SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
CUDURKA AIDS-KA IYO ERGADA SHIRKA NAIROBI

I.A.Hassan(Khaliil)
Khalka1@aol.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Sinadu waxay ka mid tahay dhaqamada xun ee Ilaah muslimiinta ka reebay. Waa xumaaan mujtamacii ay ku dhex fiddo u horseeda dhibaato adduun iyo mid aakhiraba.

Hadaba falalka sinada oo qofkii la yimaada uu Eebbe ciqaabteeda gaarsiiyay ciqaabta ugu daran ee qof bani aadam ah loo geysan karo oo ah dil ayaanay sideedaba Soomaalidu waxba isaga tiring oo ay sahladaan. Falalka sinadu Soomalida dhexdeeda siiba raga waa arrin lagu faano oo ninkii sino badan waa nin rag ah, waxaana loogu yeeraa laayan. Waxaad arkaysaa rag lagu amaanayo waa nin xeesha dumarka ku dheereeyoo gabadhii uu afka u furaana mayaba kuma soo celiso.

Dhanka kale wiilkii dhawrsoon oo Ilaahiisa ka baqa kana dheeraada fawaaxishta sinada ayaad arkaysaa iyadoo dhalintu aad u dacaayadaynayaan. Qaarbaa waxay ku tilmaamaan Injineer, hase yeeshee injineernimadiisa loogama jeedo inuu ka soo qalin jabiyay kuliyaddi Injineeriyada ee JUS balse waxaa loo qarinayaa waa nin duulka laga habaaray oon waligii ku salaaxin oo masaajid dhagax dhigi kara waa sida ay Soomalidu tiraahdee.

Hadaba falalka sinadu waxay ahaayeen qaar bulshada Soomaaliyeed aad ugu dhex baahsan madaxdu ha ugu sii darnaatee.

Madaxda Soomalida waxaadba moodaa in sinada iyo tumashadu u bilaabanto marka qofka xil qaran loo dhiibo, waxaanay ahaayeen madaxdaasi kuwo ibtileeyay gabdho yar yar oo reerahooda la jooga oo ay dhali karayeen. Waxaa jirtay madaxdaasi inay guryo gaara u samaysan jireen sinada kuwana waxaaba la sheegaa in xafiisyada sariiro u ooli jireen. Dadka noocaas ah ayaa inoo talin jiray halka wadamada gaalada ee reer galbeedku ku dadaalaan in qof nadiifa xilka u dhiibtaan haddii wax yaabo qarsoonaa soo baxaana ku qasabta inuu xilka dhiibo.

Waxaynu ahayn bulsho macaliinku subaxdii marka ardadu safka taaganyihiin ugu qudbadeeyo inuuu yahay waalidkoodii labaad habeeenkiina cunugtii dhaban leh qol hoosta uga soo xirto!

Hadaba sinada ayaa waxay ka mid tahay siyaaaha ay ku fiddaan cudurka dilaaga ee Aids-ka iyo kuwa kale ee loo yaqaano curada galmada ee ay jabtada iyo waraabawgu ka midka yihiin.

Waxaa jirtay in 26-10-03 lagu soo daabacay Internetka war naxdin oo sheegaya in ergada Soomaalida ee shirku uga socdo Nairobi markii baaritaan caafimaaad lagu sameeyay 62 ka mid ah laga helay viruska cudurka AIDS-ka keena ee HIV-ga.

Hadaba daddi warkani Xaqiiq yahay waa mid faddexad iyo waji gabax u keenaya ergada shirkaasi ka qayb galaysa isla markaana naxdin iyo murugo ku reebaya guud ahaanba Soomalida gaar ahaana intii ka rajo qabtay in dawlad badbaado qaran lagu soo dhisi doono shirkaas.

Waa arrin kuu muujinaysa in kuwo badan oo shirkaas ka qayb gelaya ay akhlaaqdooda iyo qofnimadooduba aad u liidato oo aanay u qalmin inay ummadda wax xil ah u qabtaan. Waxaa kaloo ay arrintani kuu caddaynaysaa in kuwa badan oo ergada ka mid ahi aanay u joogin madasha shirka dib u dhis qaran ee ay u fadhiyaan Nairobi macsi iyo tumasho keliya. Waxaan shaki ku jirin in raggaasi cudurka ka qaadeen ka dib markii ay la seexdeen haweenka jirkooda ka ganacsada ee tuban dariiqyada Nairobi oo intooda badani cudurkan qaba.

Waxaa kaloo cudurkan lagu kala qaadi karaa in aad cirbad la wadaagtid qof cudurkan qaba taasoo ka dhacda dadka Maandooriyeyaasha isticmaala mase filayo raga cudurkan lagu sheegay inay istimaalaan maandooriye qaadka dhaafsiisan sidaas darteed sida ugu suuto galsan ee ay cudurkan ku qaadi karaan waa iyagoo sameeyay galmo aan dhawrsanayn (unprotected sex).

Waxaa hubaal ah in raggaaasi badankoodu ay leeyiihiin xaas ama xaasas oo ay kaga yimaadeen Soomaaliya ama wadamada dibadda oo ay qaxooti ku yihiin.
Waxaan ognahay in Soomaalidu cudurada qarsadaan oo qof qaaxo hayso ayaad arkaysaa oo leh duraybaa igu xumaaday maxaad ka filaysaa kii AIDS lagu sheegana.

Hadaba khatarta ugu horeysaa waa mid ku soo fool leh xaasaskii ay raggaasi qabeen oo mrka ugu horeysa ay aafaynayaan. Waa haween masaakiin ah oo raggooda aaminay lana rafaadsan caruurtii iyo hawshii guriga una qabay in saygoodu samata bixin qaran ugu maqanyahay.
Sidoo kale illeen waa caaddo madaxeede saw markay wadanka ku soo noqdaan ee xildhibaano iyo wasiiro laga dhigo shaqada halkii kama sii wadayaan oo bulshada cudurkaas halista ah kuma dhex fidinayaan. Waxaa laga sugayay inay ummadda dawlad dhibaatada ka bixisa u soo dhisaane ma waxaa laga filayay inay AIDS u soo waaridaan.

Hadaba waxaa is weydiin mudan sidee looga hor tegi karaa khatarta ay raggani u keeni karaan mujtamaca Soomaaliyeed?
Malaha waxaa haboon in magacyadooda la shaaaciyo lagana saaro erganima shirka isla markaaana aanay wax xil ah ka qaban dawlad kasta oolagu soo dhiso shirkaas mise waxaan u arganaa dad buka oo xuquuqdooda iyo sharaftooda in la dhawro mudan.


I.A.Hassan(Khaliil)
Khalka1@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD