Sida laga war qabo bisha soon waxaa dalka
laga dhoofiyaa xoolo u badan ishkin oo loo iib geeyaa wadamada khaliijka,
waxaan ka ahayn sacuudiga oo isagu mamnuucay xoolaha soomaalida.
Gobalada Hiiraan, Galgaduud, Shabeelaha dhexe iyo Bakool ayaa xoolaha la iib
geynayo waxay badi ka dhoofi jireen dekadda magaalada Berbera, waxayna sii dhex
mari jireen kilinka shanaad ee dalka itoobiya, waayo masaafada ayaa u sahlanayd
halkay laamiga mari lahaayeen, balse tan iyo markii dowladda itoobiya
cadaadiska saartay gaadiidkii isaga gooshi jiray somaliya iyo kilinka shanaad
waxaa muddoyinkan dambe la arkayay lo,iyo geel faro badan oo ku socda xaggaas
iyo magaalada Boosaaso.
Dowladda itoobiya ayaa iyadu rabta in xoolaha la dhoofiyo ay ayadu ka
faaiidaysato, ayadoo dowlada sacuudigu xayiraadii ka qaaday xoolaha dalka
itoobiya, xoolahaasoo badi ka yimaada dhanka kilinka somaalida, waxaana dad
badani is weydiinayaan waxa xoolaha daaqaya feerfeer soomaaliya cudurka uyeelay
halka dhanka kale ee feerfeerta itoobiya ay xooluhu ka badqabaan cudurka rift
valley, oo ay dowlada sacuudigu ku andacoonayso inay ujoojisay xoolaha dalka
soomaaliya.
Cabdi Xasan Cali somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Dagaalkii magaalada xeraale oo waxgarad ka
tirsan gobalka galgaduud ku baaqeen in xabadda la joojiyo
Dad isugu jira cuqaal, wax garad, culumaaudiin iyo aqoon yahano u dhashay
gobalka galgaduud ayaa usoo jeediyay beelaha isku hardinaya degaamada xeraale,
balanbal iyo caabud waaq inay joojiyaan colaada oo ay wixii ay kala tirsanayaan
ku dhameeyaan wada xaajood iyo geedkii soomaalida ee wax lagu xeer beegsan
jiray.
Ugaas Xuseen Xasan Dheere oo u hadlayay waxgaradkaas ayaa ku booriyay dadka
dagaalamaya inay xormiyaan wadanoolaashihii iyo walaaltinamdii ka dhexeeysay oo
dagaal khasaarihii in ku filin waynu aragnaye,caqliga saliimka ah ha shaqeeyo
oo dhiigga qubanaya hala joojiyo ayadoo waliba lagu jiro bishii barakaysnayd ee
ramadaan ayuu kusoo khatimay hadalkiisii ugaas xuseen.
Dagaal dad badani ku hoobteen ayaa
maalmihii la soo dhaafay ku dhex marayay labo beelood oo wada dega degaaanda
caabudwaaq, balanbal iyo xeraale, kaasoo ka bilaabay aanooyin qabiil oo dad
hore loo kala dilay, waxaana dhowr jeer la isku dayay in si nabada loo dhameeyo
xuruguftaas, balse laguma guulaysan weli.
Cabdi Xasan Cali somalitalk.com
abdi172@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003
FAL ARGAGIXISO OO
KA DHACAY MUQDISHO
Buufis ayaa sababay in dad fara badan BAM
lagu qarxiyo
Guji Oct 30
Habeenkii Ardayda Soomaalida ee Malaysia
Xaflad aad u heersareysa oo ay dalka Malaysia ku qabteen ardayda
Soomaaliyeed ayaa...
Guji.. Oct
30