Sida aad la soctaanba waxa maalmihii la soo dhaafay xeebaha
Talyaaniga iyo Waqooyiga Afrika ku naf waayay dad aan yarayn oo Soomaliya.
Dadka ku naf waayay shilalkaasi waxa ay u badnaayeen dad dhaliinyara ah oo
raadinaya nolol dhaanta ta ay ku jiraan. Tacliin darada, shaqo la’aanta iyo
daganaashiyo la’aanta ka jirta dhulkii ay u dhasheen waxa ay ku khasabtay in ay
khatartaa wayn u soo maraan sidii ay u heli lahaayeen nolol ka fiican ta jirta
dhulkoodii. Qof kastaa wuu fahmi karaa taas. Su’aasha muhiimka ahi se waxa ay
tahay noloshaas ay raadinayaan ma tahay mid laga helayo dhulalkan loo soo
carararyo, hadii ay taalo se ma istaahishaa safarkaa khatarta ah ee loo soo
marayo. Jawaabta su’aalahaas weeye ujeedada qormadani. Waxa aan u qoray
maqaalkan dadka Soomaaliyeed ee xeebeha ka raadinaya in ay helaan dooni ay ku
soo dhuuntaan iyo kuwa saxaaraha u soo goynaya si ay u soo gadhaan xeeb ay
dooni ka soo qabsadaan. Intiina Galbeedka deggan ee maqaalkan akhrinyana waxaan
rajaynyanaa in aad ila wadaagtaan dareenka uu xambaarsanyahay maqaalkani.
Galbeedku Janno Ma Aha
Khudbadii salaada Jumcaha iigu horaysay ee aan ku dhagaysto
wadankan aan iminka degenahay ayaa sheekhii akhrinayay waxa uu ku bilaabay
khudbadiisa hadal uu macnihiisu yahay “Markii aan imanaynay wadamadan
Galbeedka(hadaynu nahay Muslimiinta u soo qaxday) waxa aan u malaynayanay in ay
Jano (Paradise) inaga soo horayso …Jano ma taal dhulkan ee dab (hell) ayaan soo
doonanay” ayuu yidhi sheekhaasi. Ka dib waxa uu bilaabay in uu sharxo sabata uu
hadalkaa u yidhi. Waxa uu sheegay in waxa ku kalifay hadalkaasi uu yahay xaalda
liidata ee ay ku suganyihiin qoysas badan iyo dad aan yarayn oo ka midda
Muslimiinta deggan magaaladaa uu ku noolyahay. Dad badan oo u soo raadsaday
nolol fiican ayuu sheegay in qoysaskoodii ay halkan ku burbureen, caruuro loola
soo carary tacliin iyo nolol fiican ayuu sheegay in ay xabsi ku danbeeyeen.
Dhib badan oo Muslimiinta ku haysata qurbaha ayuu maalintaa taxay. Waan la
yaabanaa hadaldiisa maalintaas… laakiin dib ayaan ka arkay qaar ka midda
dhibtii uu ka waramayay.
Runtii dad badani sida uu sheekhaasi sheegayba waxa ay u
malaynayaan in nolasha taala dhulalkan Galbeedku ay tahay jano macaan oo hadii
la soo galo la barwaaqoobayo. Dhabta taalaa se waa mid ka duwan sawirkaas.
Hadii Janada la raadinayaa ay tahay aduunyo …shaki la’aan aduunyo ma taaalo
Galbeedka. Aduunyada taala ama waa xoogsi aan wax kaaga dhigmayn (si kasto iyo
shaqo kasta oo aad qabatoba …. mushaharkaagu kama badna cuntadaada iyo
ijaarkaaga) ama waa Caydh aanad shaaraf ku lahayn mujtamaca aad ku dhex nooshay.
Cunto iyo hoy waayi maysid Galbeedka, laakiin noloshu cunto iyo hoy uun ma aha.
Hoy iyo cunto in nafta loo halaagana waa danbi.
Meel Kuwii Joogay ay Ka Cararayaan
Toboneeyo sanno ka dib markii dhulalkan Galbeedka lagu
noolaa waxaa Soomaali badan u soo baxday in meeshu aanay janno ahayn…… ..
dhibteeduna aanay yarayn. Marka ay maanta dad badani noloshooda u halaagayaan
in ay gaadhaan xeebaha Yurub …..qaar badanina wey ka cararyaan dhulakan iyagoo
waliba jinsiyado ku haysta. Madaarada Yurub iyo kuwa carabta maalin walba
waxaad ku arki qoysas Soomaaliyeed oo qurbaha (Galbeedka) ka sii qaxaya. Hadaad
waydiisid waxa ku kalifay in ay dib u qaxaana waxa ay kuu sheegi in ay qurbaha
ka waayeen noloshii ay raadinayeen. Waxa ay kuu sheegi dhibta ay kala kulmeen
korinta ubadkooda, waxa ay kuu sheegi dhibta soo gaadhay qoyskoodii, waxa ay
kuu sheegi dhaqaalo darada ku haleeshay dibada iyo in ay naceen in ay caydh ku
noolaadaan. In kasta oo aanay dadkaas Galbeedka ka sii qaxayaa wali aanay
badnayn hadana waxa ay ka markhaati yihiin meeshani in sida loo malaynayay
aanay ahayn.
Lagu Qanci Maayo ee Waa Sidaa xaqiiqdu
Laba sanno ka hor mar aan safar ku tagay dhulkii ayaa
magaalo aan ku hakanay waxaa diyaaradii aan la socday ka soo raacday gabadh
Soomaaliyeed. Gabadhaas oo xijaab ku jiqa oo xitaa uu wajigu u daboolanayd ayaa
waxaa dhacday in meel aan iga fogayn ay soo fadhiisatay.. Diyaaradii markii ay
kacday ayaa waxa ay I waydiisay meesha aan ka mid. Waxaan u sheegay in aan ka
imid Kanada oo aan degenahay. Gabadhii waxa ay si xiiso leh iiga waraysatay
Kanada ….waxaan u sheegay xaqiiqda ka jirta Kanada iyo in aanu Galbeedku ahayn
sidda ay dad badani u malaynayaan. Gabagabadhii inta ay la yaabtay hadalkaygii
ayaa waxa ay hadal iigu soo koobtay “walaahi walaal meel aan Galbeedka u mari
karayo hadaan heli lahaa maalin dhulkan ma joogeen ”. Waxa ay gabadhaasi ka
turjumaysaa mawqifka Soomaalida dhulkii Joogta iyo xiisaha ay u qabaan qurbaha.
Way adagtahy in aad qof ka qanciso in qurbuhu aan u qurux badnayn sida dad
badan maskaxdooda ka guuxaysaa ….. lakiin xqiiqdu waa sidaas.!!
Gabagabo
Ujeedada ugu wayn ee aan qoraalkan ka lahaa waxa weeye in
aan dadka Soomaaliyeed ee naftooda u biimaynaya qaxootinimadda Galbeedka aan ku
idhaahdo nolosha Galbeedka taalaa ma istaahisho khatarta aad u soo maraysan.
Hadaydaan haysan dariiq dhaama saxaaraha iyo badwaynta aad isku miidaaminaysaan
waxaa la qaatay in aad dhulkiina Ilaahay ku baridaan oo aad Ilaahayna ka
baridaan in uu dhulkeena inoo barwaaqeeyo kana dhigo mid inooga wanaagsan
qurbahan aynu u soo carararyno.
Kuwa xooga ku haysta tallada Soomaalidana waa in ay
xusuustaan in dadkaa xeebaha ku dhimanaya aakhiro la waydiinayo ..waa hadii uu
wali damiir muslinimo ama bani’aadnimo ku hadhay.!
Dhamaan dadkaa dhintay ilaahay ha u naxariisto intii ay ka
tageena samir iyo iimaan Ilaahay ha ku irsaaqo inteena noolna Cibro ha inoo
noqoto.
Saidahmed67@aol.com