Bismillaahi raxmaani raxiim
Cabdiwaaxdi waxaa uu kahdlayay in Maxamed Cabdi Xaashi uu Cabdullaahi yuusuf
kamudanyahay madaxtinimo somaliyeed.
Horta waxaan ka afeefanaayaa in Cabdulaahi Yuusuf iyo Maxadmed Cabdi Xaashi
ay aniga agtayda isku qiimo kaleeyihiin oo jawaabtaani aysan ahayn inaan
labadaas akhyaar u kala doodayo, laakiin ninka maqaalka qoray aayaa labadaas
nin ee aniga isku qiimaha ila ah midkood aad been ugasheegay, waana taas
sababta aan ugu jawaabayo.
Runtii markaan arkay mawduucaan waxan u fasirtay in Cabdiwaaxid uu reer
Puntland qarkood isleeyahay ka raali geli hadalo hore oo uu qoray. Laakiin
taasi waa fasiraadayda.
Haddii aan midmid uga jawaabo waxyaabihii uu Cabdiwaaxid uu qoray.
1- Cabdiwaaxid wuxuu yiri : “Cabdulaahi Yuusuf deeqsinimo iyo geesinimo
midna malahan isagoo daliil kadhigtay in lacagta uu bixiyona ay tahay tii
xeradda daraawiishta ee gaalkacyo.. iyo inaan Cabdullaahi cid shisheeye
ladagaalamin”. Runtii Cabdiwaaxid inaan siyaasad waxba ka aqoon waxaa dadliil u
ah waxa uu ku eedeeyey nin uusan aqoon badan u lahayn… noloshadaya ilaa
kumanaan maqaalo oo siyaasadeed waan akhriyay oo luqado badan ku qoran oo dad
kala duwan ay qoreen laakiin waligay maarag nin madaxweyne ah oo lagu eedaynao
waa bakhiil illaa. Lacagtii xeraddii daraawiishtana adeer dadka ay taladu ka
go’do ee reer gaalkacyood baa taas leh. Waxaa laga yaabaa in laga doodikaro
qaabka loo iibiyay laakiin sidda lacagta loo isticmaalay taas waa arimo reer
gaalkacyood u taal. Mana ahan arin cabdulaahi iyo deeqsinimadiisa loo daliishan
karo. Arinta kale ee ah inaan cabdulaahi dad shisheeye ladagaalamin. Horta dad
shisheeye inaad xadid baa fiicnaan lahayd laakiin bal aan shisheeyaha ! u kala
qaadno Itoobia, Hawiye iyo Isaaq. Suaasha koowaad ee meesha imaankarta waxa
weeye Cabdulaahi Itoobia maladagaalamay ? Suaashaas jawabteedda Maxamed Siyaad
Barre oo aan filayo inuu kaaga aqoon badnaa kaana run badnaa aa bixiyay.
Sanadkii 1981 ayaa Xeraddii shiirkolo ofishaale ee ciidamada waxaa kushiraayay
saraakiishii ciidamdda Somalia kuwoodii ugu qabqablaysnaa, waxaa microfoonkii
qabsaday nin sarkaal ah oo aad u caayay Cabdulaahi oo markaas Hogaaminayaya
jabhaddii SSDF. Sarkaalkaas waxaa uu cabdulaahi yuusuf ku caayay ama ku
seedeeyay “fulaynimo iyo khiyaano wadan iyo aqoon la’aan xagga ciidanka ah iyo
waxayaabo kasii xun. Sarkalkaas jawaabtiisii waxaa siiyay Maxamed siyaad barre
oo yiri “ intiinaan meesha fadhidda mid Cabdulaahi Yuusuf la karti ah ama
la,aqoon ah ama kawadanisan idinkumajiro” maxamed siyaad barre intaas kuma
ekaan ee waxa uu kasii faalooday Cabdulaahi heerkii uu kasoo qaatay dagaaladii
amxaaradda. Maxamed Siyaad Barre hadalkiisii waxa uu ku soo ga! bagabeeyay
isagoo kahadlaaya wadaninimada Cabdulaahi. “Itobia ! Cabdulaa hi Yuusuf ama way
xiraysaa ama way dilaysaa ama wadankiisa ayuu u soo fakanayaa oo wuu noo
imaandoonaa. Kadibna sacab baa lagu dhuftay. Su”aasha labaad ee ah cabdulaahi
Yuusuf maladagaalamay Isaaq iyo Hawiye. Hawiye iyo isaaq Cabdulaahi
somalinimona wuu ka raadiyay dagaalna wuu lagalay malaha Cabdiwaaxid
goordhawayd dhashaye. Bilowgii 1990kii markii dagaalka b,aan uu kasocday Mudug
waxaa loo marag ahaa in Cabdulaahi uu ahaa hogaamiyihii magaaldiisa lagu soo
weeraray hubkii qaranka somaliyeed ee yaalay min gaalkacyo ilaa Kismaanyo in
kabadan 22jeer dhawrjeer oo hore mooyee Cabdulaahi wuxuu ahaa ninka markasta
hogaaminaayay dagaaladaas wuxuu ahaa Cabdullaahi yuusuf. Kii ugu xumaana wuxuu
ahaa Dagaalkii Caydiid ugu yeeri jiray “dagaalkii jimacaha” Qaabkii iyo siddii
u udhacyna waxay ahayd mid Caydiid uu uga quustay Gaalkacyo. Hubkii laga
furtayna wali iyagoo sidiidii ah bay Xeradda Siinaay yaalaan waadna soo arki
kartaa. Dhinaca Isaaqana magaaldda Laascaano bay ahayd meeshii la! gu caysraday
Riyaale. Bini aadnkana sidiisaba waxa looga nabad galaa 2 arimood midkood inuu
ku ixtramayo iyo inuu kaabaqayo Puntland manta ixraam loohayo uma aysan nabad
galin ee Cabsi laga qabo ciidankeeda weeye odayaashii dhisay Puntlandna
Cabdulaahi baa kamid ahaa. Hadaladaan faan aan Cabdulaahi faaninaayo igama ahan
ee waa taariikhdiisii oo aan xoogaa kaxussay.
2- Tankale ee uu yiri Cabdulaahi baa si sharci daro ah ku qabsaday Puntland
taas soo tii muranku kataagnaa laakiin cabdiwaaxid dhinaca uu yahay uun baa la
saxsan. Sharciga Puntland qodobkiisa 32.4 ayaa waxaa uu dhigayay in Haddii
dawladdu ay samayn waydo tirakoob kadibna doorasho nay taladu u noqonayso
isimadda. Hadaba isimaddii waraaqo baa loo diray markii wakhtgii lagaaray
qaarkoodna way kasoo jawaabeen qaarkalena sababo bay sheegteen iyagoo awood u
lahaa in ay soo dirsadaan wakiilo. Kadibna isimaddii baaqday baa shir qabsaday
oo yiri Cabdulaahi baan xukunkii kaqaadnay oo Jaamac cali Jaamac baan u
dhiibanay. Taas oo keentay in dagaal dhaco oo Cabdulaahina uu wali madaxweyne
yahay.
3- Waxuu yiri Cabdulaahi wuxuu dhaqalihi ku baxshay musharaxnimadiisa, waxaa
fiicnaan lahayd marka aad eedayn noocaas ah sheegaysid inaad daliishatid wax
lataaban karo, laakiin Cabdiwaaxid wax lataaban karo ma uusan keenin,bal
kawaramma, Cabdiwaaxid Berri hadduu soo qoro Cabdulaahi lacagtii Puntland oo
dhan wuxuu siiyay takhtarkii beerka kabadalay caruurtiisa iyo xaaskiisa oo
puntland booqasho ku yimid, iyadoon wax caddayn ahi lasocon. Qofku in uu
qofkale eedeeyo waa sahlantahay haddii aan cadayn lagarabin. Marka cabdiwaaxid
waxaan kasugayaa inuu eedaynta lacagta uu kakeeno boono si hadalkiisu run ugu
ekaado.
4- Waxa kale oo uu yiri Kismaanyo cabdulaahi iyo morgan wax natiijo ah kama
keenin. Adeer horta aan hal arin ah kuu caddeeyo Cabdulaahi iyo Maxamed cabdi
xaashi iyo Morgan isku mawqif bay kataaganyihiin arinka Kismaanyo oo ah in
Magaladda kismaanyo ay tahay magaalo somaliyeed oo Harti uu kayahay qabiilka
wayn ee maagaldaas dagga taladeedana ku leh qayb wayn. Shilinkasta oo Kismaanyo
lagu bixiyayna waa mid ay 3 daas oday isku raaceen.
5- Tan ah in haddii aan taladada laraacin ay Puntland burburayso adeer
somalidu waxay ku maahmaahdaa RIYO HADDAY DABO LEEYIHIIN FUTADOODAY KU QARSAN
LAHAAYEEN taladaadu Jaamac Cali Jaamac bay wax tari lahayd.
Jaamac oo aad dooratay oo aad u ololayn jirtay bay taladaadu wax tari lahayd?
Teedakale somalidu waxay tiraahaa doqoni dibir kama dharagto ilaa maalinkaad
internetka magaacaga ku arkaayay cabdulaahi baad hadba cidda ay ishayaanna
amanaysay Cidda ay is bahaystaana dhaleecaynaysay wax guul ah oo aad
kugaartayna maarag. Cabdulaahi waligiis maanta maalin uu ka itaal roonayah
masoo marin siyaasad ahaan. Wax kasta oo uu kasheegatayna been bay noqonjireen.
Marka maxaa cusub oo lagu rumastaa hadalka cabdiwaaxid misse waa “doqoni dibir
kam a dharagto”.
W/C
Diirshe Cismaan
fmothman@hotmail.com