SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QURBAHA IYO AQOONYAHANKA SOOMALIYEED. pilot

Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waa tahay bal intaanan uu galin ubucda qoraalkaan maanta, Waxaan isku dayi doonaaa inaan idiin soo hor-dhigo, Su,aasha tiraahdo ama oronaysa waa kuma aqoonyahan? Hadii aan su,aashaas si kooban ugu jawaabo, Aqoonyahan waa qof aqoon leh. Su,aal kale ayaa iyane meesha soo galaysa, Taas oo oranaysa

waa maxay aqooni? Hadaba aqristoow hadii su,aashaan jawabteda

lalla aado dhinaca falsafadda uu ku fadhiyo ereygu, Waxaa markaaba macnahiisu noqon karaaa ku hadba dhinac laga eegi karro(Relative). Hase yeeshee inta badan waxaa lagu qeexaaa in aqoontu tahay tibaax(information) uu qofku ku helo laba siyood.

1-Waxbarasho la tilmaami karo ama la raaci karo(formal aducation) Sida qofka oo yeesha aqoon-xirfadeed(dhaqtar,duuliye,alxanle iyo Iwm)

2-qofka ka hela aduunkaan ku wareegsan oo ka hanta aqoon balaadhan oo kor uu qaado aduun-aragiisa iyo fahamka dunnida ku xeeran(informal education).

Aqoontaasi iyada ahi waxa ay albaabada uu furtaaa hibadda gaarka ah ee ilaahey siiyey qofka(The human talent), Waxaayna baladhinaysaa qaababka iyo tabaha uu qofku uu adeegsan karro aqoonta ilaahey ku manaystay. Hase yeeshee aqoontu ma ahan wax laga sal gaari karro ee qofka waxuu ku jirayaa aqoon korarsi. Sidaa awgeed aqoonyahanniinta aduunku intaas waxaay ku howlan yahiin daraasado aqooneed oo balaadhan. Har iyo habeen culimada aduunku waxaay ku foogan yahiin daraasado balaadhan oo wax weyn ku soo kordhinaysa aqoonta, Qof walba qofka uu ka sii aqoon balaadhan yahay hoos ugu sii dhaadhaco uguna sii talax-taggo baadhista cilmigga ayuu waxuu isu sii aqoonsanayaa aqoonyahan..In kasta oo ay aqoontu wax weyn ka badasho hab-nololeedka qofka

Hadane waxaa jira laba arimood oo saameyn weyn ku yeelanaya nolosha iyo dhaqanka qofka kuwaas oo kale ah::::::::::

1-Shaqsiyadda qofka

2-Xadaaradda iyo habdhaqameedka bulshada uu ka soo jeedo iyo hadba inta ay ay xadaaradda bulshadaasi ay xididada dhulku ugu mudani qoto dheer yahiin, Arimahani waxaa ay hoosta ka xariiqayaaan in shaqsiyadda iyo xadaarada uu hideysanayaa aay saameyn weyn ku yeelanayaan qofka aqoontiisa iyo qaabka uu u adeegsanayo. Tani ayaa inooka martqaati kacaysa dhaqanka iyo hab-nololeedka guud ahaanba umaddeenna colowday ee dagaalka sokeeyee cardaaduuqaha ka dhigay, Gaar ahaana waxaaynu ku tilmaanaa aqoonyahanka soomaliyeed, Qabyaaladda ayaa bud-dhige uu ah is maan dhaafka macna daradda ah ee sababay dagaalkaaan burburiyey qaranimadeenii..Hab-dhaqameedka qabyaaladeeeed ee soomalidu caanka ku noqotay ayaa muraayad uu ah hab-dhaqameedka bulshadeenna reer guraagga uu badan, Bal cid kaleba ha joogteee kuwii helay wuxuun aqoon ha oo aynu is lahayn waxaay ka xuub-siibanayaan dhaqamadda gaboobay ee hido-raaca ah sidda qabyaaladda ayaa uu badan kuwa hormoodka ka ah kalla qabqabkooda dalkooda iyo adeegsiga nidaamka gaboobay ee qabyaallada waa iyagga kuwa hooga iyo halaagga baday shacabka taagta daran..

Qiimaha ay qaranimadda leedahay waxaa ogaaan karra qofkii aanan haysan kashamiir Kurdistaan,Jejniya, iyo falastiiniyiinta meelahaas ayaa ka mid ah kuwa maanta uu halgamaya sidii qaranimo uu hanan lahayeen, Iyadoo ay nasiib darro tahay in dhamaantood yahiin meelo ay ku nool yahiin dad la dhibaateeyey. Qaranimaddu waa shey qaali ah oo nafta loo hurro.......

Waa wax cad in qof kastaaa oo dunidda ku nool uu jecel yahay in dhibaatadda dhamaato Iyadoo oo ay markaasi lama huraan tahay in si wadda jir ah dunida wax loogu sheego.

Hadaba aqristoow qaranimaddii luntay iyo ka qashuucsanaanta qabyaaladda la eeday ayaaa ah laba arimood oo bulshada geeska afrika ku noqotay laba daran mid dooro oo kale ah In qaranimaddu dunto oo qabiilkuna xoogeysto ama in qabyaaladda la ilaawo oo qaranimo la hiigsado. Balse wxaaaa marnnaba suura galaynin in ay meel wada galaaan qabiil iyo qaran oo ah laba aan is qaadi karin waligoodna aan is waafaqeynin. Wxaaana tusaale cad uu ah geeska Afrika, Waayo? Asal ahaan qabiilku waxuu naaffo weyn uu geystaaa tiirarka qaranka. si uu shaqeeyo qarankaas la dhisayo waxaa lama huraan ah in la hello sedex arimood oo kale ah..

Nabad, Siyyaasad,ciidamo........ Hadaba siyaasad iyo hurumar lama fulin karro haddii ay nabadi jirin, Sidoo kale haddii aysan jirin siyasado quman oo caafimaad qabta oo himiladoodu tahay kobcinta iyo nabada ama xasilinta waxaa dhici karta inuusan shaqeynin nidaamkaas qaran sida meelo badanba ka dhacday, Xasilooni-darada dhinaca nabad-galyada ee haysataa qaaradda madoow ee afrika ee qaraxa iyo khilaafka siyasadeed lugu yaqaano waxaa sabab uu ah tabar-daradda dhinaca siyasad-xumada iyo is jiid jiidka aan dhamaaannin malin-walbaa.....

Balmarkaan aan uu soo gallo xaaladda nololeed ee soomaalidda ku nool dalka ingiriiska, Waddanka ingiriiska waa wadan ku dhaqan ah amaba uu eg sidda uu yahay waddanka kanadda dhinac walbo. Waxaadna ka heli kartaaa magaalda london dhamaan dadka saaran dunidda korkeeda. Waxaaan magaalda london ku tilmaami lahaa iney tahay magaalo aan laga helin dadka dhaladka ah ee ingiriiska ah, Magaalddaa dadka degan badankoodu waa shisheeye, Dadka ugu badan ee dagan waa dadka hindida ah oo qiyaastii degay 1972 markii madaxweynahii ugaandha Iidi Amiin uu ku qasbay iney ka baxaan wadanka ugaandha, Xaafadaha ay goosteeen waxaaa ka mid ah xaafadda lagu magacaabo"Southall" oo dadka kale shisheeyaha ahna ku magacaabaan"Bombaydii yareyd" Xaafadaan waxaa kula nool dadkaa hindida ah dadka soomaliyeed oo dhinac walbaa heshiis kale noqday. Xaafadaan waa xaafada ay soomalidu ku leeyahiin beecmushtarka ugu badan wadanka ingiriiska. Waxaa jirta meel suuq ah oo leh dukaamo nooc walba ah oo ay leeyahiin dadka soomaaliyeed oo kaliya. Dhaliisha dukaamadaas waa iyagoo leh dhowr irid oo laga soo gallo unna dhisan sidda dhismaha lagu magacaabo "Bazar" ee ka dhisan wadanka daaniska, Hadii aan sharax yar ka bixiyo dhismahaa waa dhismo hal guri oo weyn ah oo gudaha loo kale qaybiyey dhowr qolol oo ka dhisan safiito iyo alwaax.waana meel la yaab leh,

Wxaaaa halkaa ku yaalo laba maqaayadood, hal timajare,labo qol oo taleefano laga dirsado oo midkiiba dhowr qolol oo yar-yar gudaha ku sii leh iyo dukaamo aan tiradooda ay gaarayso 6-10, Dhamaan halkaas waxaa wax ku leh dad soomaliyeed oo kaliya, Manna jiraan dad shisheeye ah oo halkaas soo galla oo wax ka iibsado, Dadka wax ka iibsadaa halkaa waa dad soomliyeed.. Aragtidda halkaaa waa aragti nadaafadu ku yareyd, Qaadka caleentiisu dhulka ayay dadsanayeen. Magaalda london ma jiraaan wax kugula yaabaya midabkaaagga ama qaabka dharxirashadaada,,

Sidda dadka daanisk ah kuula yabayaan markaad xirato kay iyagu xeran yahiin iwm...Wadanka ingiriiska waxuuu ugu duwan yahay wadamadda yurubta galbeed waa isagoo laga hello shaqooyin kale duwan oo aan luguugu cadaadineyn midab iwm...Waanna wadanka kaliya oo qofka shisheeyaha ah isla markiiba ka furan karro beecmushtarkiisa hala haado sharci ama yuusan lahaaane... Intaas waa warbixibtii magaalada london....Aqristoow waxaa jira nin isaga intuu qoraal qorta dadka ka been uu sheega talooow magaca ah "Ali" ma waxuu noqday mid faalada lagu camirto maxaa yeelay waxaad tabcataa baa la cunaa ee ogoow inaadan cidna aadan dhici karin inta ay gacantayda wax qoraysa maxaa yeelay danta aad ka leedahay waa cadahay oo waxaad rabtaa inaad qoraalka aan aniga qora inaad qal-qal galisid laakiinse taa ma dhacayso ogow waligaa inta aad nooshahay dhinaca kale magacaaga ma doonayo inaan xusso waayo? anoo ilaalinayo xaquqda qofkaa dadkane uma jawaabo balse sanadka 2003 xasuus buu mudan-yahay::::::::::::

Qore

Cali diiriye nuur pilot::::::::::London

liibaan33@hotmail.com

ama tigaana_52@hotmail.com 

 QORAALADII HORE EE PILOT

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD