SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CAKU IYO AF-SHISHEEYE!

Samatar Sooyaan
sooyaan2001@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Indho-gashiggii goortuu Faarax si haboon ugu hubsaday labadiisa indhood ee waaweyn ayuu qun yar u weyddiiyey afadiisa Kaltuun:

- Naa heedhe, horta sidee loo qoraa ereyga: heart (wadne). Ma shibbane labalaabmaa, oo laba rr ayaan is-raacshaa, mise waa shaqal dheer oo laba ee ayaan isdaba dhigaa?. Labada dibnood doc intay isugu leexisay, iyadoo shanteeda farood oo isku naban Faarax labada indhood uga halgaadaysa, gacanta kalana ku haabanaysa tafta diraceeda khafiifka ah bay Kaltuun ku war-celisay:

- War heedhe, carruurta weyddii waxa kani, maxaan ka garanayaa af-shisheeye. Caku iyo af-shisheeye! Nebciyaa! Marka hore, ereyga heart, Macnihiisu muxuu ahaa? Ma sanbabadaa, mise?, ayey daba dhigtay Kaltuun hadalkeedi.

- Waa yaab! Maxaan falaa haatan?, Faarax oo ciil-kaanbinaya ayaa niyada isaga sheegay, isagoo hadba goor-sheegtada indhaha ku xadaya.

Faarax waa inuu degdeg u buuxshaa warqada caafimaadka, ka hor intuusan tegin isbitaalka. Laba toddobaad ka hor waxaa Faarax lagula taliyey laba daran midkood dooro: Hawada nasteexada leh ee Soomaaliya inuu ku laabto, si caafimaad buuxa oo taam ah uu u helo ama inuu door bido cadka wadnaha in lagu far-sameeyo qaliin ballaaran oo culus, oo uu dalka Ingiriiska iska jooga. Talo ayaa ku cadaatay Faarax.

Waxa kale oo fara-kulul ku haya Faarax Waaxda Adeega Arrimaha Bulshada, oo ku cadaadinaya inuu barto afka-ingiriiska, haddii kale lacagta cayrta in laga goosan doono. Intaa waxaa u dheer weliba, oo welwel weyn ku haya inuusan qaadan doonin dhalasho Ingiriis ah, haddaanu afka-ingiriiska si hufan u baran.

Weli kobtii isagoo iska fadhiya, hadba doc u rog-rogaya warqadaha laga doonayo inuu buuxsho ayuu Faarax misna wajihay erey wadne-qabad ku noqday, cabsi iyo yax-yaxna ku biiriyey naftiisa cadiban: ereyga “sex”.

-Naa heedhe, Kaltuun, waryaa Eebbe af-garanaya! Naa heedhe, inta sacabka calaacashiisa midig ku nabay dhafoorkiisa…Maxay ula jeedaan ereygan “sex” Sow ma aha “isutagga ragga iyo dumarka”. Naa gaaladu waa waasheen…Ma xishoonayaan! Kaltuun, oo u muuqato inay xoogaa ka fahmad badan tahay, kagana soo horaysa ninkeeda nolosha Yurub ayaa ku warcelisay: “sex” miyaanay aheyn ragga iyo dumarka?. Waxaa laga wadaa sinnaanta ragga iyo dumarka! Si aan loo kala soocin. Indho-sarcaad intuu ku eegay Kaltuun ayuu iska aamusay misna. Wadan yaab leh! Caku iyo af-shisheey, maantay bay i haysataa.

- Rag iyo dumar! Wager! Sow kuwa dhaha ma aha “man iyo woman”. Caku iyo af-shisheeye.

Anigu nimankan gaalada ah waxaanba ku nacay gacan-ku-dhiiglayaashii Soomaaliya bur-buriyey bay xataa kol-kooliyaan, hadba ereyo qurxoon oo ay heybad iyo wanaag san ka muuqato bay ugu yeeraan, bal eeg waa kuwa leh “War-lords”. Ma taqaan macnaheeda “Lord” waa boqor, caaqil, ma istiri iyagaaba nagu kacshay gacan-ku-dhiiglayaasha! Caku iyo af-shisheeye!

- Bal waa kaa maanta meel i dhaqaaji, Caku iyo af-shisheeye!. Maanta waa inaan sugaa intay Raxmo ama Rashiid midkood ka soo rawaxayo, ayuu Faarax niyada isaga sheegay, isagoo aan doonayn muragada iyo caqabada hortaagan inuu tuso afadiisa. Waa laba xaniinyood, waa inuu qarsadaa jabkiisa.

-Dhakhtarka iyo gaalada cadcad ee wadanka joogta sidaan rabo ulama hadli karo, ayuu hadba iskula qanbiyaa. Cadkayga hadal kuma goosan garo. Xataa haddaan si fiican u barto afkooda weli waxaan ahay nin shisheeye ah, Caku iyo af-shisheeye! Ayuu misna niyada isaga sheegay, isagoo hoos ka eegaya Kaltuun.

In yar dabadeed waxaa degdeg u soo gashay Raxmo oo uu weheliyo saaxiibkeed War Lord. Goortay aabbaheed iyo hooyadeed bartay ninka reerka ka ku cusub Word Lord ayaa waxaa soo dhawaaqay taleefankii reerka. Faarax oo dhiiggu kor u kacay kolkuu arkay War Lord oo garabka haysta Raxmo baa degdeg ugu orday taleefankii, si uu isu dhaafiyo caloo-xumada u muuqata. Falka iyo dhaqanka ka muuqda gabadha qura ee ku fir-tirsata Faarax. Falka World Lord iyo Raxmo waxay Faarax soo xasuusisay maqaal dheer ee uu xalay ka akhirstay warsidaha “Qab-qablayaasha Dagaalka”, hal-ku-dhegiisuna ahaa “Qaran iyo qoys burburay”.

-Maay Watar is not guud (my water is not good), Faarax oo la hadlaya ninkii hagaajin lahaa qasabada aqalka ayaa sidaas u sheegay, si uu uga dhaadhacsiiyo in qasabada biyihu jaban tahay, isagoo la lagdamaya afka shisheeye, niyadana ka leh Caku iyo af-shisheeye!

- Ee aabbe, ha dhihin “water”. Marka afka-ingiriska lagu hadlayo “Watar” lama yiraahdo, waxaa la yiraahdaa: “wadhar”, si laguu fahmo, haddii kale gaaladu dhoore ayey kuu malaynayaan noo. Ma garatay. Yaakhay odaygaan sidee u galaa, weligiis ma il-baxaayo ka waran. Aabbe, maalin dhaweydna waan ku maqlaayey, bay Raxmo hadalkii si xanaaq leh u raacisay, markaad nimanka ku laheyd “Minasoota ayaan la hadlay” Sow kuma oran lama dhaho “Minasoota”, waxaa loogu dhawaaqaa “Minasoodha” ma i garatay!? Duqa ha na ceebeyn yaakhay! Iyadoo Raxmo iska eegaysa saaxiibkeed Word Lord. Afka iyo bishimaha qal-qalooci markaad af-ingiriiska ku hadlayso, haye dheh, aabbe. Caku iyo af-shisheeye!

Faarax oo gariiraya, dhiigana uu aad u karayo, aroorayaasha iyo hal-bowlayaasha dhiiguna ay taq-taqayaan baa isagoo aan is-ogeyn taleefankii iska dhigay, oo dib u laqay cundhuuftii caro darteed. Marna isagoo la yaaban innantiisa Raxmo ee u gacan gashay Word Lord, marna aan garaneyn hadal meel uu ka bilaabo; marna ka arga-gaxsan Word Lord ayuu salka dhigay mar kale.

-Ma dhamaysay warqadii isbitaalka, bay Raxmo weyddiisay aabbaheed.

-May, waxaan garan waayey ereyo badan, Faarax oo aad u calool-xun ayaa ku jawaabay, isagoo hadba il-nugul oo baqdin sida isaga eegaya Word Lord oo had iyo jeer marna u ilka cadaynaya. Dabadeed hadalkii wuxuu ku daray:

- Horta..ee..waxaan ku weyddiinayaa: Ma waxaa la yiraahdaa: “I sleep in the bed mise I sleep on the bed, mise I sleep over the bed”. Keebaa sax ah? Caku iyo af-shisheeye! Xafiiska Adeega Bulshada ayaa i soo faray inaan soo qoro warqad aan xanuunkayga uga sheekaynayo. Raxmo qosol ayey la fuurtay; qosol aan dhab aheyn waxaa ka daba xooray Word Lord oo aan runtii si fiican u fahmin ujeeddada hadalka, balse gartay sleep(hurdo), bed (sariir). Word Lord si kale ayuu sheekada u fahmay. Waxaa mala-awaalkiisa khaldan ku sii taageeray qosolka dheer ee Raxmo afkeeda ka soo haajiray. Caku iyo af-shisheeye!

Aabbe soo qaado buugga aniga ayaa kuu yeerinaya, Raxmo oo ka yara xumaatay aragga naxdinta leh ee ka muuqda wejiga aabbaheed iyo hooyadeed ayaa ka codsatay.

Aamusnaan yar dabeed ayuu Faarax soo haabtay buuggii iskuulka laga soo siiyey, si uu u barto afka-shisheeye ee lagu xiray xoriyada noloshiisa oo dhan; si uu u qaato lacagta cayrta, una qaato dal-ku-mar (baasaboor) Ingiriis ah. Dhibka Faarax iyo Kaltuun ka haysta afka-shisheeye waxaa u dheer iyagoo aan dalka ka bixi karin, waayo ma haystaan dal-ku-mar, waana ku qasban yihiin inay bartaan afka-shisheeye, si ay u gaaraan yoolkooda.

- Marka hore waxaad qortaa isliib (sleep). Goortuu Faarax qoray xarafka “S” ayuu weydiiyey gabadhiisa Raxmo:

- Is-l-ii-…ee “isliib” (sleep) b’adu ma b’ada Eebbe baryeysaa oo uu madaxeedu samada u jeedo, mise waa b’ada foorarta ee madaxa hoos u rogotay, oo balaayo u jooga ah, waa tee labadooda? Caku iyo af-shisheeye!

Raxmo qosol weyn ayaa ka soo haaday, iyaadoo leh ee waa “p for pen” noo. Ma garaneysid miyaa aabbe?, ma aha ”b for book”, caku iyo af-shisheeye! Aabbe xarafka “Sda” waa ooynaysaa, way cabanaysaa, dan-daro iyo dibin-daabyo ayey sheeganaysaa; sidaa awgeed, sidaan doono wax uguma qori karo Faarax oo weli argaggaxsan baa u sheegay gabadhiisa. In cabbaar kolkuu warqadii qoray Faarax, isagoo la kaashanaya innantiisa Raxmo, mar walbana ka boodaya xarafka “Sda”, isagoo u arka in la hagardaameeyey, oo ay u baahan tahay in la baanto ayuu si kedis ah ula soo baaday erey malaha aad u dhibay naftiisa, isagoo leh:

- Aabbe, maxay had iyo goor u yiraahdaan “afraid” (afraid). Waxaa la ii sheegay cabisda inay tahay. Waxaad ka maqali had iyo goor: “I am afraid, I can’t help you” Caku iyo af-shisheeye! Kalkaalisada caafimaadka habeen dhaweyd waxaan ugu jawaabay: Eebbe ka cabso, aniga ha iga cabsan, garan maayo inay i fahamtay iyo in kale. Caku iyo af-shisheeye.

-Waxaan rabaa inaan u sheego Waaxda Adeega Arrimaha Bulshada laba arrimood in ay wax igala qabtaan: B) In gebi ahaanba afka-ingiriiska laga masaxo ereyga “war-lord”, waayo wadne xanuunka ereygaas ayaan ka qaaday caku iyo af-shisheeye!, afka-ingiriiskana waxaan la baran waayey ereygaas dartiis. T) Muxuu ahaa…Ereyga aan doon-doonayo magaciisu muxuu ahaa…Caku iyo af-shisheeye!

Samatar Sooyaan

sooyaan2001@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD