SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Talo Bixin: Internetka iyo Qoraalada Soomaalida

Ali Abdillahi Dahir
Email: alideeq99@hotmail.com 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 Asalaamu Calaykum dhamaantiin; Ramadaan Kariim Dhamaantiinba

Internetku waxuu ka mid yahay Technologyga casrigan bani aadamku gaadheen ka uugu sareeya, waxaanu ku soo kordhiyay Internetku aduunyada fa'iidooyin farabadan gaar ahaan dhinaca isgaadhsiinta iyo ganacsiga oo uu aad u sahlay.

Hadaba sidaynu ogsoonahay internetku waxuu la xukunka yahay qalabka kale ee la isticmaalo, sidaa daraadeed khasaare iyo fa段idaba wuu leeyahay, waxayna ku xidhantahay kolba siduu qofku u adeegsado internetka.

Beryahan dambe waxa aad u kobcay bayjajka (Pages) ay Somalidu leedahay ama ay somalidu maamusho, waana wax lagu farxaa horumarkaa laga gaadhay dhinaca Internetka.

Kolay marka qofku page-ka ama site-ka uu samaysanayo ujeedadiisa koobaad waxa weeye Inuu umadiisa u fa段ideeyo, uuna soo gudbiyo wixii kolba macluumaad ku cusub dunida waana arin fiican.

Intii Sites-kaa somalidu ay jirtayna faa段idooyin badan ayaa laga helay,gaar ahaan dhinaca wararka iyo wixii ku saabsan arimaha Somaliyaba,waxaana hubaal ah inuu ka baahi saaray dadka Somaliyeed waxyaabo badan oo loo baahnaa gaar ahaan dadka debeda ku nool oo aad uugu ooman Wararka dalkooda iyo dadkoodaba,halkaana waxa ka baxday weedhi ahayd "Waar maxaa la yidhi maanta" ama "maxaa cusub maanta", qof walibana imika netka ayuu ka helayaa wararkii dalkiisa oo afkiisa hooyo ku qoran.

Hadaba waxaan doonayaa inaan qormadan kaga yara hadlo dhinaca Articles ee ay dadka akhristayaasha ahi fikradahooda kaga dhiibtaan Sites-kaa ama bayjajkaa somaliyeed.

Inta badan sites-kaa ay Somalidu maamusho qaybta articles ama qaybta fikradaha dadka dhiibtaan waxay u badanyihiin 80% dhinaca siyaasada, tira koobkaasi waa siday aniga iila muuqdeen waxa laga yaabaa inaanu 100% sax ahayn oo kana badan karo kana yaraan karo. Inkastoy jiraan bayjaj run ahaantii isku dheeli tirani laakiin kuwaa qudhoodu ma gaadhsiisna heerkii loo baahnaa.

Hadaba aniga ra馳i ahaan waxay iila muuqatay in dadka articles-ka soo qora fikirkoodu noqdo mid isku jira oo qaybaha kala duwan ee nolosha bulshada wax ka soo qora si aynu u kala fa段idaysano dadkeenana uugu fa段idayno, loona gaadho ujeedadii laga lahaa aasaaska bayjajkaas (Siteskaa).

Siyaasadana in laga hadlaa maaha arin xun, laakiin wax xun in dadkii oo dhami mid dalka jooga iyo mid debed joogaaba wada siyaasi noqdaan,waana arin dhibaatadeeda leh.umadeenuna maanta waxa uuga fiican siyaasada in nolosha inteeda kale wax looga sheego, waayo siyaasad waynu ka wada dheregsanay. Mida kale hadii qof waliba is yidhaahdo siyaasada somalia ka hadal waxa hubaal ah in bayjajkaasi isku rogi doonaan goob dagaal iyo aflagaado ka timaado waayo siyaasadeenu haday sii socoto waxay iskugu biyo shubanaysaa waxay socotaba qabiil. Sidaa daraadeed waxaan talo u soo jeedin lahaa akhristayaasha sharafta leh in articleska aynu u badinu wixii horumar u ah dadkeena sida:

Caafimaadka, Dhaqaalaha, Diinta, Dhaqanka fiican iyo Akhlaaqda, wax beerista iyo khayraadka dalka ku jira sidii loola soo bixi lahaa, weliba waxa ila fiican aniga in qof waliba takhasuskiisa wax ka soo qoro, tusaale ahaan qofkii dhakhtar ahi waa inuu dhinaca caafimaaadka wax ka soo qoro, qofkii diinta si fiican wax uuga yaqaana waa inuu dhinaca diinta wax ka soo qoro,qofkii dhaqaalaha wax ka soo bartay waa inuu dhinaca dhaqaalaha wax inooga fa'iideeyo iyo weli sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale, dhaqaalaha dalkeenana kur loogu qaadi lahaa, qofkii Engineer ahina waa inuu cilmigaa wax inooga sheego, qofkii beeraha wax kasoo bartay waa inuu dhinac beeraha wax inooga soo qoro, qofkii siyaasada soo bartay waa inuu siyaasada wax ka soo qoro, qofkii Law iyo Qawaaniinta soo bartay waa inuu wax ka soo qoro qawaaniinta iyo kala dambaynta.

Hadii aynu sidaa samayno waxaan rajaynayaa in umad badani ka fa'iidaysan doonto bayjajkaas waayo waxa laga yaabaa in Article-kaasi gaadho dad badan oo meelo kala fog jooga.Inkastoo imika jiraan dad articles-koodu aad u qiimo badan yahay fa'iidooyin badana laga qaadan karo, laakiin inaguma fila.

Waxaan hadalkayga ku soo gebagabeyanayaa in dadka maamula Siteskaasi ay isku dheeli tiraan articleska siday mudnaanta u kala leeyihiina ama u kala waxtar badan yihiinna u kala horaysiiyaan, gefna maaha hadii qof akhristayasha ka mida maqaalkiisii laga tago.

Weliba imika waxaynu guda gelaynaa bishii barakaysnayd ee Ramadaan markaa waa in lagu dadaalo wixii ina anfici lahaa bishaa inaynu kala qaadano.Sidaa iyoRamadaan Wanaagsan dhamaantiinba.

Waa Mahadsantihiin.

Ali Abdillahi Dahir
Email: alideeq99@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

JAWAABTII CABDIWAAXID EE QORAALKII SHAAFICI....

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD