Horudhac:
Waxaa beryahaan dame aad hoos ugu dhacaayey
qiimaha dollarka mareykanka, gaar ahaan kolkii loo eego lacagaha wadamada
midowga yurub. Haddaba waxaan maqaalkan si gaaban uga faaloon doonaa: Maxaa
sababay hoos u dhacaas ku yimid Dollarka? Yeyse dan u tahay inuu qiimaha
dollarku hoos u dhaco?. Waxaan tusaale ahaan u isticmaali doonaa lacagta
karoonka ah ee laga isticmaalo wadanka Sweden. Lacagtaas oo ka mid ah lacagaha
aad xooga u yeeshay kolkii loo eego dollarka.
Waxyaalaha keeney hoos u dhaca dollarka.
Guud ahaan lacagaha aduunka waxaa ku dhaca
isbedelo( fluctuations), isbedeladaas oo ay sababaan arimo kala duwan. Haddaba
dollarku waxaa uu ka mid yahay lacagaha aduunka ugu qiimaha badan. Muddo aad u
dheerna waxaa uu ahaa mid aan la loodin karin, oo dhinac u tuura lacag kasta oo
isku dayda iney tartan la gasho. Inuu dollarku quwad badan yeesho, waxaa
sababay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen: Dhaqaalaha mareykanka oo guud ahaan
aad u wanaagsanaa mudo aad u dheer. Dhaqaalaha oo wanaagsanaa waxaa loola
jeedaa arimaha ay ka mid yihiin: shaqo laàanta oo aad u yareyd. Taas oo keentey
in dad badani cashuur bixiyaan, cashuurtaas oo loo isticmaalo kobcinta ilaha
kale ee dhaqaalaha. Waxaa kaloo isna aad u yaraa sicirbararka. Arintaas oo
dhalisay in qiimaha dollarku ahaado mid joogto ah oo aan si dhaqsi ah isu
bedbedelin. Waxaa kale oo kaalmeyn jirey qiimaha dollarka, iyadoo mareykanku u
iibgeyn jirey waxyaalo badan dunida kale, taasoo ka badnaan jirtey waxyaalaha
uu mareykanku ka soo iibsado dunida kale. Waxaa kaloo jirtey in dakhliga
dowladda soo gala iyo kharashka ka baxaa ay isu dheeli tiraayeen mudadaas aan
kor ku soo sheegnay.
Arrimahaas aan kor ku soo sheegnay waxaa ay
sababeen in dollarka mareykanku uu kasbado kalsooni dheeraad ah oo ay ku qabeen
maalgeliyayaasha iyo dadka raba iney lacag keydsadaanba. Kalsoonidaas xoogani
waxaa ay keentay in hanti (kapital) badani siyaabo kala duwan u soo gasho
wadanka mareykanka. Tusaale ahaan, dad badan ayaa lacag gashaday suuqa
saamiyada ( shares) ee mareykanka. Kuwo kalena waxaa isticmaaleen noocyo kale
oo maalgelineed. Hantidaas badan ee wadanka soo gashay waxaa ay aad u xoojisey
qiimihii uu lahaa dollarku.
Haddaba, maanta waxaad moodaa in wakhrigaas
barwaaqada ah ee uu dollarku ku jirey mudada dheer inuu gabaabsi yahay.
Dollarkiina uu aad hoos ugu dhacay kolkii loo eego lacagta euro-da iyo lacago
kale oo badanba. Tusaale hadaan u soo qaadano lacagta karoonka ee laga
isticmaalo wadanka Sweden. Qiimaha halkii dollar wuxuu ahaa; 11 karoon
sannadkii 2001-da. Maantana ( 17-11-2003), wuxuu qiimaha halkii dollar ahaa;
7:58 karoon.
Halkaas waxaad ka aragtaa in muddo gaaban uu
qiimaha dollarku aad hoos ugu dhacay. Waxyaalaha hoos u dhacaas dhaliyey waxaa
ka mid ah:
1. Waxyaalaha mareykanku ka soo iibsado dibada
iyo waxyaalaha uu u iibgeeyo dunida oo aan isu dheeli tirnayn. Taas oo
macnaheedu yahay in mareykanku wax badan dunida kale ka soo iibsado, balse ay
yar yihiiin waxyaalha uu isagu iibgeeyo. Arintaas xal ayaa loo heli lahaa hadii
hantida mareykanka dibadda ka soo gashaa ay badnaan lahayd. Taasina maanta uma
badna sidii hore, balse waxaadba moodaa in kalsoonidii ay maalgeliyayaashu ku
qabeen dolllarka ay sii yaraaneyso.
Qodobka labaad ee isna ka qayb qaatey in
qiimaha dollarku hoos u dhaco waxaa weeyaan, iyadoo aaney isu miisaaneyn
dakhliga dowladda iyo kharashka ay gasho.Waxaana aad u badan kharashka ay
dowladdu gasho. Taasina waxaa ay keentay in dowladdu ku jirto waxa dhaqaale
yahanadu ugu yeeraan( budget deficit). Kharashka dowladi gasho oo ka badnaada
dakhligeeda ma aha wax guud ahaan u fiican dhaqaalaha. Waa ay jirtaa mar mar
loo dulqaadan karo arintaas, balse waxaa shuruud lagama maarmaan ah in
xaaladaasi aaney noqon mid joogto ah.
Hoos u dhaca dollarku waxaa uu aad ugu fiican
yahay dadka dalxiiska u aada wadanka mareykanka. Maxaa yeelay, tusaale ahaan
dadka iswiidishka ah ee raba iney mareykanka aadaan waxaa ay halkii dollar
maanta ku iibsanayaan 7:58 karoon halkii 2001-dii kaga iibsan jireen 11 karoon.
Dhamaan lacagaha kale ee qiimaha yeeshayna waa sidaas oo kale. Hoos u dhaca
dollarku waxaa uu dhibaato ku yahay dhamaan shirkada alaabtooda u iibgeeya
suuqyada mareykanka isla markaasna wax looga iibsado lacagta dollarka.
Eeg:
Sarifka Lacagaha Adduunka
Mahadsanidin.
C/risaaq Maxamed xuseen
University of Gavle-Sweden,
habdirisak@hotmail.com
QORAALADII DHAQAALAHA EE C/RISAAQ MAXAMED
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2003.
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com