SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

DALLADA JAAMACADAHA AHLIGA AH EE SOOMAALIYEED (DAJAS) OO MAANTA LOOGA DHAWAAQAY MUQDISHO

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Xaflad ka dhacay maanta (20.11.2003) qolka shirarka jaamacadda xamar ayaa waxaa looga dhawaaqay dallad ey ku bahoobeen afar jaamacadood oo kamid ah jaamacadaha ahliga ah ee soomaaliya gaar ahaan kuwa kuyaalla magaalada muqdisho dalladaan oo loogu magac daray DALLADA JAAMACADAHA AHLIGA AH EE SOOMAALIYEED oo marka magaceeda lasoo gaabiyana la yiraahdo DAJAS ayaa jaamacadaha ku bahoobay ey kala yihiin jaamacadda XAMAR jaamacadda BADWEYNTA HINDIYA jaamacadda DAARUL CULUUM iyo jaamacadda ISLAAMIYA jaamacadahaan ayaa ah kuwo la aasaasay dagaaladii sokeeye kadib.

Xafladaan oo ey kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka kala socday labada gole ee DKG ah ayaa waxaa ka hadlay ninka loo doortay in uu madax ka noqdo dalladdaan cusub oo ah madaxa jaamacadda xamar Br:faarax qare oo ku nuuxsaday muhimadda ey leeyihiin jaamacada ahliga ah iyo guud ahaan goobaha wax barashada asagoo sheegay in jaamacadaha ahliga ah ey gaareen guulo waa weyn kuwaasoo ah in ey bixiyeen shahaadooyinka

BHD da taasoo ah marxalad aad u sareysa asagoo sheegay in jaamacadaha ey isku dayayaan in ey ardayga soomaaliyeed u suura galiyaan in uu wadankiisa ku kaaftoomo sidoo kalana waxa uu sheegay in midowga jaamacadahaan uusan aheyn tartan sida kan siyaasadda oo kala ah oo uu yahay isu geynta dadaalada gaar gaarka ah si wax loogu qabto dadka soomaaliyeed ee u baahan waxbarashada jaamacadeed.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha gudiga garsoorka ee golaha shacabka mudane: cali xaaji yuusuf oo u mahad celiyay jaamacadahaan iyo wax qabadkooda iyo waliba isu imaadkooda kana codsaday in ey ka qeyb qaataan horumarinta dadka iyo dalka soomaaliyeed

Waxaa xusid mudan in dalladaan ey ka maqan yihiin qaar ka mid ah jaamacadaha magaalada muqdisho sida jaamacadda MUQDISHO iyo jaamacadda BANAADIR in kastoo uu Br:QARE mar la weydiiyay sheegay in ey rajeynayaa in ey isku biiraan ee eysan aheyn in ey kusoo biirayaan.

Abuukar yaasiin xaaji.
MUQDISHO
SOOMAALIYA
abuukarsom@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD