SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
"Waa in Labada Shir Mid  Lajoojiyaa, Kan Nairobi ama Kan Liibiya"
Waa hadal kamid ah wadahadlii kulanka IGAD iyo Hogaamiyayasha Soomaalida ee kusugan Nairobi

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

war-1-1-Novembar,03,Mbagathi,Nairobi.

Guddiga Farsamada IGAD iyo Hogaamiyayasha siyaasadda ee ku sugan madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay madasha shirka soomaalida ee Mbagathi,Nairobi.

Kulanka maanta ayaa waxaa looga hadalayey qoddobo dhawr ah oo ay ugu waaweyn yihiin :-

1-Tirada Egrada iyo qaybsigooda .
2-shirka ka socda liibiya.
3-dilkii Ergadi iyo cida ka danbeysay.

maalmahan ayaa tirda Ergada lagu wadaa in laga dhigo intii horey lagu heshiiyey Eldoret ama ku qoran Axdiga Ku meelgaarka ah oo wali ansixintiisu muran ka taagan yahay.

muranka dhimida ergada ayaa waxaa ah arrinta taagan oo ay isku haystaa IGAD iyo Hogaamiyayaasha Siyaasada , keenista Ergada Odoyaasha dhaqan ayaan lagala tashan Hogaamiyayaasha siyaasada halka IGAD iyadu iskeed u casuuntay,waxaa kaloo la isku haystaa ERgada ka timid Soomaaliya iyo Nairobi aan iyagana IGAD casuumin oo ay Hogaamiyayaasha siyaasada keenay shirka oo ay IGAD dejisay.
Muran ayaa soo jiitamayey tan iyo maanlintii shirka la furay 15-POktober,2002 oo ergada Soomalida Gaartey 1200-ergo ,halka shirka lagu casuumay 300-ergo oo leh ergo siyaasad iyo kuwa Arrimaha Bulshada.

Ergo gaareysa 350-ergo ayaa laga soo saarey hotelada, ergadan oo isgu jirtey kuwa iskood u yimid iyo ergo ay keeneen hogaamiyayaasha siyaasafd oo meelo kala duwan ka ka yimid IGAD ay dejisay.
murankan ayaa waxaa lagu xaliyey in tirada 350-ergo oo aan ku jirin ergada odoyaasha dhaqanka laga soo xullo 150-ergo iyo 50-ergo oo odoyaasha dhaqan laga soo xullo ,iyadoo lagu qaybinayo habka qaybsiga qabiilada 4.5-ka,ka dibna laga dhigo goobjoogayaasha tiradooda 200-ergo halka 366-ergo ay ka qayb galeyso shirweynaha kuwaasoo ah ergadii saxda aheyd ee horey loogu heshiiyey,tirada guud eeergada Soomaalida ayaa noqoneysa 566-ergo soomaaliyeed oo ka qayb galeysa shirka Nabada oo haatan ka socda Mbagathi.

kulan ayaa waxaakaloo looga hadley ay hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida Soo jeediyeen in la joojiyo labada shir nabadeed ee Soomaalida ee la isku dhinac wado. waa in mid lajoojiyaa kan Nairobi ama kan Liibiya waayo labaduba waxaa shirka wada Afrika, waxaa laawoodaa in meel la isugu keeno ,haddii kale waxay dhalineysa colaad cusub oo aan ummada soomaaliyeed waligeed ka kabsan ayaa ay ka codsadeen hogaamiyayaasha siyaasada Soomalida Guddiga Farsamada IGAD.

kulankan ayaa waxaa kaloo looga hadley arrinta dilka 3-dii ergo oo dhawaan maydkoodii helay keenta u dhaw xerada Mbagathi ee shirka ka socda.

Dawlda Kenya Ayaan kacodsaneynaa in ay ragaasi arrintooda soo cadeeyaan cidda ka danbeysay dilka ,sababta loo dilay iyo cidda dishay qolda ay ahaayeen,haddii kale kalsoonida Amaanka ayaan kala noqoneysaa ayey ku andacoodeen hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaalida ee ka qayb galaya shirka ka socda Mbagthi,Nairobi Kenya.
Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD