SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
WARSAXAAFADEEDKA AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE W/AMERICA

abdibarre ahmed  jabriil62@hotmail.com

Waxaana cad in aan soomaaliya lalarabin in ay yeelato dawlad....

"MAXAYSATADA GALGADUUD oo raadinaysa dhulbalaarsi iyo is adoonsi aan soomaaliya abidkeed soomarin ..... waxaana gacan ku siinaya dawladaha ay ka mid yihiin:MASAR,LIIBIYA, YAMAN, DJABUTI, SUDAAN iyo gabi ahaan DALALKA CARABTA"

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Samaaliya waxaay dawlad laan tahay mudo ku siman sadex iyo toban sanno waxaana laqabtay
dhowr iyo toban shir oo aan midna laga gaarin wax natiijo ah waxaana laga dharagsan yahay in shir uu ka socdo wadanka kenya oo ilaa hada wax lataaban karo aan laga gaarin wxaan ka hayn ijiid aan ku jiide,waxaana wax lala yaabo ah in shiirkasta markii laqabto oo la rabey in wax ka soo baxaan laga asaaso kooxo hoor leh oo isku tilmaama in ay soomaali matalayaan islamarkaasna diida wixii halkaas ka soo baxa isla markaasna abaabula dagaal cusub waxaa kale oo dhacada in kuwa wax diida in lagu harqiiyo HUB iyo LACAG ay ku dagaalamaan,waxaana la ogaadey in soomaaliya loo arko dad cawaan ah oo lugu talgalay in laga dhigtay sidii masladiley oo bisad lagu xuxiinayo.

Waxaana cad in aan soomaaliya lalarabin in ay yeelato dawlad waxaana taas markhaati u ah:
Shirkasta go'aankii ka soobaxa waxaa si toos ah iyo sidadban u hor si taaga dawlado shisheye oo aan soomaaliya ka danqanayn islamarkaasna dano gaar ah ka leh waxayna si toos ah dabada uga rixaan kuwa soomaalida sheeganaya oo waxay diidan yihiin iyo waxay rabaan lagaran karin siyaasadiina ku jaaha wareeray oo dawlado shiisheeye dhufeys ka dhiigtay una qaba in ay wax ka dhigayaan,kuna hadaaqa shiirka looma dhama.

#-OC-27-003 waxaa la go'aamiyey oo la saxiixay xabad joojin iyo cidii shiirkaan is hortaagta laqa qaadi doono talaabo caalami ah,sida in laga xayiridoono,safarada dibada,in laga xanibayo lacagaha ay dhigteen dibadaha loona aqoonsan doono danbiilayaal dagaal.Waxay qadeen dagaalo isdaba joog ah waxana loogu badaley oo logu abaal gudey in ay dhofaan lana bunbuniyo shiirkana loo xayiro,dhaqale iyo HUBNA lagu daldalo,maxaa yeelay waxay layeen oo ay gumadeen dad aan waxba galabsan,dhulkoodina laga barakiciyey sida dagaalada lagu hayo SH/hoose,Jubooyinka ilaa hadana lagu wada xasuuqa iyo barakiciinta oo kuwa dhibkaas geysanaya lagu taakulaynayo dhiiga ay daadinayaan waxaana dagaaladaas hogaaminaya waa saxiixayaashii shiirka kenya waxayna abaal u heleen in la siiyo VISOYIN calami ah ilayn dad baylayeene,

waxay kale oo ay dagaal ku qadeen tulooyin ka tiirsa gobolka galgaduud si ay uga barakiciyaan dadkii deegaankaas daganaa,dhibkaas laga wado gobolada aan kur ku soo sheegay waa MAXAYSATADA GALGADUUD oo raadinaysa dhulbalaarsi iyo is adoonsi aan soomaaliya abidkeed soomarin waana kuwo caado ka dhigtay kuna naaxay dhiga dadka danyarta ah kuna naaxey xoolo booli ah waxaana gacan ku siinaya dawladaha ay ka mid yihiin:MASAR,LIIBIYA, YAMAN, DJABUTI, SUDAAN iyo gabi ahaan DALALKA CARABTA oo la saftay kooxo xaaran ku naax ah,waxaana wax lalayaabo ah intaas oo wadan oo soomaaliya dhibka kawada in laga indhaqarsado oo ahad iyo jeer laxagxagto wadanka ITOOBIYA maxaa kuwa dhiibkaas wada oo xaaran ku naaxa dabada ka riixaya loo arkiwaayey? ITOOBIYA farta loogu fiiqa miise waa mahmaahdii ahayd maroodigu takarta saaran ma arkee wuxuu arkaa maroodiga kale takarta saaran.

Waxaan aad u soo dhaweynayaa uruurka dhaqdhaqaaqa K/soomaaliya oo ka hoortagey maxaysadada isbahaysiga galgaduud sida ay gashaanka ugu darureen burcada dhuulboobka ah waana in ay gacansiiyaan dhamaan shacabka ku nool gobolada lagu habsaday naf iyo maalna u uraan sidii ay isaga kiciin laheen isbahaysiga ka soo duley galgaduud oo dhulboobka ah waana in gacan la siyaa uruurka dhaqdhaqaaqa K/soomaliya waana halgan cusub oo la isaga xoraynayo maxaysadada is bahaysiga G/duud


abdibarre ahmed  jabriil62@hotmail.com

Qoraalkii hore ee Abdibarre

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2003.

» C/waaxid Waa Bishii Sheydaanku Xiraan Jirey [Baydan]
 

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD