SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOMALI-NIMADU MAXAY LA QEYMA TAHAY MAANTA?

VER.12345

Qore cabdullahi Gulled Ali


Abdullahigulled@hotmail.com 

19.11.2003

 


Si kastaa oo aad isu aragto qurux iyo fool xumaba waxaad tahay waxa aad matasho, nina qof uusan aheyn ma noqdo. Hadaad ku faani laheyd, iyo hadaad ka faani laheydba waakaa dhaxalkii ubadkaaga!!!!!!!!! Oraahdeyda A. Gulled Ali

SOMALIYA !!!!!

Noolaha Allah abuurtay marnaba dal la’aan ma noolaan karo, hadiiba kalmada Dal ay timaadana waxaa abuurmaya tilmaamo badan oo gaarsiisan heer dhaxaltooyo, oo ay waajib tahay in la kala dhaxlo. Waxaa kamid noqon kara fekerka guud ee bulsho laga qaadan karo hab dhaqameedkooda, taas oo ay tahay mid laga heli karo shaqsi kastaa oo bulshadaasi ka mid ah, Tusaale ahaan haday noqon laheyd muuqaalka, hadalka taranka taariikhda sheekooyinka gabayada murtida iwm.

Waxaa badanaaba laga reebaa intaa aanu sare kusoo sheegnay dhowr qeybood oo iyagu lagu tilmaamo in kala duwanaanshaha waqtiga la nool yahay uu sababo, waxaan kamid ah tusaale ahaan xaga labiska, cuntada, deegaanka iwm. Hadaba waxaan uga gol leeyahay qoraalkan wejigiisa hore ee aan tilmaamaha ku qoray in wadanku uu yahay midka dareensiiya qofka ku nool wadaniyad jaceyl iyo qofka oo dareema in uu wadankaa kamid yahay asal ahaan.

Marka qofka ay ka daadagto macnaha uu wadankiisu u leeyahay ayaa uu fahmi karaa heerka uu ka taagan yahay wadankiisa.masawir kastaa oo laga sameeyo somaliya waxaa hubanti ah in siyaabo badan loo kala arko, hase ahaatee cidna iskuma diidana in meeshu ay somaliya tahay dadka masawirka guud laga bixinaya ay soomaali yihiin. Horumar kastaa oo uu qofku gaaro, waxaa uu yahay ambassador ama wakiil matala wadankiisa, qofka soomaaliga ahna waa wakiil matala somaliya, waloow ay dhici karto in uu shaqsigaasi isagu isu arko reer hebel ama jinsiyad kale.

Waxa hada ka hor ka dhacday meel xero qaxooti ah oo ku taal wadanka Denmark in dada ad u fara badan oo somali ah lagu hayey xerada qaxootiga mudo ka badan intii ay filayeen in ay ku helidoonaan aqoonsi qaxootinimo, waxaa ay dadkaasi noqdeen kuwo raag saday qolooyinkii gacanta ku heysay amaba maareynetsay codsigoodii qaxootinimo. Iyada oo ay arini sidaa u cakiran tahay ayaa dagaalkii sokeeye ka qarxay wadankii, waxaana dhammaan idaacadihii caalmku ku wada mashquuleen tebinta dagaalada ka socda wadankeenii hooyo.

Waxaa dadkii xerada ku jiray iyana ay ku wada yaaceen dhageysiga idaacadaha, iyaga oo la yaaban waxa wadankoodii laga soo sheegayo. Maalmo markii uu dgaalku socday ayaa waxaa laga dareemey xeradii gudaheeda yaacan tirada badan ee ay soomaalidu ku yaacayaan Television-ada ku baxa afafka ingiriiska iyo carabiga, oo iyagu si aanan kala joogsi laheyn u soo deynayey warbixin masawiro wadata. Waxaa hadaba shaqaalihii cadaanka ahaa ee ku sugnaa xerada gacantana ku hayey qaxootiga somalida iyo kuwa kale ee xerada ku sugnaaba ay iyana ka soo qeyb galeen daawashada dhibaatada somaliya laga soo sheegayo.

Waxaa nasiib daro ah in cadaanka goobjooga ah marka Tv-yadu tebinayaan wararka noocaas ah ee somaliya laga sheegayo ay la yaaban yihiin sarwaxanka buuqa iyo qosolka u badan ee somalida ka yeeraya. Hilmaamsho dhawaa somalida, waxaa isla markiiba ay iska dhaadhiciyeen in nasiib daradan wadankoodii ku habsatay ay u soo dedejindoonto aqoonsi qaxootinimo. Gabar kamid ah shaqaalihii goobta joogtay ayaa ka codsatay in somalidu ay u xaqiijiyaan wadanka laga hadlayaa in uu yahay kooda iyo in kale, waxaana ay tiri ”hadii meesha laga hadlayaa ay somaliya tahay idinka ayaanan somali aheyn, hadii” iyada oo gabadhaasi la yaaban qaab darada somalida, iyo sida ay u fekerayaan darteed.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Hadaba waxaa naxdin leh qofka ay heerkaasi ka gaartay dareenkiisii wadaniyadeed, waxaa cad in uu ka tarjumayo waxa ay ku sugan yihiin inta badan somalida dibeda ka joogta wadankii, iyaga oo wax walbaa u sameeynaya in au ka fogaadaan wadankoodii hooyo. Waxaa kaloo yaab leh ninka doonida ku dhimanaya ee badweynta saaran halka uu u socdo iyo halka uu ka socdo. Waan garan karaa kuwa Libiya iyo wadamada ay yurub ka soo geli karaan isu tijaabinaya halmar, waxaase yaab leh kuwa Puntland doonta ka raacaya ee yemen u socda oo iyagu badanaaba shareysta hadii socdaalkoodaas laga hor istaago una arka in si naxariis daro ah loola dhaqmo. Yemen oo haatan ilaahay ogyahay waxa ay nagu heyso oo dhibaato ah marka loo fiirsho qaxootiga wadankeeda ku sugan, waxaa la yaab leh dadka u cararaya oo halkaa tuugsiga iyo bahdil nimada lagu hayo.

Qofka baahan meelna uma roona, waa dhici kartaa in uu qofku ka waayo nabad goobaha qaarkood somaliya, hase ahaatee ma aha wax lagu qanci karo gebi ahaan somaliya ayaan ka cararayaa waxaana nabad ku helayaa wadan shisheeye. Ilaa iyo hada waan jeclahay in aan ogaado sababta wadanka loo nacay….. Waxaan ka cudur daaranayaa in aanan qoraalkeygan loo fahmin in aan garan la’ahay sababta dagaalka sokeeye uu u dhacay, maamul xumidii wadanka ku habsata, amaba aragtiyada qabiil ee kala duwan. Waxaan badanaaba jecleystaa in aan wareysto qowmiyadaha kala duwan ee uu iyana dagaalka sokeeye naafeeyey. Waxaan inta badan kala kulmaa waxyaabo badan oo kala duwan oo aanu isaga mid nahay, balse inta aanu ku kala duwan nahay ayaa ciidaa ka badan.

Ilaa iyo hada ma helin jawaab i kaafisa, waxaanse hubaa in wax gaar ah ay soomaalida laabtooda ka buuxdo, taas oo ku kalifeysa in ay ka fogaadaan wax walbaa oo wadaniyada sal u ah. Ku dhex wareega yurub ee ay dadku hadba meel u guurayaan ayaa lagu saleeyaa reer guuraa-nimo, hase ahaatee armeey wax kale ku lamaanan yihiin?

Waa socotaa.....

Qore cabdullahi Gulled Ali
Abdullahigulled@hotmail.com

QORAALADII HORE EE A. GULLED

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD