuurka wax ka taqaanaana ka qayb gasho ee aqris wacan. Haddii ay cidi dhibsatana , waxaan rejeynayaa in raali laga ahaado. Waxaa kaloo iyana lagayaaba in qaar badan oo idinka mid ahi yidhaahdaan waar bal eega ninkan Abwaan Hadraawi u gabyaaya, laakiin waxaad ogaataan in nin-waliba maalin bilaabey suugaanta, Hadraawina maalin anoo kale ahaa. Gabyaana ma ihi mana jecli inaan gabyo runtii, laakiin waxaa iyana meesha ku jirta erayadii Abwaan Yusuf Xaaji Adan ee ahaa “hadaan gabeyga uurkoo bukiyo aramikaakeenin, abda malaha eragii afkuun laga yidhaahdaa”. Sidaa awgeed, taxdani ku timid tabasho iyo u qaadanwaa aan u qaadan waayey halka uu abwaan hadraawi ka fadkudiyey.

Tixdii Gabayga ahaana waxaan ku bilaabay sidatan:

Hadraawow halyeybaad aheyd; hiil nin loo galo e
Hagardaamo kugumaan ogeyn; hoos u soo noqode
Hir-kalaaban kaa eegayeeyiyo; hawl u soo bixide
Hayeesheey imaan-bogin; warkaa haatan ii yimid..

Nabadaad u heenseysatey; iyo halkaad sheeko marineyso
Hooheey ka kaca; iyo hadalkan aad la hindiwaaseysow
Hamadaad la timid; een dadkaa maanta badi-heynin
Hirwaddii xoriyadii; iyo jibaddii waagii lagu hoobtey
Hoga lagama gano; ruux muslim ah laba hilaadoode
Maxaa kugu habsadey; maad aheyn haybtii garanwaaye

Halkiibey inoo taagan tahey;hororkii waagiiye
Halgankiina muudamin; hadaad moodey waa hore
Sidii bay u heeryeysanyiin; hanadadeeniiye
Hooyooyinkiiba fadhiya; weli-habaaskiiye
Hoygiisa loogama waramo; nimaan habaabeyne
Hubsiimey u baahneyd; taladan kaa habowsaniye
Hadmey kugu shaxtidhi;qiiradaan maanta kugu hoortey?

Dadkaad la hadleysaa maxamedow; waa kuwii hore’e
Hu-guunbaa badeleyn; ee qalbiga heer umuu korine
Wadaadkii nahelay; iyo kuwii hasha fulinaayey
Markuu hoydey; waxaa soo hafyidhi hanadadiisiiye
Hurgumaduu ka tegey; baan hadheyn tan iyo haabiile
Hoosaasin waa lagu yaqaan; wiilka reer hodane
Ha iloobin; taariikhdu waa lama huraankiiye.

Haddii ay heshiis doonayaan; hebel ma keeneene
Halyey kuma tilmaameen; fulii hooyadey dilaye
Hayb qolo ma sheegteen ninkii gubey halkeygiiye
Looma soo hagoogeen; ninkii cuney hasheydiiye
Been laguma hiifeen; dadkii hooga soo maraye.

Hindisaha qabiil; ee midnimo lagu hagoogaayo
Haabhaabka beelaha; iyo intaa hebelo doondoonka
Heesaha jeceylka ah iyo ilmada hibitiqleyneysa
Halkan kaalayaaye; Nairobibaa heysataladiiye
Habrahaa lugo’ey; ee hadana hoygood garanwaayey
Shaxdan lagu hongaabee; hadana laga hagaageynin
Hog markii la guuraba; midkale sii hordhigidiisa
Hubaal waa cadeyntii; waxii kii ka soo hadhey.
Hubsiimey u baahneyd; taladan kaa halowsaniye
Ha iloobin taariikhdu; waa lama huraankiiye

Hangagaarka sheekada; shirkaa maanta hadhiyey
Horor iyo dugaagbaa isu yimid hoolif dacowgiiye
Hamuuntii nin qaba; oo qurbaha hawli yara-gaadhey
Hanti aan la tegin oo intaa dhoonut hoganaayey
Isku yidhi hafsii ; midaad hore u soo waydey
Hiliblihii dad qaley; oo hadana haragshabeel qaatey
Haweenkii darlumey; oon ogeyn hadafkii qoyskeeda
Iyo guulwadii hore; oo intaa hawdka miranaayey
Habaar-qabahii duulkuu ka tagey; yaasoo hanbaabire
Hoosaasin waa lagu yaqaan; wiilka reer hodane
Ha iloobin taariikhda waa lama huraankiiye

Heelo waxay tumayaan; inay xamar ka heesaane
Waxay ay la hiirtaansanyiin; hilinkii waagiiye
Heshiis waxay ku yiin;maalin kale inay ku heeraan
Hantidaada qaybteed; ayaa loo hirdamayaaye
Waxaa laysku haystaa intaa; hoygaad gelileyde
Waxaa heegan loo yahey; sidii loo hantiyilaaye
Hadimadii doraad; ayaad markale soo horleedahaye
Maxaa kugu hamsadey; maad aheyn haybtiigaranwaaye.

Cali Jamac Axmed
Toronto,Canada

ahmedfayr@hotmail.com

Afeef: Fikrada Gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2003

<><><>

Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta gabayda!!!... GUJI


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD