Sheeko la yaab leh ayaa ka dhacday waa hore iskool hoose oo
ay dhigtaan ardayda yaryar. Magaca macallimada waxaa la oran jirey Mrs.
Thompson. Iyadoo hor taagan fasalka 5-aad ee ay macallimada u ahayd maalintii u
horeysay ee sanad dugsiyeedka ayay carruurtii intay dhamaan isha la raacday ku
tidhi ogaada inaan dhamaantiin idin jeclahay. Laakiin jacaylka ay macallimadu
sheegayso muusan dareemin wiil yar oo xaga ugu horeysa fadhiya oo magaciisa la
yiraahdo Teddy Stoddard.
Mrs. Thompson waxay macallimad u ahayd Teddy sandkii kan ka
horeeyey waxayn ogtahay inuusan carruurta kale si wanaagsan ula cayaarin. Teddy
dharkiisu wasakh badan buu lahaa wuuna jeexjeexnaa, soomana qubeysan jirin.
Teddy wuxuu ahaa wiil yar oon dadka aan farax gelin. Mrs. Thompson waxay ku
raaxaysan jirtay inay qallin cas waraaqihiisa dusha kaga qorto iskutalaab iyo “
F” weyn oo u dhiganta EBER “0” baad keentay, Damiin baad tahay.
Iskoolka ay Macallimadani ka dhigi jirtay ayaa waxaa
sharcigiisa ka mid ahaa in macallinku uu faylka ardayga dib u raaco ilaa markii
uu iskoolka bilaabay. Macallimadu faylkii Teddy nacayb awgii waxay ka dhigtay
kan ugu danbeeya ee ay eegi doonto. Laakiin markii ay eegtay faylkiisii amakaag
iyo af kala qaad baa ka soo haray.
Macallinkii Teddy u dhigayey fasalkii koowaad ayaa wuxuu ku
qoray faylkiisa: “ Waa wiil aad u akhlaaq wacan dadkana farax geliya shaqadiisa
gurigana si wanaagsan buu u soo sameeyaa una soo celiyaa”
Macallinkiisii fasalka labaadna wuxuu ku qoray: “ Teddy waa
arday aad u wacan, saaxiibadiisna ay jecel yihiin, laakiin murugo ayaa la soo
deristay maadaama ay hooyadii tacbaan tahay nolosha guriguna aysan fiicnayn”
Macallinkii fasalkiisa saddexaadna wuxuu qoray: “ dhimashada hooyadii waxay ku
reebtay murugo weyn. Inkastoo uu isku dayayo inuu waxbarto haddana aabihii ma
daneeyo oo waxba uma qabto, haddii aan wax laga qaban nolosha ilmahan yar si
dhaqso ah mustaqbalkiisa mugdi ayaa ku jira”.
Macallinkiisii fasalka afraadna wuxuu qoray: “ Teddy dan iyo
heelo kama galo waxbarashada, saaxiibo badan ma leh, fasalka gudihiisa ayuu ku
seexdaa”
Markii ay Mrs. Thompson u soo baxday xaqiiqdii aad ayay isula
yaabtay isuna dhibsatay cadaadiska ay wiilkaa ku hayn jirtay. Waxaaba intaa uga
sii darnaatay markii ay aragtay hadiyadihii quruxda badnaa ee sida wanaagsan
loo soo duubay ee ay carruurta oo dhan u keeneen marka laga reebo Teddy. Teddy
wuxuu u keenay macallimadiisii jijin yar oo qalqaloocda oo ilkaheedu qaar ka
maqan yihiin iyo dhalo barfuun ku jiro oo nus ah uuna kusoo duubay baakad yar
oo fool xun. Carruurta kalena baco dhaldhalaalaya oo quxur badan ayay
hadiyadahooda ku soo duubeen taasoo ku keliftay in Mrs. Thompson ay aad u
dhibsato markii ay alaabtii Teddy keenay ku dhexfurasay carruurta dhexdeeda.
Markii ay furtay baa carruurtii qosol naftu ka baxday markii ay arkeen waxa
laga soo saaray baakada foosha xun. Waxaase carruurtii uu qosolku ku qaboobay
markii ay Mrs. Thompson tidhi maxaa ka qurux badan Jijintan! Barfuunkiina ay
isku buufisay!
Markii arrintaasi dhacday Teddy Stoddard wuxuu ku hadhay
iskoolka wuxuuna ilaa maanta sugayey macallimadii wuxuuna ku yidhi, “ Mrs.
Thompson, Maanta sidii hooyaday markay barfuunka isku shubto u soo carfi jirtay
baad u soo carfasaa”
Markii uu ka tegey bay Mrs. Thompson oohin afka furatay. Isla
maalintaa waxay go’aan ku gaadhay inay dib danbe u dhigin xisaabta iyo
farbarashada(Reading/Writing), waxayna go’aansatay inay carruurta dhab ahaan
wax u barto oo xaalkooda hoose ogaato.
Mrs. Thompson si khaas ah ayay u daryeeli jirtay Teddy marba
marka ka danbeeya ayuu qalbigiisii dhintay iyo fahamkiisii soo noqonayey.
Markii ay amaantaba waxbarashadiisa iyo xifdigiisu wuu labanlaabmayey ilaa
Teddy ka noqday wiilka ugu wanaagsan uguna xariifsan fasalkeedii. Inkastoy
markii iskoolku bilaabmayey ay been ahayd inay ardaydoo dhan wada jeceshahay
laakiin markan si dhab ah bay u jeclaatay Teddy.
Sanad ka dib warqad bay ka heshay Teddy. Warqada waxaa ku
qornaa in ay tahay macallimadii ugu wanaagsanayd inta macallin weligii wax u
dhigtay noloshiisa. Lix sano ayaa ka soo wareegtay markii ay heshay warqadii
labaad. Wuxuuna u sheegay inuu dhameeyey Dugsigii sare, kaalinta Saddexaadna uu
galay ayna tahay macallimadii ugu wanaagsanayd inta macallin weligii wax u
dhigtay noloshiisa.
Afar sano kadib waxay ka heshay warqad kale, waxaana ku
qornaa inuu goor dhow ka qalin jebin doono jaamacada oo uu galay kaalinta ugu
sareysa inkastoo buu yidhi mararka qaarkood noloshu ku adkeyd oo dhibaatooyin
la soo derseen haddana kamaan tegin waxbarashadii. Wuxuuna mar kale yidhi inay
tahay macallimadii ugu wanaagsanayd inta macallin weligii wax u dhigtay
noloshiisa.
Afar sanoo kale ka dib haddana warqad kalaa timid. Warqadu
waxay leedahay inuu helay digriiga Bajolaarta laakiin uu doonayo inuu sii wado
waxbarashadiisa. Wuxuuna mar kale yidhi inay tahay macallimadii ugu
wanaagsanayd inta macallin weligii wax u dhigtay noloshiisa. Magaciisii magac
kaloo dheeraad ah baa ku kordhay oo shahaado kaluu qaatay, waxaana warqada ku
saxiixnaa magaca Theodore F. Stoddard, MD.
Waraaquhu ma joogsadaan, haddana waa mid kaloo socota. Waxaa
ku qoran inuu gabadh ay wada socdeen ka helay oo uu doonayo inuu guursado.
Waxaa kaloo ku qoran in aabihii uu laba sano ka hor geeriyooday uuna hadda
RAJAY yahay. Maadaama uusan lahayn qoys u dhisa gabadha, wuxuu ka codsaday in
Mrs. Thompson ay agtiisa fariisato xilliga aroosku dhacayo oo ay booskii
hooyadii metesho.
Mrs. Thompson oo aad ugu faraxsan ayaa arooskii timid waxayna
horay u soo gashatay jijintii xumayd ee uu hadiyada ugu keenay, waxayna isku
soo buufisay barfuunkii uu siiyey ee hooyadiisii dhimatay lahayd. Barfuunkan
xusuustiisa ayaa ku dheer waayo hooyadii waxay isku buufisay markii ay ifka ka
tegesay!. Markaa caraftiisa ayaa ku dheer oo uu xasuusan yahay.
Farxad aad u weyn bay labadoodiiba arooskii ku damaashaadeen.
Dr. Stoddard ayaa Mrs. Thompson hoos ugu yidhi; “ aad baan
kaaga mahad celinayaa Mrs. Thompson-ey sida aad iila dadaashay, ii dhiiri
gelisay iina tustay inaan noqon karo qof mustaqbal sameysan kara”
Mrs. Thompson ayaa ilmeysay iyadoo leh Teddy-yow anigu waxba
kuma tarine adigaa wax istaray. Adigaan kaa faaiideystay oo itusay inaan
hagaajin karo mustaqbalka ubadka yar-yar. Adiga hortaa maan aqoon sida dadka
wax loo baro, adigaa ibaray Teddyow!
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
QORAALADII HORE EE EELAY
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan