SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAXKAMAD

2/11/2003

Jawaab Celinta ku saabsan u yeeritaanka

Guddomiyaha Shirkadda Netco

Ku: Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee DGPL Garowe

Og: Guddomiyaha Golaha Xeer Dejinta DGPL Garowe

Mudane Guddomiye, anagoo tixraacaaya qoraalka sumadisu tahay MS/DGPL/121/2003, ee ku taariikhaysan 30/10/2003, ujeeddadeedna tahay u yeerid Ismaaciil Xaaji Cabdi Guddomiyaha Shirkadda Netco, qoraalkan wuxuu nagu noqday arrin ugub ku ah garsoorka, sababtoo ah waa dacwadii ugu horeysay ka bilaabmata Maxkamadda Sare iyadoo la hareer maray ama laga booday labadii maxkamadood ee darajada 1aad iyo 2aad , waxaa kalo oo arrin cusub ah Maxkamadda Sare hadii ay dacwo qaadayso ama talo bixinayso waxay ku haboontahay in ay ku gasho dacwada goobtii dacwadu addilladeedu taalay oo ah meesha ay khusayso.

Xaanshida laga hadlayo dacwada ku lifaaqan waxaa qoray Abokato Axmed Barre, waxayna ku habooneyd inaad qareenada dhiggiisa ah aad kala soo xiriirtid dacwada adigoon u gudbin Ismaaciil Xaaji Cabdi.

Sida ku qeexan xeerka habka Madaniga qodobkiisa 246 Maxkamadda Sare dacwada waxay soo geli kartaa marka ay jiraan sababaha ku xusan qod.246.

Waxay kaloo Maxkamadda Sare soo geli kartaa sida ku cad Qod.266 Xeerka Habka Madaniga.

Arrinta saddexaad ee ay ku soo geli karta waxay tahay arrin maamul oo dhex martay Maamulka dhexdiisa ama Maamulka iyo dhinaca Shacabka.

Hadaba, saddexdaas sababood midkoodna tilmaami maayo hab ay Maxkamadda Sare ku soo dhex gasho iyadoo aan Maxkamadihii Darajada 1aad iyo darajada 2aad aysan soo marin dacwadu.

Sidaa darteed, Guddomiyaha Maxkamadda Sare waxaan ku war gelinaynaa in arrinta aad soo jeedisay oo u yeerida ah aysan wax dhib ah lahayn, hasee ahaate anagoo diyaar u ah codsigaagi inaan aqbalo, hadana waxay taasi ka hor imanaysa sharicga dalka.

Heshiiska la qoray taariikhdu markay ahayd 24, Aug 1993, qodobkiisa 6.6 wuxuu sheegaya sharciga lagu xukumayo ama lagu fasirayo inuu yahay Sharciga Gobolka Meryland, USA.

Qodobka 6.7(a) ee heshiiska wuxuu muujinayaa khilaaf kasta ee ku yimaada shirkadda Netco , waxaa lagu xalin doona dhexdhexaadin, dhex dhexaadintaas waxa lagu qaban doona iyadoo la eegaayo shuruucda dhex dhexaadinta caalamiga ah ee ururka dhex dhexaadinta America, waxaana lagu qaadi doona xarunta dhex dhexaadinta oo noqon doonta NewYork, luqadda lagu dhex dhexaadinayana waa afka Ingiliska.

Codsi:

Mudane Guddomiye, Bacdama u yeerida dhinacyada ay khilaafsantahay sharciga u digsan dalka, oo ay maxkamadda sare ay leedaha awooda u yeerida dhinacyada marka ay jirto dacwad idaar ah (ricorso ammintstrativo) oo lagu dhageysto wadar xubnaha Maxkamadda Sare (Plenary Session)

Waxaanu kaa codsanayna in maxkamadda sharafta iyo qadarinta mudan ka noqoto u yeerida dhinacyada ee dacwadan, una deyso maxkamadaha ikhtisaaska u leh in ay dhageystaan dacwada.


Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee DGPL oo diiday codsiga Qareen Maxamed Abshir Cumar iyo Qareen Axmed Saciid Gurey.

Taariikhdu markay ahayd 7-8/11/2003, waxaa qareen Maxamed Abshir Cumar Guddomiyaha Maxkamadda Sare ugu tagay xaruntisa magaalada Garowe isagoo u socday inuu fuliyo xaashida sumadeedu tahay MS/MPL/121/2003, ee ku taarikhaysneed 30/10/2003, ujeedadeeduna ahayd u yeerid Ismaaciil Xaaji Cabdi.

Ka dib markii loo gudbiyey xaashiyaha sida hoos ku cad:-

1- xaashida sumadeedu tahay XXI/GB/628/03 ee 24/10/2003 Xeer Ilaaliyaha G/Bari ka socotay.

2- Xaashida sumadeedu tahay MIA/1/2003.

3- Xaashida sumadeedu tahay kuna taariikhaysan 22/10/2003 Wasiirka A.G iyo Amniga.

4- Xaashida sumadeedu tahay 5/10/2003 ee uu qoray Axmed Siciid Cabdi Gurey.

5- Xaashida sumadeedu tahay MRGB/89/2003 Maxkamadda G/Bari.

6- Xaashida ku taarikhaysan 2/11/2003 Qareen Maxamed Abshir Cumar iyo Qareen Axmed Saciid Gurey.

Hadaba, Guddomiyaha Maxkamadda muusan yeelin qabashada warqadaha kor ku xusan, isagoo sabab ka dhigaya imaansho la’aanta Ismaaciil Xaaji Cabdi, isagoo leh, “ Meeye Ismaaciil Xaaji Cabdi”, iyo isagoo leh maxaa looga cayriyey Cabdirasaq Ibrahin Xafiiskiisa iyo rugtiisa.

Qareen Maxamed Abshir wuxuu Guddomiyaha Maxkamadda u cadeeyey inuu yahay qareenk Ismaaciil Xaaji Cabdi halkana u yimid arrinta awgeed, hase yeeshe Guddomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu si bareer ah u diiday ka qabashada waraaqihii Qareenka Ismaaciil Xaaji Cabdi, iyadoo arrintu ay u muuqato in Guddomiyuhu u xagliyey hal dhinac.


Ficil-celinta Qareen Maxamed Abshir Cumar iyo Qareen Axmed Saciid

Gurey ee ku wajaxan diidmada Guddomiyaha

Maxkamadda Sare DGPL

Qoraalka Qareen Maxamed Abshi iyo Qareen Axmed Saciid ka dib markay arkeen diidmada qayaxan ee Guddomiyaha Maxkamadda Sare DGPL ee ku taariikhaysan 9/11/2003 :-

Ku: Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee DGPL Garowe

Ku: Guddiga Sare ee Garsoorka Garowe

Og: Guddomiyaha Golaha Xeer Dejinta DGPL Garowe

Og: Sii hayaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee DGPL Garowe

Og: Human Rights Watch Garowe.

Tix-raac xaashida sumadeedu tahay MS/DGL/123/2003 ee 8/11/2003 ee uu ii soo gudbiyey Ismaaciil Xaaji Cabdi, waxaan kula socodsiinayaa in arrinta dacwaddani:-

1- Ka furantahay Boosaaso

2- shirkadda la dacweynayana xarunteedu tahay Boosaaso.

3- Inuu leeyahay Ismaaciil Xaaji Cabdi Qareen sida ay qabaan qodobada 54,55,iyo 56 X.H.M.

4- Awooda degaanka (territorial competent) sida ku cad Qod. 12,13,14 ee X.H.M kaasoo ah dacwadu in ay ka dhalatay Boosaaso.

5- Maxkamadda Sare awood u ma leh iney dhegeysato dacwad madani ah ayadoo aan la soo marin Makamaddaha Darajada 1aad iyo 2aad.

6- Xeer Ilaalinta Gobolka waxaa taalla Dacwad Ciqaab ah oo baaristeedu socoto.

7- Dacwad Madani ah lagu ma furi karo inta ay ka xirmeyso Dacwad Ciqaabta.

8- Guddoomiye waxaan kula socodsiinaynaa in Maxkamadda Sare keli ah awood u leedahay iney wadar ahaan u dhageysato dacwadaha idariga ah (eeg. Ord. Giudizario) Qod. 7aad Qaybta 4aad.

9- Guddomiyaha Maxkamadda Sare waxaa la xasusinayaa inuusan asagu ka qayb gali karin dhageysiga dacwadda xatan haddii ay soo marto darajada 1aad iyo 2aad waayo wuxuu muujiyey fikradiisa, isagoo qareenka C/rasaaq ka qabtay Qoraaladii, Qareenka dhinaca kale diiday oo yiri hadalo muujinaya inuusan dacwadda ka ahayn dex dhexaad.

10- Sida uu qabo Qod. 317 X.H.M iyo kuwa xiga, dhinacyadu waxay xaq u leeyihiin in ay u bandhigaan dacwadooda dhexdhexaadiye ama dhexdhexaadiyaal ( Sole arbitrator of Panel of arbitration), hase ahaate Maxkamadda Sare ama Maxkamadda kale kuma khasbi karin in ay u Magcaabaan dhexdhexaadiye ama dhexdhexaadiyayaal Dhinacyada.

Qareen Maxamed Abshir Cumar ____________

Qareen Axmed Siciid Cabdi (Gurey) ____________

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey Yasin Ahmed:
yes1no3@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2003  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD