SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Siminaar Ku Saabsan Hormarinta Xoolaha oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay Nairobi.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Nairobi,Kenya.

ridwanhaji@yahoo.com

22/11/2003 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Siminaar ku saabsan caafimaadka xoolaha iyo hurumarinta xoolo dhaqatada ayaa 19kii bishan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Niarobi waxaana kasoo qayb galay ergooyin soomaaliyeed oo gobalada dalka qaarkood ka soda.

Siminaarkan ayey ka qeybqaadanayaan 35 xubnood oo ka kala socda gobalada Puntland, Hiiraan, Bay, Bakool iyo Somaliland iyadoo haatan qaarkood ay dib ugu laabteen dalka soomaaliya kadib markii siminaarka loo xiray.

Siminaarkan oo ay qaban qaabisay hey’adda FAO ee Qaramada Midoobay ayaa xoogga lagu saarayaa daaweynta iyo horumarinta xoolaha iyo qaababka looga bixi karo xanibaadaha mararka qaar ku yimaada ganacsiga xoolaha Soomaalida.

Siminaarkan ayaa u leh muhiimad weyn dadka Soomaalida ee ka qeybgalaya maadaama uu ka hadlayo horumarinta xoolo dhaqatada iyo deegaanka iyaguna ay ka yimaadeen dad xoola dhaqata ah oo isku gobolo ay yihiin.

Siminaarkan oo loo qorsheeyay inuu socdo muddo labo maalmood ah ayaa waxaa casharo ka bixiyay aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka shaqeeya cilmiga beeraha iyo hurumarinta xoolaha iyo mas’uuliyiin sar sare oo katirsan heyadaha gurmadka u fidiya Soomaaliya.

Siminaarkan waxaa kaloo aad looga dooday sida loo horumarin karo xoolo dhaqatada Soomaaliyeed iyo deegaanka mudada shanta sano ah ilaa iyo lixda sano ee soo socota si loo dareemo hurmar ku yimaada xoola dhaqatada iyo deeganadooda.

Siminaarkan ayaa waxyaabaha kale ee lagu baranyo waxaa ka mid ah sida looga hortagi karo cudurada xoolaha ku dhaca iyo sida loo daaweyn karo xoolaha marka ay bukoodaan.

Ridwaan Xaaji C/weli

Nairobi,Kenya

ridwanhaji@yahoo.com

<><><>

<><><>

FAALO: MAXAA HOOS U DHIGAY RAJADII LAGA QABAY SHIRKA SOOMAALIDA?

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 MAXAA GAACA BIYO JAW LEH...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2003.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD