Hay’adda SOFIHA ( Sweden ) waxay mudooyinkaan danbe si hagar
la’aan ah ugu howlaneyd sidii ay guul uga gaari lahayd ugana mira dhalin lahayd
gogol Nabadeed oo in mudda ahba fidsanayd Magaalada Galkacyo iyo Nawaaxigeeda,
taas oo looga wada hadlayay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka daba dheeraaday
ee ay dadka badani ku hoobteen ee ka socday deegaamada ku dhow dhow Degmada
Caabud-Waaq, walow ay ilaa iyo haatan suuragal noqotay in qaybo ka mid ah
guurtida beelihii dagaalamay (Mareexaan iyo Dir ) ay is arag yeesheen.
Hadaba waxay Hay’adda hadda qorsheenaysaa iyadoo kaashanaysa
guurtida iyo culumaa’udiinkaas deegamaas sidii loogu kulmin lahaa Gogol
Nabadeed oo ka balaaran kuwii hore beelahaas Dirirtu dhexmartay ay isugu
yimaadeen.
Waxayna Hay’addu ku tala jirtaa inay dhinac kasta ka soo
kaxaysato ragga u haya hogaanka dhaqanka iyo madaxda kooxihii dagaalku
dhexmaray.
Tacsi Iyo Baroordiiq Ay Hay’adda SOFIHA U Dirayso Eheladii,
Qaraabadii, Asxaabtii Iyo Dhamaan Shaqaalaha SOS Ee BRITAIN
Agaasinka Hayadda SOFIHA isagoo si aad uga xun wuxuu tacsi u
dirayaa dhamaan eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo shaqaalihii Hay’adda SOS
ee Britain, geeridii ku timid labadii Macalin ee dhawaan dableyda Hubaysani ay
ku dishay Degmada Shiikh, kuwaas oo u dhashay Dalka English, kala ahana RICHARD
And ENID oo Macalimiin ka ahaa Dugsiga Sare ee Degmadaas.
Sidoo kale waxay Hay’adu Tacsi taas la mid ah u diraysaa
eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay ANNALENA TONELLI, oo dabley Hubaysani
ay ku dishay Degmada Boorame, iyadoo halkaa muddo dheer uga shaqeynaysay
Tabaruc, Samafal iyo daryeel aadanimo.
Ugu dambeyntii waxay Hay’addu tacsi taas la mid ah u
diraynaa eheladii iyo qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u
naxariistee OYAW ABDIWAHID UKASH oo ay dabley hubaysani 14 September ku dishay
Gobolka Gado, asigoo halkaa Howlo samafal ka wada.
Dhamaan falalkaas waxay hay’adda SOFIHA ugu muuqdaan kuwa ka
dhan ah bini’aadannimada Macna darana ku yimid, waxayna dhacdooyinkani si
istaba joog ah u dhaceen waqtiyo isu dhow, waana falal naxariis daro oo lagula
kacay dad u yimid Somaliya Samafal iyo Aadminimo.
Waxaana xil ka saaran yahay sidii ay u sugi lahaayeen Amniga
Hay’adda Caalamiga ah ee ka howlgala Deegamadooda Maamulada gacanta ku haya
talada goobahaas.
SOFIHA Secritariat
A/risak Omar Ismail (Sheekhaduun)
sheekhaduun@hotmail.com
Mopil: +252-525-6224
Work: +252-52-34299
Home: Netco, +252 52-37067
Golis, +252-5-825865