w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
DUULAAN NAGU DIIN AHAYN INAAN DIFAACNO
YUUSUF CABDI SAHAL
YUUSUF XIDDIG.
yussuf_hiddig@hotmail.com
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.
Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.
Ilaah baa mahad leh, nabadgelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato midka ugu
sharfanaa uguna danbeeyay, Rususha iyo Nabiyada Eebbe Muxammed(nnk).
GEFKA KA CELI WALAALKAA.
Anigoo ka waano qaadanaya xadiiskii Rasuulka Suuban ee ahaa “U gargaar
walaalkaa haddii laga gardaran yahay iyo hadduu gardaran yahayba.” Aadna ugu
gargaarayso markuu gardaran yahay inaad gacanta ka qabato, oo aad gardaraysiga
ka celiso.
DIFAACIDA QOFAAN MUSLIM AHAYN.
Ayaan waxaan doonayaa inaan mowduuceygaan kaga hadlo, arrin aan u wanaagsaneyn
qofka muslimka ah, oo ah inuu difaaco qof aan muslim ahayn, isagoo leh “Dadku
waa adoommo Ilaah, oo asagaa abuuray, mar hadduu qofku rumeysan yahay Eebbena,
Ilaah ayaa siduu rabo ka yeelaya, inuu u naxariisto iyo inuu cadaaboba. Waxa
taa nagu qasbaya inaan ku difaacnona ay tahay uun, qofkaa oo dad la dhaqankiisu
wanaagsan yahay. u naxriista, u tura, oo kaalmeeya dadka. Uuna ogyahay
dhibaatadooda, u gargaaro, garab joogo, oo wax walba oo wanaaga la jecel yahay
makhluuqa ilaah oo dhan.
MURAN KUMA JIRO MIDAA.
Waxaan muran ku jirin in dadku adoommo Ilaah yihiin iyo inuu Ilaah asagu siduu
doono ka yeeli karo, balse bina’aadamku inuusan Ilaah godb ka tiran, uuna
marmarsiiyo u helin, oo uuna u oran “Ilaahoow maxaad ii cadaabeysaa? Haddaan
ogaan lahaa waxaan aad igu cadaabeyso, ma aanan sameeyeen, ee Eebboow maxaad
iigu cadeyn weyday? Ayuu Ilaah wuxuu u soo dajiyey kutub samaawi ah, oo wax ku
faraya waxna kaa reebaya, uunausoo dhiibay rusushiisa.
KAN UGU CAASISAN MAKHLUUQA ILAAH.
Bina’aadamkuna mar walba yahay kan ugu caasisan makhluuqa Eebbe. Markaana mar
walba oo uu bina’aadamku ka leexdo jidka Illaah faray, uuna xalaaleysto wixii
laga xaaraantinimeeyay, oo uu hawaddiisa la lumo, ayuu haddana Illaah u
cadeynaayay bina’aadamka qaladaadkiisa, uuna u deyneyn inuu iska lumo. Oo wuxuu
u soo jadiidinayay Risaaladiisa iyo Rusushaba. Ilaa laga soo gaaray Rasuulkeena
Suuban Muxammed(nnk). Kaasoo Risaaladiisa lagu soo gabagabeeyay Risaaladaha
Eebbe, oo Risaalad ka danbeyneysa Risaaladiisa ayan jirin. Risaalad dunida
guudkeeda jirta oo uu Ilaah aqbalayaana ayan jirin ilaa Islaamka maahee,
midaana ay ku cadahay kutubta diimeed ee maanta jirta.
XAQ DIIDE CADAAB MUTEYSAY.
Marka qof diiday Risaalada Ilaah oo indhaha ka laabtay, inaan niraah Ilaah buu
rumeysan yahay, oo asaga(Ilaah) ayaa siduu doono ka yeelya, nalama gudboona.
Qof walba oo xaqa diida wuxuu muteysanayaa cadaabka Ilaah, diin iyo darajo
walba oo uu lahaado.
AAN U NAXARIISANO, U NASTEEXEYNO…
Waxaa markaa nala gudboon intaan u doodi lahayn dadkaan inaan difaacno, oo
garsiino, inaan u naxariisano,u nasteexeyno, oo aan cadaabka Ilaah ka
badbaadino, inagoo u bandhigeyna Risaaladda Islaamka, tusaynana sharafta iyo
qiimaha ay leedahay Diinteenu.
CANAAD, ISLA WEYNI IYO KIBIR XAQA KUMA TUSAAN.
Taasoo qof xaqa inuu ogaado doonaya uuna diidi karin, ilaa qof canaad, isla
weyni iyo kibir ka buuxo maahee, hadday arrimahaa qofka ka reebaan inuu xaqa
arko, oo nagu diido xaqa. Markaa waa inaan bari ka noqonaa, oo wax jeceyl aan u
qabnaa iyo isku damqasho uuna jirin dhexdeena, oo aanan inuu na sharfo ama
cisoba aanan ka doonan, sharaf iyo ciso waxay noogu jirtaa diinteena.
QOOM ILAAH ISLAAMKA KU CISEEYAAN NAHAY.
Xaqiiqdii waa waxa maanta uu Ilaaheey dusha duliga nooga tuuray, haddaan nahay
dadka muslimiinta ah, oo heybadeenii iyo sharafteenii u dhuntay, markaan jidaan
jidka Islaamka ahayn sharaf iyo ciso ku doonay. “WAXAAN NAHAY QOOM UU ILAAHAY
CISO KU SIIYAY ISLAAMKA, HADDAAN CISO KU DOONO JIDAAN ISLAAMKA AHAYN, ILAAHAY
WUU NA DULEYN”
Sidaa waxaa yidhi Kala soocihii xaqa iyo baadilka CUMAR BINU AL-KHADAAB
GABAGABADII.
Duulaan nagu diin ahayn intaan difaaceyno, ayana ay dabin noo daadinayaan iyo
dibindaabyo joogta ah, Daa’imkeena uu nooga digay dowgey nala doonayaan, waa
nagu doqonimo duli dusha inaan u ridanaa oo, waxay naga dalbi, oo dugsidaa
xiroo,duruustaa da’ yarta ha barina, aan ku darajeynaa.
Wasalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.
Walaalkiin
YUUSUF CABDI SAHAL
YUUSUF XIDDIG.
yussuf_hiddig@hotmail.com
F.G. Cinwaanka mawduucu waa “DUULAAN NAGU DIIN AHAYN INAAN DIFAACNO”.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|