SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NORWAY

Shirka Nabadda ee Hadraawi
Oslo – Norway 27.11.03

Waxaa dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool Norway la ogeysiinayaa in abwaanka weyn Mohamed ibrahim ”Hadraawi” uu imaanayo magaalada Oslo 24.11.03. Wuxuuna halkaa ku qaban doonaa shir nabadeed, isaga oo la kulmi doono dhammaan bulshada soomaaliyeed. Shirkan oo qeyb ka ah safarkiisa nabadda ee uu ku marayo Yurub, ayaa waxaa soo qabanqaabiyey waxgarad soomaaliyeed ee deggan magaalada Oslo, iyagoo la kaashadey, Ganacsatada, shaqaalaha, aqoonyahaniinta iyo dhammaan indheer garadka soomaaliyeed ee deggan Norway, rag iyo dumarba.

Sidaa daraadeed waxaa la ogeysiinayaa reer Norway in shirka nabadda laqaban doono Khamiista 27.11.03 saacaddu marka ey tahay 16:30-22:00 (afarta iyo barka ilaa tobanka fiidnimo), meesha: Xaruunta shirarka ee laanqeyrta cas (konferansesentret til Norges Rødekors)

Cinwaanka: Christian Krohgts g 15 lagana soo gelayo dhinaca Hausemannsgate, kasoo horjeedka dukaanka telefoonnada soomaalida ee SAM TELECOM.

Wixii faahfaahin ah fadlan kala soo xiriir, gudiga qabanqaabada shirka nabadda ee Oslo 2003

Ahmed A. Siyad ahmedsiyad@hotmail.com 22326522/92614672

Mohamed Arab maanarb@yahoo.no 21449114/92407248

Mohamed Farah Hussein mfh@ssb.no 22308842/98038972

<><><><>
Halkan ka eeg Jadwalka Booqashada Hadraawi ee Yurub...

<><><><>

Midnimo Soomaalida Iswiidhan iyo Ololaha Nabadda ee Hadraawi oo Sii Socda
Safarka Hadraawi uu ku marayo Sweden marka uu soo gabagaboobo 13/11/03 waxa uu usii gudbi doonaa... Guji

Afrax, Hadrawi, Cawad

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD