SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Golis Telecommunications (GTC)

Hogaamiyaha Isgaarsiinta iyo Bud dhigaha GSM-ka Pl

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Shirkadda GTC oo ku caanbaxday soo bandhigidda isgaarsiinta casriga ah ayaa maanta waxay macaamiisheeda ugu bishaaraynaysaa technoolijiyadii u dambaysay ee addeegga Landline-ka;

Shirkadda GTC (Golis Telecommunication Company) waxay macaamiisheeda la socodsiinaysaa inay balaarisay awoodda iyo baaxaddda qalabkeeda landline-ka, isla markaana ay ku soo kordhisay adeegyo badan oo ay ku qanci doonaan macaamiishu:

Haddii aad leedahay layn telefoon oo GTC ah waxaa kuu suurta gelaya inaad isticmaasho adeegyadan casriga ah ee hoos ku xusan:

1. Call Waiting: oo uu kuu suurta gelinaya adiga oo ku hadlaya telefoonkaaga inaad ogaato in cid kale khadka ku jirto oo ku soo wacayso.

2. Call Forwarding: oo kuu suurta gelinaya inaad laykaaga ku xawilato oo uu kuugu soo dhaco hadba meeshii aad joogto.

3. Caller Id: waa telefonkaaga oo aad shaashadiisa ka daawato ciddii ku soo wacday, adiga oo ka qabanaya ciddii aad danaynayso, isla markaana kaga badbaadi doona ciddii anshax xumo u dan leh, ogow oo waad ka kaaftoomi doontaa inaad shirkadda waydiiso Yaa I soo wacay, ama ii sheeg call-kii u danbeeyey ee I soo wacay!!!.

4. Missed Call: waxaa uu telefoonkaagu awood u yeelanayaa inuu kuu kaydiyo lambaradii ku soo wacay ee telefoonka laga qaban waayay.

5. Received Call: sidoo kale waxaa telefoonkagu awood u leeyahay inuu kuu kaydiyo telefoonadii u dambeeyey ee ku soo wacay.

6. Call trace: la soco inaad telefoonkaaga waydiin karto lambarka khadka kuugu jira iyada oo uu socdo hadalku, waa haddii uu telefoonkaasi kugu sameynayo cay(abuse) iwm; waxaana adeegaani anfacayaa ciddii haysata qolof aan lahayn caller Id, oo aan arkayn lambarka soo wacaya.

7. Call Conference: waa inaad telefoonkaaga ku wada hadashaan habka saddex geesoodka (three party calling).

8. Call Back: haddii telefoonka aad wacday uu mashquul yahay fadlan isticmaal adeegaan, wuxuu kuu saamaxayaa in telefoonkaagu soo dhaco markii uu mashquulnimada ka baxo telefoonkii aad wacday.

9. Absent: waxaa adeegani kuu suurta gelinayaa in markii aad ka maqan tahay goobtaada ama aad safar u baxayso aad ku dhaafto telefoonkaaga fariinta ah : waa maqan yahay (he is absent)

10. Do not disturb: service-kaan wuxuu ku anfacayaa markii aad doonayso inaan telefoonkaaga la soo wicin, hurdo, mashquulnimo iwm, waxaana telefoonkaagu ciddii soo wacda siinayaa fariin ah : (fadlan ha dhibin)

11. Time : waxaad telefoonkaaga ka ogaan kartaa hadba saacadda la joogo , isaga oo isticmaalaya habka 24-ka saac u habaysan.

12. wake up (Alarm): waxaad telefoonkaaga aad ku buuxsan kartaa waqtigii aad balan gaar ah leedahay, ama aad doonayso inuu hurdada kaa kiciyo, isaga oo kuu yeerin doona cod xusuus leh.

13. Hunt Group: haddii ay xafiiska kuugu jiraan dhowr telefoon waxaa laguu samayn karaa inaysan weligood mashquulin, taasoo ah in haddii telefoonka la soo wacay lagu hadlayo uu kuu dhaco telefoonka ag yaalaa.

14. Password creation/modification: waxaad jaanis u haysataa inaad laynkaaga u samaysato password(lambar qarsoon), si aan lagaaga isticmaalin, isla markaana markii aad rabto aad bedelan karto.

15. Call Pick up: waa adeeg loogu tala galay mudanayaasha iyo marwooyinka lagala xishooday inay kackacaan oo hadba telefoon qabtaan: waxaana kuu suurta geli kara in adiga oo goobtaada fadhiya telefoonka ku ag yaal aad qabato isaga oo aan dhacayn, waa marka la soo waco telefoon group-kiisa ah oo meel ka durugsan yaal.

Adeegyadas iyo kuwo kale oo aad u fara badanba waxaad ka bogan doontaa markii aad nasiib u yeelato laynka telefoonka ee GTC, ogowna in layn gelintii si rasmi ah ubilaabatay oo ay hadda socoto.

Adeegyadaas oo qaybtood ciddii dalbata laga qaadi doono khidmad aad u yar, waxaa haddana ay shirkaddu idiin bishaaraynaysaa inay bisha hore isticmaalka adeegyadaasi noqon doonaan free(lacag la’aan).

Ogow adeegyada qaarkood inaad isticmaasho waxay u baahan yihiin inaad gadato qolof telefoon oo leh Caller Id.

Wixii faahfaahin dheeraad ah: Fadlan la xiriir qaybta adeegga macaamiisha ee GTC, Tel:101

GTC Hogaamiyaha Isgaarsiinta iyo Bud dhigaha GSM-ka PL.

Warbixintan oo qayb ka ah horumarka ay gaareen degaamada PL, waxaa isku soo dubaridey:
A/risak Omar Ismail (Sheekhaduun)
Email: sheekhaduun@hotmail.com
Mopil: +252-525-6224
Work: +252-52-34299
Home: Netco, +252 52-37067
Golis, +252-5-825865
 

MAXAA GAACA BIYO JAW LEH...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2003.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD