SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
C/waaxid oo Aqoon iyo Firfircooni Lagu Sheegay

Diirshe Cismaan
fmothman@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

salaamu caleykum

Qolka Shabakad Internet ah baa iyadoo ka cuddaarnaysa C/waaxid qabiilkiisa oo ay horay uga hadleen waxaa hadalkoodii ka mid ahaa: Waa nin wax kubartay UK oo firfircoon.

Runtii markaan arkay qoraaladda Cabdiwaaxid wax tacliin ah oo ka muuqda majirin habayaraatee. Waxyaabihii uu qorayna waxa kamid ahaa:

Ciidanka Canshuurta puntland waxaa dhaama kuwa C/qaasim.

In canshuur la ururiyo waa aasaaska dawladnimo. Qofkasta oo reer Puntland ah ama somali ah inuu ku farxo bay ahayd in barnaamijkaasi uu kabilowday Puntland, walow aanan oranayn si fiican bay kubilaabatay, oo musuqmaasuqu waa mid aduunka aad uga jira, meelkasta oo aytahayba. Puntlandna sidda ay u dhaqaale yartahay uma musuqmaasuqbadna. laakiin Cabdiwaaxid tacliintiisu waxay tustay inuu Mooryaan aan macnaha dawladimo leedahay u muraadin inuu la meel dhigo. Wadanka UK ee layiri Cabdiwaaxid baa wax kubartay waxan filayaa inuusan cabdiwaaxid marna iswaydiin dhaqaalaha uu wax kubartay iyo sidda uu kuyimid, badanaa tacliinta wadankaan UK waxaa lagu maalgaliyaa canshuurta laga qaado aniga iyo hebel iyo heblaayo. Qofkasta oo wax kubartayna inuu ku farxo bay ahayd in systemkii canshuur qaadidu uu kabilwdo somaliya.

C/waxid wuxuu kudooday inuu ula jeeday hadalkiisa sidda ay u amar qaataan ciidanka Puntland iyo siday waxay doonaan u samyn karaan oo ay xorta u yihiin mooryaanta Cabdiqaasim. In amar iyo kala danbayni kajiro meel somalia kamid ah waa wax lagu farxo waana astaan dawladeed. Laakiin waxaan garan waayay meesha uu C/waaxid kasoo bartay in anarchismku uu ka wanagsanyahay dawladnimadda. Kolay u malynaamyo in taas lagu baray UK. waxaa kale oo somalia jirra rag hubka u qaatay in anarchism iyo canshuur la'aan ay somalia ahaato dadkaas waxa kamid ah Cismaan Caato iyo Yalaxow oo og in aan iyaga wax danihi ugu jirin in Somalia ay dawladi timaado. Marka ragaasna jaamacad miyay uga so bexeen. Haddiise tacliintu aysan kutusi karin wixii aasaaska u ahaa jiritaanka ummad oo ah dawladnimo maxay kutaraysaa sheegsheegeedu. in qofku school fariisto sando badan oo u buugaag badan akhristo wax caqli ah u kordhin mayso haduusan qofku maskaxdiisa si wanaagsan ah uga shaqaysiin. Taas waa "aragtida" siyaasadeed ee Cabdiwaaxid ee ku salysan anarchism iyo is barbaryaac.

Shaashadii Internetka hadaladeedii waxa kamid ahaa inuu C/waaxid yahay nin firfircoon... Bal aan fiirino waxyaabihii uu ugu badnaa ee internetka ku qoray ee lagu sheegi karo inuu ku firfircoonyahay.

  1. -Dariiqyada gaalakcyo maxaa loo baneeyay oo looga raray dadka duldaganaa..
  2. -Reer Sool waa darajadda 2aad ee Puntland
  3. - Cali dhuux oo uu kabeen sheegayisagoo yiri wuxuuka xishooday Salaan Carabeey.
  4. -Maamulka Puntland waa maamul Majeerteen
  5. -Puntlandni nabadi kama jirto.
»Jawaab Qoraalka A. Dirir Ee Dhaqanka iyo Diinta kamaran [C/Shakur]

In qofku uu sheegsheego dacayaddo iyo siyaasado dadkale maahan mid soo kordhinaysa wax cussub oo loogu yeeri karo hebel waa firfircoonyahay.

5taas arimood ee uu Cabduwaaxid ku "firfircoonayahay" 4 kamid ah waxaa uu ku soo duubtay qabiilka isaaqa.

Dhulka ay dagaan Hartidda woqooyi ayaa waxaa sheegsheegta qabiilka isaaqa ee u ololeeya in lasoo celiyo xuduudihii gumeysiga ee Igriiska iyo Talyaani. marka in badan baan saxaafadda so-call somaliland waxaad ka arkaysaa iyagoo:

  • - Muujinaya sawir ah in Hartida woqooyi ay ku dulmanyihiin Puntland. oo ay yihiin darajadda 2aad.
  • - Iyagoo ka been abuuraya Cali dhuux ama suugaantiisii siinaya rag kale.
  • - Puntland ugu yeera MJ. intaas oo dacayadna waxaa ay kaleeyihiin dano gaar ah oo qabiileed marka in cabdiwaaxid uu somalia dadka ugu siyaasadda liita oo uu dacaaydohooda lasoo shirtago maxay muujinaysaa?

In internetka lagu soo qoro wax maqaalo loogu yeero oo an hal facta ahi kujiri ama hal arin oo daliil lehi kujirin ma firfircooni baa misse malawaal?

Hadalkii Shaashada waxaa loo qaatay inay sheegaan kaliya inuu miisaska iyo kuraasta wax lagu barto uu c/waaxid fadhiyi jiray laakiin waxa larabay inay raaciyaan inaan qofka caqli uga kodhin inuu tacliin aado oo caqilga iyo tacliintu aadidu ay kala labo yihiin.

w/s

Diirshe Cismaan
fmothman@hotmail.com

<><><>

FAALO: MAXAA HOOS U DHIGAY RAJADII LAGA QABAY SHIRKA SOOMAALIDA?

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 MAXAA GAACA BIYO JAW LEH...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2003.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD