SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Is-barbardhigga booqashadii Muuse Suudi ee Libya iyo tii kornayl C/hi ee Thailand

Cawl Mareero
cawl_mareero@hotmail.com

» Jawaab Qoraalkii C/Waaxid ee Isbarbardhigid Booqashooyinkii Muuse Suudi & C/laahi
 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 Salaama Calaykum

Run ahaantii markaan arkay cinwaanka  Qoraalka waxaan u qaatay nin war ka helay safarada labada oday oo nooga xog warramaya, waayo dadka dibadaha ayaa xidhiidhku u sahlan yahay.

Marka hore C/Waaxid waxad samaysay is barbad dhig aad u khaldan. Cabdillaahi yusuf ka han-weyn kana ujeeddo cad/fog  qof ahaanna uga horreeyee alxaaj Muuse Yaaxow. ilamana qummana in loo someeyo is barbardhig caynkaas oo kale ah. ogowna in aan labadoodaba somaalinimo la wadaago.

Waa  midda kowaade Cabdillaahi Yusuf, dadka jecel iyo kuwa necebiba iskuma diidaan in uu ka mid ahaa  raggii ugu aqoon iyo xeeldheeraa ee ciidan maamula ama dagaal geliyo. haddiiba aanu ahayn kii ugu fiicnaa. si fiicanna ugu tababaran xirfaddiisa halka Alxaaj Muuse aanu wax xirfad ah lahayn aan ka ahayn qabqable dagaal.

Midda labaad alxaaj Muuse had iyo jeer wuxuu yidhaahdaa Hawiye ayaa madaxweynaha iska leh. wuu ogyahay in aanu noqon karin isagu. Halka Cabdillaahi ka yidhaahdo "Aniga" dabcan waa nin is huba ogsoonna in uu hawshaa  ka bixi karo. mana aha markii kowaad oo uu isku dawo, rag hortii ayuu isku dayey. inkstoo ilaahay garabkiisa ka baxay.

Saddexaad. ma ogatahy in markasta Musse hadba maalin qolo wadato. safarkiisaan iyo arrimaha Liibiyana ay yihiin arrimo uu Cabdiqasim wato,Halka Cabdilaahi uu isagu wax wato/ hoggaamiyo waxna abaabulo.

Afraad alxaj Muuse isuma soo taagin madaxwenenimo halka Cabdillaahi ahaa ninkii ugu horreyey ee sheegto Musharaxnimadiisa.
C/laahi Yuusuf ma laha Puntland ee Dadkaa leh
Waa Jawaab Qoraalkii Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen Guji..

C/Waaxid waa caamo Laakiin Cadowgiisa waa yaqaan
Waa Jawaabtii uu C/Waaxid kabixiyey Qoraalkii Cusman Axmed Guji

WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?
Qaybta 1aad...  |  Qaybta 2aad...
Qore: XagarYare |

Intaas oo dhan iyadoo ay jirto sow ma adaan ogid in Cabdillaahi intaas  reer aad trisay uu Madaxweynu u yahay. halka Alxaaj Muuse hadda jifidiisii hoose lagu haysto.

Dhanka kale waa jirtaa in Cabdillaahi Puntland ka dhigatay Enterprise uu isagu leeyahay. siduu doonona ka yeelo, sallaan/jaranjaro uu ku gaadho buurta Kugteedana ka dhigatay. haddii ay noqoto mid dhaqaale iyo magacba. Waagii hore waxbuu xeerin jerey hadda cidna uma joojiyo, ka gadaal markuu Boodda-cadde eryey Caddena ka caqli badiyey. Markaa heshiiska  qarsoodiga ah ee aad carrabaabtey in Cabdillaahi kula soo galay Thialand Company Badda ka kaluumaysta waa haddii iyo haddii oo kaliya u jiro e, aniga garshadayda ilama khaldana Waayo? Badaheena maanta haddii aad eegtid bilaash ayaa nin walbaa ku gurtaa innaguna ma ilaashan karno maalinkaas maanta ah.  markaa haddiiba uu lacag ka qaadanayo  boowe maxaa ku jaban? Wuxuu u baahan yahay dhaqaale faro badan oo uu ku galo tartanka doorashada, markaa haddii uu noo daayo waxoogeydi dekedda iyo Airporta Bosaso laga helo illeen abaaro iyo hawlo badan baa jiree sow alxamdulillaah ma aha!!! Middase ah in uu Cabdilaahi Maxamed ka qariyey miyaney siyaaso soo geli karin oo aanay dhici karin in Maxamed innaga innaka qariyey.

Intii Dawlaadda Cabdillahi jirtey Wax ay soo kordhisay ma jirto aan ka ahany kuwii meelahaa qoryaa la taagtaagnaan jirey oo ciidamo laga dhigay. ummaadana dhibkoodii la ga sii jeediyey.

Ceel ma qodin,Dahakhtar ma samayn, Iskuul ma furin. Mase ogatahay Xurgufta hadda dhextaal Maxamed Cabdi Xaashi iyo Isaga in ay kow ka tahay dhaqaalao xumida ka jirta Puntland oo ay sababta ugu weyn leedahay Kharaska faraha badan ee ku baxa ergada shirka iyo Xulafada Cabdillaahi uu ku hayo meesha sida Hilawle,Gacma dheere,Deerow,Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil,Shaadh-Guduud, iyo intaas waxa ay wataan iyo kuwa kale oo badan. dhammaantoodba Oday Cabdillaahi baa Masruufa.
Xajka ma u socotaa Sanadkan.... Adeegso TravelWolrdt oo kugu soo dhoweyneysa qiime macquul ah... Guji

Arrintaasoo uu  Cabdillaahi ogyahay ayaa jirta.ee haddii ay jiri lahayd In Ina Faroole lacag badan cuno meesha habeen kuma baryeen. waxaase jirta sidii Habartii odaygeeda  legeddey  la weydiiyey. waar hooge siday habartu kuu legeddey ee yidhi. Seddex xaalo ayaa is helay. Kabahaygoo saan ahaa, meeshoo sidib ahayd iyo habartoo awalba sinsaaro taqaanney. Markaa Puntald seddex Xaalo ayaa dhaqaalo xumida ugu wacan waa mar e Shirkaa Somalida oo kharash faro badan ku baxo, shaqaalihii dawladda oo faro batay iyo Cabdiraxmaan oo awalba aan cantuugo yareyn sida odaygii timacadde iyo isaga ka horreeyey. haddaba haddii Cabdillaahi ilaahay meelo kale u sahlo kolkaa Cammuu dhibku waa yaraanayaa sow ma aha.

gobogabdii C/Waaxid odayga sidaa ha u dabo gelin oo yaanay wadhi kaa raacin sow lagama yaabo in aad maalin malmaha ka mid ah taageerayaashiisa ba'an ka mid noqoto.e sida Ina adeerkaa Cabdirisaaq Sheek Cusmaan i dhegeyso waxaan u soo joogey Xasan Abshir oo ammaan qof la ammaano Cabdillaahi ammaanaya. Waxaan u soo joogey Cabdiraxmaan Faroole oo si xadka ka baxasan u weeraraya Cabdillaahi yusuf markaanu joogney Carta(Djibouti).

Waxaan u soo joogey Cadde Muuse oo Cabdilaahi shan Xabbo u qoray. Waxaan u soo joogey oday dhaqameedyo aan ka xishooday in magcooda sheego ay marna caayayeen marna ammaaneen. waxaa badan ayaa igu maqaalo ah balse intaan u soo joogay ba igu filan.

CabdiWaxaaxidow  "Abqid baqiidaka hawnan Maa, Casaa an-yakuuna Xabiibaka yawman maa"

Nabadgwelyo iyo Ramaadan Kariim

Cawl Mareero
cawl_mareero@hotmail.com

QORAALKII HORE EE CAWL MAREERO...

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD