SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORAALKA SHEYDAAN XIJAABKA AH EE BAYDAN!

A.Dirir ..
burashadley@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Qoraalka xiisadda badab ee walaasheen Baydan waa mid markhaati u ah in Gobolka Mudug ee wax kastoo xun dhakada laga saaro ay taariikh u leeyihiin in ayan khaladka ku midoobin laakin ay isqaban jireen sida ay sheegeeyso taariikhihi horoo tegay ilaa tan maanta aanu joogno. Markaan dib u jaleecno taariikhdii tagtay iyo tan xaadirka ahba, waxaa noo soo baxaya arrimaha soo socda :-

A. Barisamaadkii (Isticmaarkii gumeysiga ka hor)

1.Allaha u naxariistee oday awoowe u ah C/waxid , neenaastiisuna ay aheyd (YEEY) oo ku caan ahaa geesinimo iyo sadbursi u raadinta marba qofta u xigaalka ah mar kasta oo ay dad kale ay isqabtaan.

Waxaana dhacday gar looga hadlayey nin si kam'a ah looga dilay qoyska hoose ee Yeey ee ilmo libaah san ka taabte ayaa waxaa meeshaas joob ka ahaa Islaanka Cumar maxamud iyo labada dhinac ee is-hayey oo ay ku jireen Yeey iyo Axmed Saagin oo isguna awoowe ugu aadan nin aan barbar dhigi karin A/waxid kana tirsan Wasiirada PL , horayna u ahaa sarkaal sare ee UNka ka tirsan (Axmed Moxamud Cigaal Caymo).

Yeey oo wakhtigiisii joogay kana dhashay reerka laan dheeraha ah ee Faarah Shirwac ee Sayidkiiba iyaga oo keliya uu labo hablood ka guursaday, gabayadiisiina dhowr goor uu ku soo qaatay ( Xayoow Faaraxow xadal.... iyo Salag lagu rid reer Samatar Khalaf ..........) ayaa wuxuu dalbaday in la siiyo mag labo jibaar ah oo dhan 200 oo halaad iyo la qisaaso ninkii wax dilay.Codsigaasna , waxaa ishortaagay Axmed Saagin oo la faqay Islaanka kuna yiri, 'Islaankoow, maanta xaqa u hiili hana ka yeelin ilmo adeeradaa dalabkooda caqliga aan gelin'.

2.Qisadii meel walba gaartay ee dhex martay reer libaax san ka taabtaha C/waxid iyo ninkii gabayaa ahaa ee Ayax dhowri ee aakhirkii siduu rabay loo yeelay ee la oran karo waxay aheyd taariikhda Somalida oo dhan ninklii ugu horeeyey ee u dirira xuquuqdiisa mar ay Somalida kale xataa lahaanshaha gaar ahaaneed aan loo ogoleyn beesha Madhibaan.

B. Wakhtigaan xaadirka ah

Pl waa meesha keli ah ee qisaas ku fulisay askari ka tirsan ciidamadeeda Daraawiishta ah oo dilay nin ka tirsanaa beesha Jareer, arrintaas oo 13kii sano aanan ka dhicin meel kale lana fileynin in ay ka dhacdo mustaqbalka haddaanan dawlad la helin.

Maanta anagoo ka kornay dulmiga oo taas macnaheedu aheyn in aan ogolaaneyno in nala dulmiyo ayaa waxaan hubaa hadii uu soo daahiri lahaa mar kale Yeey loogana waramo dulmigii loo geystay laga soo bilaabo boobkii, kufsigii iyo xasuuqii ka dhacay gobolada dhexe labada jeer , tii Xamar iyo Koonfurta iyo dhulka xoogga lagu heysto ee Kismaayo ay jirto , waxaan labo Cali isweeydiin laheyn in uu muraala-dhilaac awgeed uu mar kale uu u dhiman lahaa isagoo weli aan loo sheegin dareen la'aanta dadkiisa qaarkiis sida Jaamac Cali oo hadda ku soo haray A/waxid oo aad moodid in uu iska iibinayo.

Yaabkaas dartiis, ayaan si gooni waxaan u weeyddiyey ninka balada halka ay uga timid? Waxxana la ii sheegay in aan looga horeyn markii uu Cismaan Jaamac Abshir (Yeey) uu damcay in uu isu sharaxo madaxweynanimada Pl oo dhalisay in A/waxidna uu ku xirmay Dukaanka ay leedahay marwada Jaamac Cali Jaamac oo ku camirmay mushaarooyinkii iyo xoolihii Pl laga xaday. Dukaankaasna waxaa ii sheegay "Waa iyaga iyo Allahoode" in ay iibiyayaal ka yihiin gabdho soo dhoweynta ku wanaagsan. Intii ka dabeeyseyna wuxuu isku dayey sidii nin u qiil bixin kara Jaama laga tegay in :- Markuu Jaamac dhaleeceeyey PL, uu isaguna u sii raaciyo cayda Ceegaag.

=========== uu raacay C/qasim in isaguna uu amaano.
=========== yiraahdo Sool iyo Sanaag S/land baa leh in aflagaadadiisii raaciyo.
=========== raacay Qanyare in Gud. Qanyare uu kor u qaado.
=========== la waayeyna isbarbar dhigo mooryaanta C/qasim iyo Daraawiishta PL.
=========== hoos tegay Muusana in uu isku dayey in uu la simo madaweynah Pl.

Waxay ahaan laheydna, waxaan ku soo gaabshay qormadeydan anigoo ku leh walaashen Beydan," Walaaleey, ninkan alle doorashay wakhti ha nooga dhumin ee tii aad noo heysay inoo sii wad iyadaa na deeqdaye".

 A.Dirir ..
burashadley@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE DIRIR

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2003.

» C/waaxid Waa Bishii Sheydaanku Xiraan Jirey [Baydan]
 

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD