Al-Xaaju Muuse Suudi Yalaxow iyo Col:
Cabdulaahi Yuusuf Kebaa Siyaasad Fiican???
Marka hore waxaan hubaaa in dad badan oo
mudulood ah aanay ku qanci doonin is barbardhiga aan ku samaynayo labadaan
shaqsi eee aan kor kusoo xusay...
Xasan Axmed Tooxow
waziir@hotmail.com
Marka hore waxaan u mahadcelinayaa dhamaan
websideyada noo saamxay in aan soo bandhigno aragtideena ku wajahan waxa
kasocda somalia iyo siyaasiyiinta saaaxada ama xiligaan ku loolamaya talada
dalka.
Marka hore waxaan hubaaa in dad badan oo mudulood ah aanay ku qanci doonin is
barbardhiga aan ku samaynayo labadaan shaqsi eee aan kor kusoo xusay waayo
muuse suudi waa ruux aan marna lagu aqoon in uu shisheeye u adeego
muwaadiniinta somaliyeedna aan marna u dhiibin xabasho isla markaasna waa ruux
ad adag oo aan fulin danta shisheeyaha gaar ahaan xabashida halka uu
cabdulaahi Yuusuf yahay ruux ay dhimatay damiirtiisu oo weligiisna caan ku
ahaaa kuna caanbaxay shisheeye loo shaqeeyo iyo xabasho loo adeego waayo
cabdulaahi wuxuu caan noqday 1979kii Inqilaabkii fashilmay dabadeed oo ay
dadku ku barteen in uu u adego Col:Mingistu Xayle Maryam iyadoo lasheego mar
asigoo u hadlaya sirdonkii xabashida eee xiligaas in uu yiri:-In somalida laga
dilay intaas oo kun Jabhadii Somali galbeedna laga dilay Intaas markaas ayau
waxaa la waydiiyay inta kadhimatay Somalida marka asiga lagu daro waayo
Xabashadu sida caadada u ah ruuxa jaajuuska ah ee dalkiisa jaajuusa waxay u
yaqaaniin ruux dhintay waa tan ay somalidu tiraahdo (Nin Soori qaaday Waa Nin
seefe qaaday oo yacnii dhintay).
Marka cabdulaahi taariikhdaas madaw ayuu
leeyahay oo marna kama raali noqonayaa in ruuxaas miisaaan lala saaro dadka
kale eee uu kamid yahay Xaaji Muuse balse waxan filayaa in aysan inkrikarin
taageerayaasha muuse in ay wadaagaan kelmada qabqablanimo marka taas ayaa
keenaysa in Somalidu ay hal il ku eegto wax ale iyo waxii qabqable ah iyadoo
arinta aan lagu salaynayn in ruux waliba miisaan lasaaro.oo acmashiisa la
muujio hadii uu sameeyay wax xuna
lasheego hadii uu wanaag sameeyana lasheego si looo qaymeeyo
sida loo kala denbi badan yahay ama sida loo
kala damiir liito.
Hadaba hadii aan usoo laabto qoraalkayga
waxaan rabaa bal in aaan miisaan buuxa saro labadaas ruux marka hore
Taageerayaasha cabdulaahi yuusuf waxay sheegaan in cabdulaahi uu yahay ruux
derejo ka gaaray colonelnimo oo lagu amaano maamul fiican iyo hugaan intaba
uuna ahaa dadka ugu Qualaityga sareeya saraakiisii somalida ee xiligiisii
balse taas wax daliil ah uma hayaan waayo meel uu ku hugaamiyay ciidamo tiro
bdan lama hayo waxaana markhaati u ah hadii uuba heli lahaa amaamul xoog badan
oo uu wax ku maamulo waxuuba afgenbi ku dhufan lahaa dalka saa waxaa lagu
xantaa in uu yahay ruux jecel in mar uun ay u yeerto madaxwaynenimo.
hadaba miisaankaygu waaa miisaanka
siyaasadeed iyo maamuleeed ee labada nin marka hore siyaasad ahaan marka
lafiiryo sumacada ay leeyihiin labadaa nin ee ku wajahan dhanka somalida waa
muuqataaa oo mid la inkiro karo maahin waayo cabdulaahi waaa hugaamiyaha
beelaha harti koonbo taas oo xitaa lagu haysto oo mar isimadii reer woqooyi
bari ayuuu lumiyay waana tii ay doorteen jaamac cali jaamac balse doorashadaas
waa baaba,iyay asigoo lakaashaday xabashoo iyo ciidan laga soo aruuriyay
wardheer taas oo uu ku muquuniyay rabitaankii reer puintland.ilaa iyo hada
cabdulaahi inta reer woqooyi bari oo uu garbaduub ku haysto maahine intii kale
waa lumiyay waxaana hada ugu soo danbeeyay intii reer Laascaanood ahayd oo
qaarkoodna ay ka hayaaameen qaarkoodna ay kuletiga ku dhegan yihiin ayakoo leh
war ama shirka aad oo halkaas xubin ku aadan noqo oo aan kugu ogaano ama anaga
shirka noodaaa ooo puintland iska joog marka hada oo uu booqasho ku aaday
Thailand waxaa lasheegay in uu thailandeese kula heshiiyay in sidii ayaxii ay
u gurubsadaan wixii khayraad ah ee badaha woqooyi bari si kista uu kahelo uu
ugu furdaamiyo in uu ku laaluusho reer Laascaanood oo uu uga kaaftoomo xirig
jiidka u dhexeeya asiga iyo maxamed cabdi xaashi hadaba imisa jeer ayuu
fashilamay colnelku tan iyo intii uu somalida ka goostay oo uu aaday xabashida?????????
waa su,aal muhiim ah oo ay tahay in
laxuso.Hadba cabdulaahi wuxuu u galay mingisto xayle maryan fashilkii
inqilaabka kadib wuxuuna lagalay heshiisyo badan oo ay kamid yihiin in uuu ka
tanaazulo sheegashada somalida ee Somali Galbeed(Ogaadeenya) iyo in
mustaqbalka somalid degan halkaas lasoo raro oo meelo looga ciriirsho somalia
si sheegashada somalidu ay si buuxda u baaba,do iyo in dowlada somaliyeed iyo
dhaqdhaqaaqeeduba uu noqdo mid laga maamulo Adis Ababa taasna bedelkeeda
madawayne mac mal ah loo qoodeeyo.
marka heshiiskaas markii uu saxiixay ayaaa
waxaa si buuxda u fashilay hadafkiisii iyadoo ay xabashu qabsatay Galdogob
dabadeedna ay calankii ka taagtay Galdogob kedibna dhalinyaradii SSDF kuwoodii
ugu firfircoonaa ay u adkaysan waayeen calankii xabashida ee laga taagay
halkaas kadibna uu cabdulaahi ku qancin waayay arintaaas dabadeedna uu halkaas
ku laayay ku gumaaday dhalinyaro fara badan oo ahayd intooda badan jufadiisa
hoose halkaas oo markii danbe xabashida lagu qasbay in ay ka bxdo iayadoo
ciidankii Xooga dalka somaliyeed uuu ku qasbay in ay dib uga laabato oo xitaa
ay calankii ay meesha uga cararaan dabadeedna waxaa fashilantay in waxa
calanka diidan ay ahaayeeen dhalinyarada SSDF cabdulaahina uu si buuxda u
maamulin SSDFta uu sheeganayo oo heshiiska uu saxiixay ahaa mid ugub ah oo
jeebkiisa isla markaas xabashdu waxay go,aansatay in ay xabsiga u taxaabto
waayo xabashidu si fudud kharash uma bixso waxi ay bixisana waa in ay ku
gaartaa danteeda marka waxay garteen in hub,shidaal iyo hanti kaleba ay uga
bexeen meel eber ah isla markaasna waxay garteen in cabdulaahi uu khasaashay
ooo uu been u sheegay isla markasna waxaa u soo baxday in cabdulaahi uusan
ahayn ruux awood u leh waxa uu sheeganayo in uu fuliyo waana taas mida
sababtay in xabsiga loo taxaabo inkastoo uu sheegto in sababta loo xeray ay
ahayd diidmo uu diidan yahay in calanka xabashidda laaga taago Galdogob balse
taas waxaa beenshay ragiii xog ogaalka u ahaa eee halkaas joogay iyo Mandiga
saliimka ah iyo waliba mandqa xabashida waayo dadka yaqaana xabashida kuma
sheegin in ay wax iska dacmiso waxna iska taageerto iyadoon hadaf lahayn.
