SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
JAWAAB ISBAR BAR DHIGID MUUSE SUUDI YALAXOW IYO CABDULLAAHI YUSUF AXMED

ABDULAAHI 
alankey110@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Marka hore waxaad iga gudoontaan dhamaantiin salaanta islaamaka ee ah: Asalama caleykum warxmatulaahi wabarkaatuhu. 

salaan kadib ilaahay ayaa mahad leh nabadgellyo iyo naxariis nabi maxamed korkiisa ha ahaato.

Waxaan jecleystey walaala yaal inaan rayiga ka dhiibto labada nin ee aan oogu magac darey maqaalkeygaan oo ah MUUSE SUUDI IYO CABDULLAAHI YUSUF, run ahaantii ma ihi labadaas nin taageera yaashooda ama ma ihi nin lahayb ah midkood sidaasi daraad markaan arkey dhowr maqaal oo ay qoreen qorayaal ku qoro qoraalo webeka somalida ay rayigooda isku weydaar sadaan waloow raga qaar ay sheegteen inay taageersan yihiin mid ka labadaas nin.

Runtii labada nin waa laba nin oo kamid ah qab qablayaasha somalida kuwa ugu dhiigya cabasan oo uguna madaxa adag oo waxay wadagaan magaca qab qablanimada ka sokow madax adayg iyo macangagnimo aad usareyso sidaas oy tahay ayaa hadana mid walbaa miisaan leeyahay oo ay mudan tahay in la saaro miisaankiisa, hadaan ku hormaro c/laahi yuusf waxa uu ka gaarey darajada ciidan korneylnimo oo uu dhowr jeer koorsooyin ku soo qaatey dalka dibadiisa sida talyaaniga iyo ruushka waxaa la og yahay c/laahi inuu ka qaybqaatey dagaaladii ay dowladii melatarig ahayd laga shey dowladii itoobiya mingiste marka laga reebo c/laahi xukun jacaykiisa iyo madax adayga aan horey u soo sheegay waa nin siyaasi ah oo ruug cadaa ah waloow ay siyaasadiisa ku dhisan tahay kaligii talisnimo hadan waa nin han leh oo rabo inuu somaliya mar un xukumaa sidaasi daraad ayuu umaraa xukun jacaykiisa meel walba asagaa sida la og yahay xukun jacaykiisaas dad badan qurdha oo ga jarey oo waa nin lagu yaqaan kaligii talisnimo gaamurtey laakii shaqsiyadiisa qof ahaaneed ma xuma runtii ma jecli in qof la xaqiraa waayo somalida waxay ku maah maahdaa gaalka dil gartiisana sii c/laahi yuusuf qaladkiisa badanaa waxuu ubadan yahay xukun jacayl iyo alow yaa mar madax weyne noqdo waana han ay qabaan in badan oo kamid ah kuwa jecel xukunka walow c/laahi yahay nin qab qable ah oo dad badan laayey asagoo xukun difaacanaya lagana yaabo inuu hor istaagay ama uu bur buriyey hor u mar ka her gali lahaa Puntland hadana waxaad moodaa inuu ka maamul fican yahay kuwo sheegto inay xukumaan somali oo dhan sida kooxda carta, waxaa aad wax ooga qoro fikaradaha c/laahi ninka layiraahdo c/waaxid oo aad moodo asagu inuu ku taqasusey siyaasada c/laahi runtii waan xiiseeyaa qoraalada c/waaxid waayo waxuu asal ooga dhigaa hadaladiisa waxyaabo cad oo c/laahi ninkaan aqoon c/waaxid ayaa barey ayaa la dhihi karaa laakiin waxaan filayaa c/waaxid iyo asaxaabkaloo qoraayaal ahaba inaysan garanayn AL-XAAJI MUUSE SUUDI YALAXOW waayo waxaan arkey markay isoo bar bar dhigayaan inay hal beeg oo ga dhigaan muuse waxuu wataa somali badan iyo waa nin daacad ah iyo hadalo kale

Hadaan muuse suudi wax ka iraahdo runtii muuse waxaa la dhihi karaa ma ahan siyaasi ama maba aha qof aragti siyaasi leh waayo waxuu yahay runtii aalad gudbiso hadba rag siyaasiin ah fakirkooda iyo waliba siyaasadooda markaas meelaha ay ku aadan tahay oo waxuu lamid yahay muuse MAKIROOFAN AMA SAMEECAD uu qof siyaasi ku hadlo kuguna gudbisto aragtidiisa siyaasadeed waayo muuse waxaan ognahay markii hore inuu ahaa nin xoog sade ah oo geedaha hareeriga ah ee lagu dhisto cariishada ku iibiyo suuqa madiina markii danbana waxuu noqdey tagsiile markii ay bur burtey dowladii siyaad bare ee xukunka laga tuurey oo ay la soo deristey magaalada musqdisho xasiloonidaro iyo dhac kaga imaanayayey maleeshiyooyink hubaka qaatey ee ka abuurmey hogaan la aanta ku timdi xamar iyo nawaaxigeeda oo ahayd waliba sanadihii oogu danbeeyey ayay reer madiino go aan sadeen inay sameystaan ciidamo madani ah oo ladagaaladama burcada.

Hadaba muuse suudi oo ahaa markaas nin ka mid ahaa wadaadadii wadajir ayaa la isla ogolaaday inuu hurmuud ka noqdaa cidan madani ahaa oo ay samaysteen dadka ree amdiino kadibana sidaas ayay ku bilaabatey siyaasada muuse suudi oo halkaas ayuu kaga soo biirey dagaal ooga yaasha ka dib markuu daba marey waxii loo doortey oo u soo talaabo inuu degmada madiino kataliyo oo hor istaago caydiid oo markaas ahaa horor marba meel uboodo runtii muuse kuma xumey inuu kadifaaco beeshiisa mundulood dalbalaarsigii uu waday janaraal caydiid waxaan ognahay muuse inuu xukunkiisa ama hamigiisa xukun uusan dhaaf dhaafsiisneyn waagii hore madiino iyo mundulood oon waxbadan kamalney muuse markuu idacadaha lahadlaayo waxaan oganahay muuse suudi inuu yahay qab qable jaahil ah oo hadana madax adag oo hadana maangaab ah oo aan lahay haba yaraatee wax sumcad ah markii laga reebo kuwa kujecel sidaas oo dhowr jeer ku qorey meelo waa nin aan leex leexan arin taas.

Waa wax lagu qoslo runtii muuse ma ah nin yaqaan xun iyo san hadaan muuse hadaladiisa kayara taabto wax yar waxaa kamid ahaa hada kohor ayay idaacada BBC da waxay waydiisey muuse dagaal lasheegay in dad lagu laayey iyo madaafiic dad lala dhacay wariyahaas oo ahaa c/laahi xaaji, muuse suudi waxuu ku jawaabey c/laahi waa kaaqaldantahay waxa dadka lala dhacay ma ahayn madfac ee waxaas ahaay BII TEEN, muuse waxuusan aqoon badan ulahayn biiteenku inuu yahay mad fac kamida madaafiicada waliba lidka taangiga ah markii laga reebo qirashada iyo kufaanka uu ku faanayo mundoloodkii uu sheegay inuu difaacayo uu laayey hadana xaaji muuse waxuusan aqoon badan ulahay rasaasta uu rabo inuu ku soo koro masraxa siyaasada, markale muuse suudi waxaa kamida hadaladiisa xishoodka darnaa ee ku dhisnaa jaliga shaqsiyad xumida qaawan mar waysi uu siiyey BBda uu lahaa hadii dad lalaayey wax lagu naqaa qodeyda ayaan ka laayey oo uu kawaday dhangayga ayaan ka gumaadey malaha ragbaa ku yiri waxaa lagu noqdaa wax dadkoo lalaayaa.

waxaa kaloo muuse yiri mar lawaydiiyey muusow maxaad xal u aragataa micnaha xalka somaliya waxuu ku jawaabey muuse waxaan xal u arkaa in xoog lagu kala haro.

muuse mar ay waraysanaysey idacadda horn afrik mar laga waraysanayaayey dagaal ku dhax marey kooxda carta iyo asaga xamar waxuu yiri ilamhaan mundolood qof iska celin kartaa majirto asagoo kawaday mun dulood wax hor istaagi karaa majiraan muuse waxaa la dhihi karaa waa buun marba uu yeeryo qofkii jaanis u helaa nin layiraah tooxow oo aan qoraalkisa aqriyey inaan u jawaabana aan isaga daayey maadaama uu yiri waxaan kamid ahaya tagareeyaasha mr yalaxow ayaa hadaladiisa waxaa kamid ahaa mar uu muuse difaacayey waa nin aan wali qof muslim ah gaalo udhiibin waa nin aan lawdan karin tan uu leeyahay qof gaalo uma dhiibin waa nin umi ah oo gaalo siday isu fahmaan ayaaba dhib ah laakiin haduu heli lahaa somali oo dhanbuu udhiibi laah xabasho iyo yahuud waxaana u daliil ah siduu ulaayey oo oogu faanayey dhiigooda. aan su aal kuceliya qoraaga toxowe haduu sheegtey inuu laayay oo uu afkiisa ka sheegtey soo wax iska cad ma ahan inuu gaalo gacmaha ooga buuxin lahaa muslimiin badan ?? waxaana u daliil ah mar ay inta gacanta qabteen ay geeyeen ninman siyaasiin ah itoobiyo waxii oogu horeysey oo uu yiri waxay ahayd walaalahayna waaye dhabacan waad garan kartaa walaalnimada soo dhex martey muuseiyo tigrey, waxaa hadaladiisa ku salaysan jahliga gaamurey ka mid ahaa mar uu lahaa madaxweynanimada waxaa leh hawiye waayo sida lacadeeyey waligiis ma dhaafin meelaha ay degaan qabiil hosaadkiisa daa,uud sidaasi owgeed ayuu muuse waxuusan aqoon miisaanka somaliya iyo sida loo kala degan yahay waxaan kawar sugaynaa markii ay isku dhacaan ragaan ku bahoobey samatabixinta ee ayagu madaxtibimada muuse kale dana gaara koley asaga qolaa yeerindoontii waxii uu yiraahdo waayo waxaan ognahay isbahaysiga qab qablayaasha badanaa waa uu bur buraa markii waxii markaas taagnaa looga gudbo bilo waxaa yeerin jirey SRRC waxaan ognahay markii uu muuse tagay kenya inuu kuwareery waxa ka jiro meesha uu laqabsan waayey maba gaarin asaga fikirkisa waxa laga hadlaayo waxuu ogaadey inuu habayn yahay markaas ayaa muuse oo hadal hays u ahayd inuu yiraahdo waxaa lagu kala haraayaa xoog uu yiraahdo waxii shrkii kadanbeeyey waxaan wadaa walaalnimo taas oo dadka muuse yaqaan ku sheegeen wareer ooga yimid xaga siyaadaha isdaab guraayo ee somaliya gunaadan waxaan ku soo koobayaa muuse waa aalad layeeriyo ee ma ahan siyaasi c/laahina waa dhiig yacab xukun dar darey laakiin siyaasi ruug cadaa ah, wabilaahi towfiiq


ABDULAAHI 
alankey110@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
..

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD