Sidaynu wada ogsoonyahay dhalinyaradu waxa weeye laf dhabarka umadd kasta
waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, haboonna in si fiican looga faiidaysto,
Mujtamac walbana Mustaqbalkiisu waxuu ku xidhanyahay dhalinyaradiisa, ummadii
garata qiimaha dhalinyaradu leedahay si fiicanna u tarbiyadaysa dhalinyaradeeda
waxay gaadhayaan guulo badan dhinac walba , laakiin umaddii iska dayacda
dhalinyaradeeda waxa ku dhaca baaba’a iyo dabar go’a.
Inta badan waxaynu taariikhda ku maqalnaa umada badan oo xadaarado lahaa
laakiin xadaaradahoodii baaba’een , taana waxa u sabab ah dhalinyaradii
umadahaa ayaa garan waayay doorkoodii siina wadi kari waayay xadaaradahii iyo
horumarkii ay umadahoodu haysteen, tusaale ahaan: xadaaradihii Romanka, Greece,
Faraaciinta, China iyo India…etc.
Waayo wakhtiga qofku dhalinyarada yahay waxa weeye xiliguu uugu awooda
badanyahay wax walbana inuu huro ay u fududahay, waxaanu leeyay xamaasad iyo
firfircooni uu wax walba ku qaban karo,markaa hadii si fiican loo towjiihiyo
quwaddaa dhalinyarada ku jirta waxa la gaadhayaa guulo badan.
Diinteenuna qiima dheeraad ah ayay siisay dhalinyarada taana waxaynu ka
qaadanaynaa Quranka iyo Sunada Nebiga(nnkh), Ilaahay oo dhalinyaro Mu’miniin ah
amaanaya waxuu Aayad Quraana ku yidhi: "Waxay ahaayeen dhalinyaro rabbigood
rumeeyay waxaananu u siyaadinay hanuun" Alkahf. Nebiguna (nnkh) waxuu yidhi:
"Waxa laygu gargaaray dhalinyarada", waxa kaluu yidhi: "Waxa ii gargaaray
dhalinyarada markii Odayaahu I diideen".
Sidaynu la wada soconana asxaabtii Nebiga waxay u badnaayeen dhalinyaro,
doorkii dhalinyarada asxaabtu rag iyo dumarba ay ku lahaayeen fidinta Diinta
Islaamka waynu wada garanaynaa.
Hadaba waa maxay doorka la gudboon dhalinyaradeena ama xilka ka saaran
umadooda, maxaa yeelay horumar gaadhi mayno,dhibaatada ina haysatana kama bixi
karno ilaa dhalinyaradu gartaan doorkooda iyo waajibaadka saaran.
Waxaan qurmadan kusoo bandhigayaa siday aniga ila tahay dhawr arimood oo
hadii aynu ku dhaqaaqno, mustaqbalkeeni inuun rajo yeelandoono.
1) Inay noloshooda ka dhigaan mid istiraatiijiyad ku dhisan:-
Waxa inala gudboon inay nolosheena ka dhigno mid istiraatiijiyad ku dhisan
taana waxaan uula jeedaa inay noqoto nolol ujeedo leh, waayo qof aan garanayn
waxuu doonayo iyo waxuu u noolyahay noloshiisuna foodo ku dhisan tahay waxba
kama bedeli karo mujtamaca uu la noolyahay.
Waxyaabaha saldhiga u ah nolosha ujeedada leh waxa ka mida.
i) Cilmiga:-
Qofkii doonaaya inay noloshiisu noqoto mid ujeedo leh waa inuu cilmi yeesho,
cilmigaasoo mid Diineed iyo mid aduunyaba ah. waayo qof jaahil ahi noloshiisu
hadaf iyo ujeedo midna ma yeelan karto,taana waxaynu ka qaadanaynaa Quraanka
kariimka ah, ilaahay markuu damcay inuu Aadam ka dhigo khiliifkii arlada(dhulka)
waxa uu ku doortay waxay ahayd cilmiga uu baray cilmigaasoo aanay malaa’iiktu
aqoonin taasaana ehel uuga dhigtay Aadam inuu dhulka ka noqdo khaliifo. Ilaahay
Ayaad ayuu ku yidhi (swt): " Ilaahay wuxuu idinka abuuray dhulka waxaanu
idinka doonayaa inaa camirtaan":,macneheedu waxa weeye ilaahay wuxuu inaga
abuuray dhulka markaa wuxuu inaga doonayaa inaynu cammiro beerano, aqoon
la’aanna dhul lama camiri karo lamana beeri karo ,sidaa darteedbaa ilaahay
markuu ina leeyahay dhulka beera waa inaynu marka hore cilmigii beeraha baranaa
oo la helo engineerkii beeraha iyo dhakhtarkii beeraha ka kib markaas ayaa wax
la beeri karaa. Sida la ogyahayna qof cilmi leh iyo qof jaahil dhinaca iskaga
mid maaha. Markaa waa in lagu dadaalo Cilmiga, gaar ahaan dhalinyarada ilaahay
fursadaha u siiyay inay tagaan meelo laga heli karo cilmi, mid diineed iyo mid
maadi ahba.
ii)Wakhtiga:-
arinka kale ee muhiimka u ah nolosha u jeedada leh waxa weeye inuu qofku
wakhtigiisa ka fa’iidaysto, maxaa yeelay wakhtigu waa nicmooyin waawayn ee
ilaahay siiyay dadka loona baahanyahay inaan si macno daro ah layskaga lumin.
Rasuulkeenina(NNKH) waxuu yidhi:-"Laba nicmo dadka intiisa badan waa lagu dagaa
Firaaqaha(Wakhtiga) iyo Caafimaadka ". Gaaladuna waxay ku horumareen markay
garteen qiimaha wakhtigu leeyahay kana fa’iidaysteen. Wakhtigana waxa uugu
qiima badan inta dhalinyarada la yahay, markaa ha lagu dadaalo sidii wakhtiga
dhalinyaranimada looga fa’iidaysan lahaa.
Waxa mudan inaan halkan ku xuso sida dadkeena somaliyeed gaar ahaan
dhalinyaradii wakhtiga iskaga lumiyaan,dadkii wadankeenii joogay intoodii
badnayd waxuu wakhtigii kaga lumay qaad cunis iyo makhaaxi fadhi, intii
debedaha u soo baxdayna weli waxay ku jiraan badankoodi geedi cocod meel ay ku
dambayna uuma kala cadda, dadkeena badinkiisa waxaad arkaysaa inay dalal badan
isku marayaan, markay mid wax yar joogaanba uugasii gudbayaan dal kale. Dadkaas
waxa hubaal ah haday dalkii ay markii hore luga dhigteen iska degi lahaayeen
waxay noqon lahaayeen dad dalka ka mida oo xaq ku leh,wax wayna way ka qabsan
lahaayeen, halkay imika kolba dal kale qaxooti cusub ku yihiin.Taasina ceeb qof
keliya maaha ee waa wax aynu ka wada simannay. Inkastoy dadka qaarkii qasab ku
tahay inay meeshii hore ka tagaan oo meel ka fiican tagaan, iyagoo ka eega xaga
nolosha, hadana guur guurku waa mid inoo caado ah.Halkaana waxa ku dhabowday
odhaahdii ahayd "Somalidu waa Reer Guuraa". Hadii sidaa lagu sii socdana waxa
halkaa ku lumaaya cimriga intii uugu qiimaha badnayd ee aynu wax qabsan lahayn.
iii)Takhdiid(Planning):-
Mida kale ee muhiimka u ah in qofka noloshiisu ujeedo yeelato waxa weeye in
nolosha mid nidaamsan laga dhigo oo wax walba qorshe loo yeelo maxaayeelay
marka la doonayo in hawl la qabto hadii marka hore intaan la guda gelin hawsha
lasii dejiyo qorshihii lagu qaban lahaa hawshaas ka dib qabashadiisu way
sahlanaanaysaa tusaale ahaan hadii la doonayo in guri la dhiso ninka Engineerka
ahi marka hore waxuu sameeyaa wax la yidhaah planning qorshihii siduu u dhisi
lahaa guriga iyo waxuu u baahanyahayba qalab, markaa ka dib ayuu ku dhaqaaqaa
dhismaha guriga.
Markaa waxaan leeyahay hadii aynu doonayno inaynu mustaqbalkeena iyo
mustaqbalka mujtamaceenaba dhisno waa inaynu plan gareeynaa waxa uu u
baahanyahay iyo noociyadda mujtamaca aynu doonayno inaynu wax ka bedelo, uuna
kala horaysiinaa arimaha siday mudnaanta u kala leeyihiin, Somalidu waxay ku
maahmaahdaa (Oodo dhacmeed siday u kala sareeyaanbaa loo kala guraa). Waa in
dhibaatadu intay leegtahay la eego dabadeedna xalkii ku haboonaa loo
raadiyo,hadii ay tahay mid dhaqaale ama mid siyaasadeed ama mid bulsho ama mid
diimeedba. Waxa kaloo haboon in danta guud laga hor mariyo danta gaarka ah,
qodobkan waxaan uuga jeedaa waa in daraaso la sameeyo intaan hawsha la guda
gelin.
2)In Islaamka loo fahmo si Qoto dheer:-
Qodobka labaad waxa looga baahan yahay dhalinyarada maanta inay Islaamka si
sax ah u fahmaan, taana waxaan uuga jeedaa maaha in la garto in cibaadaadka
sida Salaada, Soonka, Zakada,Xajka iwm ay farad yihiin, kuwaas qof kastoo
muslim ahiba wuu garanayaa ee waxaan uula jeedaa in loo fahmo Islaamka inuu
yahay nidaam dhamays tiran oo wax walba koobaaya, wixii loo baahdana laga
helaayo haday noqoto dhaqaalaha ama Siyaasada ama Bulshada ama aqoonta ama
xidhiidhka ka dhexeeya muslimiinta dhexdooda iyo umadaha kaleba.Waa in islaamka
loo fahmo inuu la jaan qaadi karo wakhti walba iyo umad walba,taasina waa siday
u fahmeen dadkii inaga horeeyay ee salafka ahaa,waa fahamkii gaadhsiiyay
noloshooda heerkii uugu sareeyay mid Aduunyo iyo mid Aakhiraba.
Maaha in loo fahmo islaamka mid ku eeg Masaajidka iyo waxyaabaha shakhsiga
ah (Personal Affairs) oonu shaqo ku lahayn nolosha inteeda kale.
Waxa kaloo looga baahanyay dhalinyarada Somaliyeed inay fahmaan afkaaraha
kale ee dunida maanta ka jirta iyo waxuu islaamku kaga duwanyahay afkaarahaas
cusub. Waayo qofkaan diintiisa iyo dhaqankiisa waxba ka aqoonini wax uu ka
bedeli karaa umadiisa ma jirto,haduu is yidhaah Diin kale iyo dhaqan kale ku
horumarina uuma suuroobayso waayo sida xaqiiqadu tahay umadina kuma horumari
karto diin iyo dhaqan ayna lahayn oo debedaha looga soo waariyee.hadalkoo
kooban waa in islaamka loo fahmo siduu yahay een loo fahmin sida reer galbeedka
iyo war baahiyayaashodu ka sheegayaan ama sida dadka muslimka ah qaarkii ku
dhaqmaan.
3)In lagu dadaalo Takhasusyada Sarsare:-
Sidaynu kor ku soo xusnay Cilmigu waa waxyaabaha umaduhu ku horumaraan
la’aantiina aan meel lagaadhi Karin. Diinteenuna qiime wayn ayay siisay Cilmiga
iyo dadka aqoonta lehba,Ilaahay (swt)waxuu Aayad Quraana ku yidhi:-"Ilaahay
waxa si dhab ah uuga cabsada culimada", waa dadka aqoonta leh Aayad kalaa
waxay ahayd "Ma simanyihiin ka wax yaqaan iyo ka aan waxba aqoonini",
dabcan jawaabtu waa maya masinna iskumana dhowa. Nebiguna(NNKH) waxuu
yidhi:-"Cilmiga raadiya Xoolka laga bilaabo ilaa intaa Qabri ka gelaysaan",
waxa kaluu yidhi:-"Qofka Mu’minka ahi khayr uu maqlo kama dhergo ilaa uu ku
eekaado (galo)jannada", waxa kaluu yidhi:-"Xikmadu waa baadida Mu’minka meeshu
ka helana isagaa u xaq leh inuu qaato". Halkan kuma soo koobi karno Aayadaha
iyo Axaadiista ka hadlaysa fadliga cilmiga, markaa waxa loo baahanyahay waxa
weeye in dhalinyaradu ku dadaasho cilmiga nooc kastuu noqdaba, weliba cilmiga
casriga ah waa meel fiican laga gaadhaa si umada looga helo dad mutakhasisiin
ah oo kaga fillaada baahida wixii loo baahdo, hadii taa la waayana waxa
dhacaysa in umadoo dhami dambiile noqdaan ilaa laga helaayo cid baahidaa ka
saarta, taa waxaynu ka qaadanaynaa Fiqiga Islaamka , Sheekh al-Islaam Inu
Taymiya ilaahay ha u naxariistee ayaa yidhi : Umadda (Muslimka ) hadii ay u
baahato Irbad markaa laga waayo cid taqaana samaynta Irbada umadoo dhami waxay
noqonaysaa dambiilayaal ilaa laga helaayo dad yaqaana Irbada samaysteeda weliba
sameeya wax ku filaada umadda. Maanta umadeenu wax kasta oo ay u baahataba
waxay qasab ku noqotaa inay Gaalo u doonato.
Markaa Walaalayaal waxa loo baahanyay dad aqoon yahan ah weliba aqoon sare
leh maxaa yeelay dalkeenii maanta waxuu u baahanyahay dad wax u qabta weliba
dhinaca wax barashada faca soo kacaaya, hadaan imika wax loo qaban oon
jaamacado iyo iskuullo loo furina biritoole waxay noqonayaan dad aan aqoon
lahayn waxayna halis gelinaysaa mustaqbalka somaliyeed.
Gunaanad:
Ugu dambayntii waxaan ku baraarujinayaa dhalinyarada Somaliyeed inaan la
niyad jabin lagana quusan mustaqbalka, waayo waxa laga yaabaa in wareer iyo
niyad xumo ku dhacdo dhalinyaro badan markay dhibaatooyinka ka taagan dalkeenii
dib u eegaan, meel ay wax ka bilaabaana garan waayaan,laakiin waxaan leeyay
dhalinyarada maanta waa inaan laga quusan rajada Eebe qofkii dadaalaana ilaahay
wuu la qabanayo shaqaduu wado, waxa loo baahan yahay Himilo aad u saraysa iyo
camal joogta ah markaa ka dib ayaynu gaadhi karnaa horumarkaynu doonayno.
Waxa kaloon hadalkayga ku soo gunaanadayaa in lays gaashado waayo Somalidu
waxay tidhaahdaa:"Far keliyi Fool ma Dhaqdo" qof keliyi waxba ma qaban karo
awoodiisu in kastaba ha leekaatee Ilaahayna waxuu yidhi(swt):-"Isku kaashada
Samaha(Wanaaga) iyo Allah ka cabsiga".
Way jiraan dad dhalinyaro ah oo dalkoodii wax u qabanaya haday noqoto
dhinaca wax barashada iyo dhinaca dhaqaalaaba.
Waxa wax lagu farxo ah markaad aragtid dhalinyaro badan oo dalkii mashaariic
badan ka wada waana in la garab galaa dhalinyaradaa dalkoodii u fa’iidaynaya.
Wa billahi Tawfiiq
Ali Abdillahi Dahir (Ali-Deeq)
Email: alideeq99@hotmail.com
Hargeisa