Mida kale hadiiba uu run sheegayo oo uu
diidaanaa in calankeeda meesha laga taago waaa su,aale muxuu aaga ula galay oo
uu uga dhinac dagaalamayay? ma xabashida ayaa doqon ah ooo aanay aqoon waxya u
dagaalamayaan mase si kale ayay wax ujiraan??
halkaas colnel cabdulaahi wuxuu ku lumiyay
saaxiibtinimadii xaaraanta ku dhisneeeed eee mingisto xayle maryan iyo waliba
xuriyadiisii shaqsiga ahayd iyadoo siyaasad xumidiisii ay usa usababtay in
lafihiisiii uuu dayaco ooo sidii tuug laqabtay xabsiga looo taxaabo.
Markaas kadib waaa tii lasoo daayay oo
xabsiga laga soo daayay markaas kadib siyaasad xumo heerka uu ka gaaray wuxuu
tegay Kenya markaas waa tii la eryay siyaad bare sanadkuna wuxuu ahaaa 1991
wuxuu nirope kenya kula kulmay odayaal qabiilka daroodka ah markaas ayuu wuxuu
yiri sharafteenu waxay kusoo noqonaysaaa xabad hadaba colnelku markuu lahaa
taas wuxuu ogagol lahaaa bal in uu ka faa,iidaysto marxalada lagu jiro balse
waxay kusoo aaday xeli dadku ay qaxayaan oo jabhadayn maajine wax kale furnayn
marka hadii uu siyaasi yahay waxay ahayd in uu sameeyo siyaasadii Axmed Cumar
Jees ee ahayd in dagalka laga wareejiyo qabyalada eee loo wareejiyo hadaf
siyaasadeed asiga oo taageeray Jen:Caydiid oo leh dagaalku wuxuu u dhexeeyaaa
mujaahidiin iyo Manafeesto bal fiiriya farqiga u dhexeeya labada Colnel inta
anba la gaarin Muse Suudi markaas ayaa lagu yri cabdulaahiyow hadii aay sidaas
tahay soco oo kismaanyo aad oo dagaalka dhinacaaga ka gal war looma baahna
waayo dadku hadal uma baahna hadalkuna waxaa la rabaa in ficil lagu daro marka
meeel u baahan in wax laga qabto ayuu cabdulaahi hadal lategay intaas kedib
maleeshiyadii Caydiid ayaa qabsatay Gaalkacyo halkaasna ku bililiqaysatay
hantidii meesha tiilay markaas kadib ayaa cabdulaahi warkiisii iyo hadalkiisii
dib looma maqalin
saa arintu ficil ayay u baahatay hadaba
siyaasad xumi heerka uu ka gaaray caydiidkii reer gaalkacyo u arkayeen in uu
ahaa ninkii gumaaday ayuu 1994tii aaaday oo uu ayiday asigoo raba in uu
madaxwayne xiga kadhigo wuxuuna yiri waagas asiga oo caydiid dhinac taagan in
wixii caydiid ka horjeeda in badda ka cabi doonaaan wax yar kadib weeek kama
soo wareegin markii uu kenya tegay eee uu lahaaa caydiid waan heshiin waynay
marka sow siyasad xumi maahin laba sitimaan gudahood aad ku hadasho laba hadal
oo kala duwan mar bada haka cabaan cidii caydiid diidan marna caydiid waanu
heshiin waynay marka siyasiga dhabta ah si fudud ruux isugma dhiibo si fududna
hadii ay heshiiyaan uma khilaafo mida kale cabdulaahi wuxuu hada sheegtaaa in
uu heshiis u aaday halkaas ooo hada ay gaalkacyo ay sidaas nabad u tahay marka
iyadana su,aasha ka ratibmaysa ayaa waxay tahay in sida caadada iyo dhaqanka
somalidaba uu yahay in ruuxii aad la dagashaneed in aaan gurigiisa loogu tegin
eee aan lala heshiin marka waa in heshiiska labada qaybood loo hela laba
dhexdhexaadisa ama odayadu ay meel dhexe isku arkaan balse in heshiis laga soo
raadiyo gaalgalcyo ee muqdisho laa soo galo waa wax caqliga ka fog.
wax yar kadib cabdulaahi wuxuu xubin ka
noqday SSA oo uu hugaaminaayay waagaas cali Mahdi Maxamed wuxuuna noqday ruux
uu wato cali Mahdi hadaba taageerayaasha cabdulaahi Yuusuf waxay ku
andacoodaan in cabdulaahi uusan ahayn ruux la wato halka Muuse Suudi uu yahay
ruux lawato hadaba markii uu caydiid aadayay wuxuu ahaa SSDF /S.N.A markiii uu
cali lajoogay wuxuu ahaaa SSA marka taas waxay ku tusinaysaa in uu cabdulaahi
uu ahaa ruux lawatay waxii uu rabo hoosta ha ku qarsado mida kale hadii muuse
uu hada wato cabdi qaasim oo ay suura gal tahay in laheshiiyo Gole in
lasameeyo oo lagu qabto Balcad ma timaadeeen marka ruuxa mar kasta lawadan
jiray wuxuu ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed hadana in uu hoos fadhiisto Somali
waaa ka dalacay oo waxaa wata saraakiisha hoose eee Tigrayda ayakoo u meeriya
waxa ay rabaaan hada wuxuu qaataa amarada Tafase u qaybsanaha itoobiya ee
qarbudaada somalida si aysan somalia u noqon dowlad xoog leh oo wax u dhinta
jiritaankeeda.
marka cabdulaahi saqiirada waa ka liitaa
waayo yar iyo wayn nin xabasho aanan aqoon oo aanan fahmayn waxa ay rabto
majiro marka siyaasad iyo maamul iskadaaye xitaaa cabdulaahi wuxuu fahmi
layahay in aysan xabsho aysan somali wax u rabin asigana aysan wax la rabin
xitaaa wuxuu fahmi waayay farqiga u dhexeeya Jibuuti iyo Itoobia waayo Jibuuti
waxaa lagu xantaa in ay cabdi qaasim wadatay ayna go,aansatay in ay madaxwayne
sidii uu ku noqon lahaa ay ku dadaasho waana ku guulaysatay marka hadii ay
xabasho wax u rabto dadka ay wadato oo cabdulaahi kamid yahay waa aysamayn
lahaynd mana samayso waana tan mar ay maxamed dheere ay dhegta ugu sheegto in
uu madaxwayne noqdo marna candulaahi yuusuf marna ina caydiid marka xitaa iska
daa saiyaasade cabdulaahi mayaqaano ruuxa uu ku hoos jiro waxa uu ka
aaminsanyahay.
Dhinaca Isbahaysyada iyo taxaalufka kale ee
dad la raadsado Cabdulaahi inta uu heshiiska layahay ee somalida kale sida Ina
Caydiid,Maxamed Dheere ayuu hada heshiis layahay labadaas ruuxna ma kujiro
ruux cabdulaahi wax u ogol ama in uu hugaan isbahayso uu gudoomiye u
nqodo.Marka qolyahay sida waalida ah u taageersan cabdulaahi yuusuf waxay ku
sheegaan in uu yahay ruux xirfad iyo siyaasadba aad u yaqaana oo khatar ah
marka khatarnimada ay sheegayaan ma waxay ula jeedaaan fashilaanta
siyaasadeeed eee ila aiyo hada uu kusuganyahay bal u fiirso imisa ayuuu
lumiyay Dhamaan Isimadii soo jireenka ahaa ee reer woqooyi bari waaa uu
lumiyay waxgaradkiii reer woqooyi bare waaa ay ka wada horjeesteeen
isbahaysyadii uu xubinta ka ahaaa waaa uu wada dayacay marka xirfada ay
sheegayaan hadii ay ujeedaaa afar talaab dib u laabo waa arin kale oo aan
doodba u baahanyn iyo in wax laga qoro hadii la aado dhinaca damiirka iyo
somalinimadana iyadana waxaysan u baahnayn in qoraalo sidaas u badan laga qoro
mr,Cabdulaahi yuusud mida kale ee aan kula yaabo taageerayaasha cabdulaahi
yuusuf waxay tahay in ay ku amaanaan in uu masruufo Hilowle Imaam iyo Guuleed
Gacmo dheere marka labo shaqsi oo la masruufo maxay kudhisan tahay siyaasada
nuucase ahse maxaytahay??? waa su,aal aan hubo in jawabteeda ay ku wareeri
doonaan.
Hadii aan muuse suudi aan markiisa saaro
miisaanka waxaa horta aaad aan ugu faraxsanahay in uusan iiga baahnayn qoraal
badan waayo sidaas waayeel uma sii ahan sida cabdulaahi Yuusud dhooqo badana
cagaha lama gelin marka Muuse Suudi anigoon amaan iyo caay intaba u jeedin
waaa ruux ay aad u adagtahay in la iska wato inkastoo taageerayaasha
cabdulaahi ay mar kusheegaan in uu caate wato marna ay ku fanai jireen in uu
cabdulaahi wato hadana ay yiraahdaan in cabdi qaasim uu iska wato marka hadii
in laiska waato ay fududahay fiicnaan lahaydaaa mar hore ayuu iska wadan lahaa
CaliMahdi Maxamed ooo dhalasho ahaana ay isku dhaw yihiin dhinaca is fahamkana
ay isaga dhaw yihiin cid kasta oo mudulood ah oo waliba saaxiibo ayay ahaayeen
inta aan siyaasada lasoo gelin marka fiicnaan lahaydaa hadii la iska wadna
karo saa asiga iyo maxamed dheere ayaa heshiin lahaa maxamedna xabasho iyo CIA
baahi uma gyseeen oo wuxuu rabo si fudud ayuuu u heli karaaa marka qof hebla
ayaa wata waaa hungow iyo beenta ay isku aqrin jireen ilmo ina yuusf Axmed
mida kale maanta Isbahaysi waxy isl ayihiin Bare Hiiraale,Jaamac Cali
jaamac.Garaad Cabdi qani iyo Ismaan Caato marka waa maxaay siyaasada uu
leeyahay cabdulaahi Yuusuf oo ilaa iyo hada aan haysan cid muuqaal leh ama
miisaan leh fiiri ragaas aan soo tixay hadii qabiil lafiirsho waa rag ay
wadaagaan deegaaan iyo dhalasho marka lafiirsho bare Hiiraale iyo Jaamac Cali
Jaamac waa rag daarood ah marka deegaan lafiirsho Ismaan Caato waa nin reer
mudug ah oo reer gaalkacyood ah oo aan hubo in ay is fahmi karaan marka
Cabdulaahi Muuse kuma gaaro Siyaasad ooo siyaasadiidu waxya u gaysay rag
aaanay somali isaga sukayn sharaf iyo dadnimana kuma gaaro oo cadaw uma
dhiibin ruux somali ah ama muslim ah bale hadii is bar bardhigu uu ahaan lahaa
Maxamed Dheere iyo Cabdulaahi Yuusuf oo taageerayaasha ay dhinacaas ka keeni
lahaayeen wax ayay ahaan lahayd
Ugu danbayntii waxaan soo dhawaynayaa cid
kasta oo soo bandhigata aragtidee da isla markaasna burisay qoraalkayga ayakoo
ku burinaya wax cad oo muuqda.
Mahadsanidiin
wabilaahi Towfooq
Xasan Axmed Tooxow
waziir@hotmail.com
Isbarbardhigidda Booqashada C/lahi yusuf iyo Muuse Yalaxaw
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2003
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|