Waxaan ku bilaabayaa magaca eebe,naxariis iyo nabad gelyo suubanahii
Muxamed bay usugnaatay.
Anoo tixraacaya qoraalkii Cabdiwaxid Khaliif ee cinwaankiisu
ahaa* Isbarbardhigidda Booqashada C/lahi yusuf iyo Muuse Yalaxaw*ayaa waxaa
filinwaa naga noqotay sida ku talo galka ah ee Cabdiwaaxid uu u dafiray
Beel degta Puntland,ahna beel aad iyo aad ixtiram gooniya u leh isla
markaana degta dhammaan gobalada uu ka koobanyahay Puntland laga bilaabo
Sanaag beri ilaa waqooyi Mudug waana Jufooyin ka mid ah Beelweynta
Dir,taasoo aan u qaadanay c/waaxid inay aargoosi ka ahayd markuu ku dari
waayay liis uu taxay oo uu kaga hadlayay beelaha dega puntland isagoo xusay
kuwa ay aad uga badan yihiin.
Waxaana usifeenay aargoosigaas labo arrimood:
!-Cabdiwaaxid oo beeshaas ka urinaya C/laahi yuusuf maadaama ay Abti u
yihiin,oo colaada uu u qabo kornaylka ay gaarsiisay inuu xitaa reer abtigii
naco.
2-beesha iyo beesha reer abtiga u ah C/waaxid oo ayaamahan dagaal qaraari
ka dhexeeyo,iskuna hardinaya gobalka galgaduud.oo arintu waa faqi tolkii
kama jano tago oo reer abtigii reer caabudwaaq ayuu ina khaliif lasaftay.
waxaan marna qiilo loo helayn aqoon bay ka ahayd waayo C/waxid waa nin aad
aqoontiisu aad usareyso oo xitaa heer jaamacadeed ayuu
garsiisantahay,degaankana aad iyo aad buu ukala yaqaana balse waxaasoo dhan
caadifad reer abtigiis iyo nacayb ina yuusuf yay baa ku kalifay inuu dafiro
nativkii puntland ee beeshii karaamda iyo ixtiraamka lahayd ee Dir.
waxaanu leenahay C/waaxid dafiradaadu calooshada uunbaad na tustay ee waxba
ka tarimayso dafiraadda aad galisay internetka beelweynta dir.
Waa Siciid Xasan Dhego cade
Boosaaso
sdhegacade@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan